HomeMuqdisho: Khasaaraha Qaraxyo Kooxda Al-Shabaab ka Fulisay Meherad ay Sannad ka Hor...

Muqdisho: Khasaaraha Qaraxyo Kooxda Al-Shabaab ka Fulisay Meherad ay Sannad ka Hor ku Dileen Tobanaan Qof iyo Qaramada Midoobay oo ka Hadashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho (SLpost)- Qaraxyo ismiidaamin ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa maanta ka dhacay meherad ganacsi oo magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, taas oo sannad ka hor ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay weerarro is-qarxin oo galaaftay nolosha tobanaan qof.

Qarax-yadan ismiidaaminta ah, ayaa inta la ogyahay galaaftay nolosha 15-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo shacab u badan.

Weerarrada ayaa la sheegay in lagu fuliyey laba qarax oo kala horeeyey oo kala ahaa gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey  iyo Qof ismiidaamiyay, iyadoo la sheegay in qofka isqarxiyay uu sababay inta badan khasaaraha dhimashada iyo dhaawac.

QaraxyolMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkan, ayaa ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo. “Inta aan maqlay waxaa ku dhintay qaraxyadan 14-qof, waxaana dadkani ay intooda badan dhinteen iyagoo doonayay inay u gurmadaan dad waxyeello ay ku gaadhay qaraxii hore, waana arrin xanuun badan,” ayuu Xasan Sh. Maxamuud.

Xildhibaan ka mid ah Mudaneyaal Baarlamanka dalkaas ka tirsan oo ku sugnaa Maqaaxi lagu magacaabo The Village oo ka soo horjeedda meheradda qaraxyada lagu fuliyey, ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay inuu arkay dhimashada 10-qof oo rayid ah, kuwaasoo isugu jiray siddeed rag ah iyo laba dumar ah oo ku dhintay qaraxii uu ruuxa miineysan geystay.

Sheegashada Al-Shabaab

Kooxda Al-shabaab ee xidhiidhka la leh urur-weynaha Al-Qaacida, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ay ku naf-waayeen 15-ka Qof ee shacabka u badnaa, waxaanay ku doodeen inay ku bartilmaameedsanayeen wax ay ugu yeedheen cadowga Gaalada u adeega.

Qaraxyo3“Makhaayaddan waxaa iska leh shaqsiyaad cadow ah oo gacan-saar la leh mid ka mid ah hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka,  ayna tahay goobaha laga soo maleego dhagaraha dadka Muqdisho uu cadowgu ku hayo, ayna mujaahidiintu dhowr jeer oo  hore dadka uga digeen in ay u dhawaadaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab, sida lagu baahiyey warbaahinta ka hawl-gasha magaalad Muqdisho.

QaraxyoAl-shabaab waxa ay sheegtay inay sii wadi doonaan beegsiga goob walba oo ay u arkaan in loo adeegsado dhibaataynta dadka muslimiinta ah, haddii ay tahay xarun milatari oo muuqata ama mid sirdoon oo qarsoon.

Cambaareynta Qaramada Midoobay

Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkaas ismiidaaminta ah ee ka dhacay Muqdisho.

“Waxaa aad iiga nixiyay ficilka waxashnimada ah ee dadka badan ay ku dhinteen. Waxaana u cambaaraynayaa sida ugu xooggan.  Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibbadii dadkii lagu dilay weerarkan, sidoo kale, waxaana u rajaynayaa kuwii ku dhaawacmay inay si dhakhso leh u soo bogsoodaan,” ayuu yidhi Kay.

Qaraxyo2Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yidhi, “Weerarrada noocan ah ee ku dhisan cadownimada waxay na xasuusinayaan in dadka Soomaaliyeed ay si dhab ah ugu baahan yihiin nabad. Argagixisinimadda waxay caqabad  ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale. Argagixisinimadda waxay u baahan tahay in loo jebiyo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaan.”

Dhanka kale, waxaa weerarkan cambaareeyay ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM ee dalkaasi sugan iyagoo sheegay inuu ahaa weerar waxashnimo ah oo lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo bishii September ee sannadkii hore sidan oo kale weerarro is-miidaamin ah loola beegsaday makhaayaddaas, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo ay ku jireen wariyeyaal iyo saraakiil ciidan, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Dhanka kale, laba nin oo miineysan ayaa iyaguna sannadkii hore weeraray isla maqaayad lagu magacaabo The Village II oo ku taalla Muqdisho, waxaana Makhaayadahan iska leh muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed, kaas o kaasoo muddo dheer ku noolaa dalka Britain, balse dalkiisa ku laabtay muddo laba sanno ka horteed ah.

Somalilandpost.net/Muqdisho

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories