HomeMuqdisho: 47 Xildhibaano ku abtirsada Somaliland oo soo saaray Go'aamo ka dhan...

Muqdisho: 47 Xildhibaano ku abtirsada Somaliland oo soo saaray Go’aamo ka dhan ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Muqdisho (SLpost)- Xildhibaanada dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland ee ku jira Baarlamanka labada Aqalka ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa si adag uga hor-yimid guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi oo ku dooday inuu xaq u leeyahay soo magacaabista guddiga Doorashada ee metelaya Somaliland.

Xildhibaanada oo war-saxaafadeed kasoo saaray kulamadaas ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu gebi aahnba ku metelin hadalada iyo qoraalada uu maalmihii u dambeeyay soo saaray, kuwaasi oo uu kaga soo horjeeday dhismaha guddiyada doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Somaliland.

blankWar-saxaafadeedka oo ay ku saxeexnaayeen 47-xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya, isla markaana kasoo jeeda Somaliland ayaa waxa lagu taageeray xukuumadda Farmaajo, iyada oo lagu sheegay in guddiyada doorashada ee qeybta ka yihiin kuwa Somaliland ee uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, lagu dhisay hab waafaqsan heshiiskii siyaasaddeed iyo hab-raacyada ka farcamay kadib wada-tashi baaxad weyn oo lala yeeshay xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo hogaanka dhaqanka ee kasoo jeeda Somaliland.

“Waxaanu caddaynaynaa in guddoomiyaha aqalka sarre, inkasta oo uu yahay odey aanu aad u qadarino, in aanu ku metelin Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo odeyaasha dhaqanka hadalada iyo qoraalada uu soo saaray ee uu ku durayo dhismaha guddiyada doorashada ee Somaliland iyo hab-raacyada loo maray, maadama oo aanu nala tashan waxna naga weydiin,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, waxa war-saxaafadeedka xildhibaanada lagu taageeray heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadu ku gaadheen magaalada Muqdisho, isla markaana uu meel-mariyey baarlamaanka, kuwaasi oo ay kasoo baxeen habraacyada lagu dhisay guddiyada doorashooyinka Soomaaliya.

Waxay ugu dambeyntiina ku tilmaameen nasiib darro in siyaasiyiin ujeedooyin siyaasadeed leh ay isku dayaan inay ka dhigtaan doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland dariiq ay u sii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiiyey.

blankblankblank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories