HomeMunaasibaddii ugu Miisaanka Cuslayd ee Wasiirro Xukuumadda Kulmiye ahi Xilka ku kala...

Munaasibaddii ugu Miisaanka Cuslayd ee Wasiirro Xukuumadda Kulmiye ahi Xilka ku kala tirsadan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Cusub ee wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Md Cabdirisaaq Cali Cismaan.
Munaasabad ka dhacday Xarunta Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yahiin Xildhibaano ka tirsan labada Gole, wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga, gaashaandhiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kalluumaysiga, Hawlaha Guud, Duulista iyo Hawada, Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Engineer Faysal Cali Waraabe iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, Salaadiin, waxgarad iyo dadweyne faro badan ayaa waxaa ugu horayn warbixin ku saabsan wasaaradda Dib u dejinta, Qaab dhismeedkeeda, iyo waajibaadka ay qarankan ugu xilsaaran tahay ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee wasaaradda dib u Dejinta Cali Biikolo, halka sidoo kalena uu wasiirka cusub ugu ballanqaaday isagoo ka wakiil ah shaqaalaha dawladda ay si daacadnimo ku dheehan tahay ula shaqayn doonaan.
blankWasiirkii hore ee Wasaaradaasi Md Cabdirisaaq Cali Cismaan oo ka hadlay munaasabadaasi balaadhan ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabahii ay wax ka qabteen mudadii uu joogay wasaaradda sida mashaariicdii lagu hagaajinayey bilicda caasimadda isla markaana sadex goobood lagaga raray dadweynahii deganaa lagana hirgelinayo mashaariic dan guud ah, halka sidoo kalena ugu yaraan 75 guri loo dhisay dad danyar ah oo ku sugan Magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer.
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta xilkan la wareegayo isagoo hore u ahaa Gudoomiyihii ururkii SSC isla markaana uu maanta wasiir u yahay umadda Somaliland oo dhan gaar ahaana uu dadaal u gelayo sidii uu uga shaqayn lahaa horumarka iyo deganaanshaha Somaliland.
Wasiirka Cusub ee wasaaraddu waxuu sheegay inuu ku wargelinayo deegaankii uu ka yimid in la xalinayo waxii tabashooyin ah ee jira, waxuuna ka codsaday shaqaalaha wasaaradda inay wada shaqayn la sameeyaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories