HomeMunaasibadda Ciidal-Fidriga oo si ballaadhan looga Oogay dhammaan gobollada iyo Degmooyinka Somaliland...

Munaasibadda Ciidal-Fidriga oo si ballaadhan looga Oogay dhammaan gobollada iyo Degmooyinka Somaliland (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Munaasibadda Ciidal-fidriga oo guud ahaan laga maamuusay dunida Muslimka maanta, ayaa si ballaadhan looga dabbaaldegay gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Caasimadda Hargeysa iyo dhammaan magaalooyinka waawayn ee Somaliland oo si ballaadhan looga xusay Ciidal Fidriga, ayaa kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay garoomada kubbadaha iyo masaajidada kala duwan waxa tukashada salaadda ciidda kala qaybgalay masuuliyiinta heer qaran, gobol ilaa degmo oo khudbado kala duwan u jeediyey.

ciidal-fidri_Saylici_HargeysaMagaalada Hargeysa oo sida ugu wayn looga oogay munaasibadda Ciidal Fidriga oo dadweyne iyo carruur aad u fara badan oo ku lebisan dhar bilicsan isugu soo baxeen jidadka iyo goobaha salaadda lagu tukudo ee garoomada waawayn ee kubbadaha iyo masaajidada, iyadoo Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Saylici, wasiirrada xukuumadda iyo madaxda kale ee qaranku la tukadeen.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dadweynaha kula tukaday salaadda ciidda masjid-jaamaca Hargeysa ee badhtamaha magaalada ku yaal, isagoo halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka iyo arrimo caalamka ku saabsan.

Ciidal-fidrigaSidoo kale, wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno Baarlamanka ka mid ah iyo masuuliyiin kale, ayaa iyaguna shacabka kula tukaday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, halkaas oo qaarkood kala hadleen.

Sidoo kale, magaalooyinka waawayn ee xarumaha u ah gobollada dalka sida Boorama, Berbera, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Gabiley, Balligubadle, Oodweyne iyo Caynaba iyo weliba degmooyinka kale, ayaa guud ahaan si wayn looga dabbaaldegay munaasibadda iyo salaadda Ciidal Fidriga, iyadoo magaalo walba dadweynaha ay kala qaybgaleen tukada salaadda madaxda heer gobol oo iyaga iyo culimaduba khudbo kala duwan u jeediyey shacabka.

ciidal-fidri burcoGuud ahaan shacabka oo muuqaalkooda iyo shucuurtoodaba ay ka muuqatay farxadda iyo damaashaadka ay ku maamuuseen Ciidal Fidriga oo ay hambalyo iyo duco ku wajahan munaasibadda iyo dhammaadka bishii barakaysnayd ee Ramadaan isku salaamayeen, isla markaana tukashada salaadda kadib bilaabay booqashooyin ay isugu tagayeen asxaab, qaraabo iyo jiiraanba.

Dabbaaldegga maalinta koowaad ee Ciidal Fidriga sannadkan ayaa si nabad-gelyo ah ku qabsoontay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

ciidal-fidriMunaasibadda dabbaal-degga farxadda Ciidal-fidriga, ayaa sannadkan ku soo beegmaysa Markii u horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo dalka dibaddiisa ka maqan yahay muddada Afarta sanno ee uu hoggaaminayey talada dalka, waxaanu sannadkan farxadda Ciidal-fidriga la qaybsaday shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London oo uu goob-fagaare ah kula salaadda Ciidul-fidriga kula tukaday shacabka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories