HomeMunaasibadda Ciidal-Fidriga oo Maalinta Berri ah looga Dabbaal-degayo Dunida Muslinka iyo Madaxweynaha...

Munaasibadda Ciidal-Fidriga oo Maalinta Berri ah looga Dabbaal-degayo Dunida Muslinka iyo Madaxweynaha Siilaanyo oo la Ciidaya Jaaliyadda London

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maalinta Berri ah waxa ku beegan munaasibadda Cidal-fidriga ee gunaanadka u ah Bisha Barakeysan ee Ramadan, waxaana curashada bisha Shuwaal laga Arkay meelo badan oo ka mid ah Gobollada Somaliland iyo waddamada Islaamka, sida uu shaaciyey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Aadan Cabdilaahi Cabdalla.

Eid-MubarakAgaasimaha Guud waxa uu sheegay in bilashada Bisha Shuwaal laga arkay deegaamo ka tirsan Somaliland oo ay ka mid tahay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, waxaanu shacabka Somaliland iyo umadda Muslimiinta ah u rejayeeyey in Eebbe ka Aqbalo Cibaadadii iyo Soonkii ay soo guteen bisha Barakaysan ee Ramadan.

Shacbiweynaha Caasimadda iyo dhammaan gobollada dalka, ayaa Berri u dareeri doono tukashada Salaadda Ciidul-fidriga, waxaana kala qayb-gali doono masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda.

Ciiddan, ayaa noqonaysa markii u horreysa ee Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu xilka hayay aanu shacabka Somaliland gaar ahaan reer Hargeysa la wadaagin dabbaal-degga farxadda Ciidda, isaga oo sannadkan la Ciidaya Jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Ingiriiska Gaar ahaan magaalada London.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa la filayaa inuu shacabka magaalada Hargeysa kula tukado salaado Ciidul-Fidriga Masjidul-Jaamica Caasimadda.

Haddaanu nahay Bahda Somalilandpost, waxa aanu dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Akhriysteyaashayada ku xidhan boggan leenahay Ciid Wanaagsan, Eebbe ha innagu gaadhsiiyo sannadkan, sannadkiisa Caafimaad-qab, bash-bash iyo barwaaqo.

Eebbe Waxa aynu ka baryeynaa dhammaanteen inuu innaga Aqbalo kheyrkii aynu bisha Ramadan habeen iyo maalin u taagnayn, Eebba-na ha innaga dhigo kuwii uu ka abaalmariyo kheyrka iyo Camalkii aynu shaqaysaynnay Bisha Ramadaan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories