HomeMunaasibad lagu xusay Hawl-galkii Birjeex ee Sannadkii 1983 lagula baxay Marxuum Cabdilaahi...

Munaasibad lagu xusay Hawl-galkii Birjeex ee Sannadkii 1983 lagula baxay Marxuum Cabdilaahi Askar oo Hargeysa lagu qabtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)- Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf oo ay weheliyaan Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Caafimaadka Dr Xuseen Maxamuud Maxamed ayaa Maanta ka qayb galay munaasibad loo sameeyay Geesiyadii ku suntanaa hawlgalkii Birjeex ee lagula baxay alle ha u naxariistee Marxuun Cabdilaahi Askar oo ku astaysnaa 12 bishii April 1983-kii.

Munaasibadan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa waxaa soo qaban qaabiyay ehelkii uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun C.laahi Askar, waxaa kale oo ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafnta Faysal Cali Sheekh, Mujaahidiin ka tirsan Ururkii SNM ee Xoreeyay Wadanka iyo Marti sharaf kale .

blank
Marxuum Muj. Cabdilaahi Askar Barkhad, 1990kii

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa si qoto dheer u sharaxay Xusuustii ay Maalintaasi ku lahayd Ururkii hubaysnaa ee SNM iyo Taliskii Siyaad bare, waxaanu xusay in hawl galkaasi uu magacii Ururkii SNM kor u qaaday isla markaana uu dheg xumo u soo jiiday rajiimkii ka soo horjeeday.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu tilmaan ka bixiyay in Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo Geesiyaal kale oo la Socday ay Maalin cad ugu badheedheen inay Mujaahid Cabdilaahi Askar  kala baxaan Miiska Saraakiisha taas oo uu ku sifeeyay arrin taariikhda halgankaas qayb weyn ka qaadanaysa

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkii Maxamed Siyaad bare aanu reer ahayn hasa yeeshee waxa uu ahaa ayuu yidhi Keli talis caadaystay dhiiga ummada waxaanu ku booriyay dadka qaar inaanay dhibin ka waranka taariikhda halgankii hubaysnaa ee SNM horseedka ay ka ahayd.

Wasiirku Waxaa kale oo uu ka hadlay inaanu jirin xukun ay SNM hayso oo ay Cid gaar ah ku duudsiyayso waxaanu intaas ku daray in Somaliland ay ka abuurmeen hanaan dimuquraadi ah oo qof kastaa xaqiisa distooriga ah wax ku dooran karo laguna dooran karo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ahayd mucjiso mar la arag ah in dhawr mujaahid ay go’aansadaan sidii ay Miiska Saraakiisha oo Cudud Ciidan ay dul hoganaysay isla markaana ay kala baxeen Alle ha u naxariistee Mujaahid C.laahi Askar waxaanu ilaahay uga baryay dhamaanba intii ku geeriyootay halgankaas hubaysnaa ee SNM inuu naxariistiisa jano ugu deeqo ummada Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo iimaan ka siiyo.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa cadeeyay baahida loo qabo sidii loo qori lahaa taariikhda ururkii SNM,waxaa kale oo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu waxa uu xusay in dhacdada lagula baxay C.laahi Askar ay fashilisay Xus balaadhan oo ay lahaayeen Ciidamadii la odhan jiray Xooga dalka Somalia ,oo sannad kasta la qaban jiray 12 bisha April isla markaana ku talo galkoodu ahaa inay ku soo bandhigaan Mujaahid C.laahi Askar .

Ujeedada Munaasibadan ayaa salka ku haysay sidii loo weynayn lahaa Hawl galkii Guda galka Birjeex ee uu hogaaminayay rabi naxariistiisii jano ha ugu deeqee Marxuun Ibraahin Koodbuur isla markaana lagula baxay Marxuun Cabdilaahi Askar oo xiligaas ay qabteen Ciidamadii Siyaad Barre wakhti uu ku gudo jiray hawlgal xasaasi ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories