HomeMunaasibad Lagu Daah-furay Buugga CULUUMTA MAANSADA Oo Hargeysa Ka Dhacday

Munaasibad Lagu Daah-furay Buugga CULUUMTA MAANSADA Oo Hargeysa Ka Dhacday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo lagu soo Daah-furay buug-suugaaneedka CULUUMTA MAANSADA oo horraantii sannadkan lagu daabacay dalka Sweden, ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga Sare ee Nuuradiin oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Bandhiggan oo ay ka soo qayb-galeen abwaanno, qoraayo iyo aqoonyahanno caan ah oo ay ka mid yihiin Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, Abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad), Xaaji Mahad Ibraahin Maxamed Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin,  C/Shakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ah qoraaga soo saaray dhiganaha la daah-furay, maamulka, macallimiinta iyo kumannan ka mid ah ardeyda bah-weynta Dugsiyada Nuuradiin.

blankUgu horreyn Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed (Dool) oo munaasibadda ka hadlay ayaa buugga CULUUMTA MAANSADA ku sifeeyay inuu yahay mid ay ka faa’iidaysan karaan guud ahaan ardayda ku jirta dugsiyada sare iyo jaamacadaha, oo ay ka heli karaan macluumaad mug leh oo ay ku kabana aqoontooda dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaalida. Sidoo kalena Abwaan Axmed Aw Geeddi (Dheeraad) ayaa ardayda u sharaxay cutubka hummaagaynta maansada oo ka mid ah hal-muceedka ku jira buugga, waxaanu sidoo kale kula dardaarmay ardayda inay akhriyaan buuggan oo ay ka helayaan xog waxtar u leh manhajkooda. Wuxuu sidoo kale maamulka dugsiga u soo jeediyay inay sameeyaan maktabad la dhigo buugaagta qiimaha leh, si ardaydu ugu daalacdaan.

blankAqoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale oo munaasibadda ka jeediyay odhaah ku saabsan buugga ayaa yidhi “Inkasta oo aanan wada akhriyin buugga, haddana waxa aad qiimihiisa ka dareemi kartaa marka aad eegto dadka kelmadda ku leh ee akhriyay intaan la daabicin oo ah Hadraawi, Alle ha u naxariistee Gaarriye, Axmed Aw Geeddi iyo rag kale oo Suugaanta aqoon u leh. Markaad eegto tusmada buugga (table of contents) waxaad arkaysaa in qoraagu ku koobay macluumaad laga qori kari lahaa illaa 6-7 buug, oo aan filayo inuu Siciid mustaqbalka dhawr buug ka dhigi doono buuggan. Waxa ku jira badihii maansada oo illaa 21 ah. Waa buug leh raad-raac badan, oo muujinaya inuu qoraagu akhriyay ciddii uga horreysay mawduucan uu wax ka qorayo. Waxa ku jira ciyaarihii hiddaha iyo dhaqanka oo aad arday ahaan wax badan ka faa’iidi kartaan. In kasta oo aanan odhanayn Siciid jaamacad ayuu uga soo baxay qoraalka, haddana waa buug buuxiyay dhammaan shuruudihii iyo sharciyaddii buug looga baahnaa. Waxa iyana ku jirta is-barbar-dhig lagu sameeyay miisaannada Maansada ee AHUN Gaarriye iyo Carraale”.

blankAbwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ah qoraaga dhiganaha CULUUMTA MAANSADA ee madasha lagu soo bandhigay ayaa ugu horreyn u mahad-naqay marti-sharafta, saxaafadda, maamulka, macallimiinta, ardayda iyo guud ahaan dadka ka soo qayb-galay xafladda, misana waxa uu bogaadin usoo jeediyay Akadamiga ERA oo soo saaray buuggan. Waxa uu sidoo kale ka warramay qaybo ka mid ah aqoonta uu buuggani xambaarsan yahay, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi “Buuggani waa mid xambaarsan aqoon guud oo ku saabsan Afka Soomaaliga, isaga oo si gaar ah u faaqidaya suugaanta qaybaheeda kala duwan gaar ahaanna qaybta maansada oo uu ka hadlayo dhinacyo badan oo khuseeya miisaankeeda, badaheeda, shuruudaheeda, af-maldaheeda, ujeeddooyinka loo tiriyo, doorkeeda taariikheed, sooyaalka iyo hanaqaadkeeda, u adeegsiga dareennada iyo qaybo kale”.

blankXaaji Mahad Ibraahin Maxamed Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin oo munaasibadda soo xidhay ayaa qoraaga ku hambalyeey in uu buugga ku soo bandhigo madal ay ardayi joogto halkii lagaga daah-furi lahaa hudheel, waxaanu yidhi, “Aad baan ugu hambalyaynayaa macallinka, hal-abuurka iyo qoraaga dhallinyarada ah oo ka mid ahaa macallimiinta dugsiyada Nuuradiin inuu CULUUMTA MAANSADA ku soo bandhigo madal ay ardaydiisi joogto.  In buugaagta lagu soo bandhigo madal waxbarashana waa hal-abuur cusub oo Siciid sameeyay, marka laga yimaaddo hal-abuurka iyo qoraalka buugga. Waxaan idin kula dardarmayaa inaad akhridaan buuggan dhammaantiin. Waa in marka aad kumannaankiinnaas arday aad  akhrisataan buugga loo baahdo daabacaado kale insha Allah. Qalinka qiimihiisa waxaad ka dareemi kartaa inuu yahay shaygii koowaad ee Alle abuuray, aayaddii Quraanka u soo hordegtayna waxa ay ahayd aayad innagu amraysa akhriska. Alle-na ma simin dadka aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta lahayn”.

blankblankblankDuuduub ahaan, munaasibaddan ayaa u dhacday si heersare ah, waxaana buuggan laga heli karaa Redsea-online Bookshop oo ku yaalla Faras-magaalaha Hargeysa, gaar ahaanna qaybta Koonfur eegaysa ee Oriental Hotel iyo Madbacadda Iftiinka Aqoonta oo ku taalla dalka Sweden ama ciwaannadan yussuf35@hotmail.com, saedmgahair@hotmail.com

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories