HomeMulkiilaha Shabakadda Somalilandpress oo Suxufiyiinta Somaliland si diirran ugu soo dhaweeyeen Berbera

Mulkiilaha Shabakadda Somalilandpress oo Suxufiyiinta Somaliland si diirran ugu soo dhaweeyeen Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera, 16 April, 2012 (Ogaal)- Madax ka socotay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Suxufiyiin tiro badan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland, sida Mareegaha Internet-ka, Telefiishanada, Joornaalada, iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera Mulkiilaha Shabakadda Caalamiga ah ee Somalilandpress.com Maxamed Ibraahin Guuleed, ka dib markii uu ka soo duulay dalka Mareykanka oo uu degen-yahay.

blankGuddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Association (SOA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale) oo qolka nasashada ee Madaarka Berbera kaga hadlay soo dhaweynta Mulkiilaha Shabakadda Somalilandpress Maxamed Ibraahin Guuleed ayaa ku tilmaamay halyey qaran, isla markaana ku hambalyey xilka culus ee u hayo. “Waxaan ciidiisa hooyo ku soo dhaweynayaa mulkiilaha shabakada Caalamiga ah ee Somalilandpress.com oo ah shabakad luuqada Ingiriisiga Somaliland wararkeeda ku baahisa, taas oo ah mid adduunku wararka iyo xogta Somaliland ka helo ama ka xigto.” Ayuu yidhi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi; “Shabakadda Somalilandpress waa shabakad marjac u noqotey dadka ajanebiga ah, ee daneeya inay Somaliland macluumaad ka joogto ah ka helaan,  kuwaas oo dhacdooyinka dalka ka dhaca halkaasi kala socda,waxaanan odhan karnaa Maxamed Ibraahim Guuleed waxa uu gutey waajib saaran oo uu ka soo baxay, waanu ku mahadsan-yahay inuu Somaliland iyo dadka ajanebiga u noqdo biriij isku xidha.”

“Waxaan leeyahay Xukuumadda Somaliland waa inay maamus weyn u sameysa, waayo waynu dareemi karnaa qiimaha, sumcada iyo karaamada uu dalka Somaliland u sameeyey,isaga oo ka mid ah bahdayada Mareegaha Internet-ka Somaliland oo magaca uu xanbaarsan-yahay waanu la sidanaa,waxaanan leeyahay xilka aad hayso ha ka niyad-jabin halkaasi ka sii wad.” Ayuu yidhi Mustafe-Jannaale, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ku dheeraaday doorka iyo kaalinta ay Website-yadu kaga jiraan warbaahinta Somaliland, kuwaas ooh awl-culus oo qaran haya.

Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago) oo ka tirsan guddida fulinta ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyey mulkiilaha shabakada Somalilandpress xilkaasi uu dalka u hayo, waxaanu yidhi; “Aniga oo Wakiil ka ah Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaan maanta madaarka Magaalada Berbera ku soo dhaweeyey Maxamed Ibraahim Guuleed oo ah halyey qaran,sababta oo ah Maxamed Guuleed waxa uu sameeyey Website-kii ugu horeeyey ee ay Somaliland leedahay ee luuqada Ingiriisiga wararka dalka ku baahiya, waana wax lagu hambalyeeyo oo uu muteystey.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi; “Iyada oo aanay wax baddan Somaliland xogteeda ay caalamku waxba kala soconin ayaa waxay Somalilandpress.com u fududeysay dad badan oo bulshada caalamka ahi inay Somaliland wax ka bartaan.Waxaanan rajeynayaa inay Somalilandpress aqoonsiga ay baadi-goobayso Somaliland kaalin laxaad leh ka qaadan doonto.”

Maxamed Xarago waxa uu ku dooday inay SOLJA ahaan u diyaarin doonaan Shahaado sharaf ay ku maamusayaan Maxamed Guuleed xilkaas uu hayo awgeed, waxaanu ku booriyey inuu xilkaas uu hayo halkaas ka sii wado.

Mulkiilaha Shabakada caalamiga ah ee Somalilandpress.com oo ah Shabakad wax ku qorta luuqada Afka Ingiriisiga Maxamed Ibraahim Guuleed oo qolka nasashada ee Madaarka Berbera kula hadlayey saxaafada oo dareenkiisa cabiraya ayaa waxa uu u mahad-celiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Ururka Mareegaha Internet-ka ee Somaliland Online Association (SOA) iyo suxufiyiinta kale ee madaarka Magaalada Berbera ku soo dhaweeyey. “Waa markii labaad ee aan waddanka dib ugu soo  noqdo, waxa iigu horeysay sanadkii 2008-kii oo aan Website-kan  Somalilandpress.com sameeyey markaas oo aan saxafiyiin tiro baddan aanu is-baranay.Markaa maanta aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay inaan si nabad ah ciideydii hooyo dib ugu soo noqdo, aniga oo waddankii wax baddan aqoon u leh oo ay horumarka Somaliland gaadhay ay wax badan ka qabatey Somalilandpress.com. U-jeedada aan waddanka u imidna waxa weeyaan shaqo iyo dal-xiis, waxaanan waddanka joogayaa muddo hal bil ah oo aan u kurgali doono nolosha dadku ku sugan yihiin, markaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida qiimaha leh ee aad ii soo dhaweyseen.”

Maxamed Guuleed waxa uu sheegay hawsha qaran ee ay Somalilandpress ahaan hayaan inay halka ay imika mareyso ay kor uga sii qaadi doonaan. “Waxaanu imika ku talo-jirnaa waxyaabo baddan, waxaanan wadnaa inan waxyaabo baddan Shabakada Somalilandpress ku soo kordhino sida Vidio-ga, waxaanay ku xidhan tahay Google-ka ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu nagu garab-galo arrintaas.”

“Muddadii ay Somalilandpress ay jirtey waxaanu xidhiidh fiican la yeelanay Website-yada iyo joornaalada ka soo baxa waddanka Mareykanka, waxaana bishan July ee soo socota dalka iman doona joornaal ka soo baxa dalka Israa’iil xog ka qori doona Somaliland, taasna waxa sahashay Somalilandpress.com oo xidhiidh la yeelatey inay dalka yimaadaan, Marka Newyork Times Iyo Loss Angels iyo qaar kale waxay naga xigtaan wararka aanu ka qorno Somaliland.” ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Guuleed.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories