HomeMulkiilaha Chelsea oo Shaqada ka Caydhiyey Tabobare Di Matio iyo Macalimiinta u...

Mulkiilaha Chelsea oo Shaqada ka Caydhiyey Tabobare Di Matio iyo Macalimiinta u Sharraxan inay Beddelaan (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SLpost Sports – Mulkiilaha Kooxda Chelsea, Roman Abramovich ayaa saaka subaxnimadii cawda u jaray tababare Roberto Di Matteo ka dib guul-darrooyin aan la Qaadan Karin oo si is-dabajoog ah kooxdu la deristay kulamadii u dambeeyey.

blank
Tabobare Di Matio iyo Torres; dhammaadka kulankii Juventus

Mulkiilaha Chelsea oo ka cadhaysan guul-darrada kooxda ka qabsatay inay sii xejisato Koobka Champions League, ayaa shaqada ka eryey tabobaraha dhowr saacadood ka dib guul-darradii xalay ka soo gaadhay kulankii ay Martida u ahaayeen Kooxda Juventus oo 3-0 ku dhammaaday.

Guddida Fulinta ee Chelsea oo tabobare Di Matteo saaka kula kulmay Stamford Bridge, ayaa ku wargeliyey inuu isaga tago shaqada ka dib lix bilood oo uu ahaa macalinka Kooxda, isaga oo sannadkii hore kula guulaystay koobka Champions Leauge.

blank

Yoolka koowaad ee Mulkiilaha Chelsea, ayaa ah tabobarihii hore ee Barceona Pep Guardiola, laakiin Abrahimovic waxa taas ka hor taagan inuu ninka hore guulaha ugu horseeday Barcelona ku qancinayo inuu ka tanaasulo ballan-qaadkii uu sheegay inuu hal sanno ka nasanayo kubadda Cagta.

blank
Mulkiilaha Chelsea oo kor u haya Koobka Champions-ka ee ay ku guulaysteen

Haseyeeshee, haddii uu tallaabadaas ku guul-darraysto, waxa uu dhankiisa u kici doonaa tabobarihii hore ee kooxaha Liverpool iyo Inter Milan, Rafa Benitez si uu xilka u qabto. Benitez oo maanta ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu shir kaga qayb-galayo, ayaa la filayaa inuu maalinta Barri ah u duulo magaalada London.

blankKooxda Chelsea ayaa wakhtigan halis ku jirta inay u soo baxdo wareegga 16-ka kooxdood ee Horyaalka Yurub, waxaanay u sharraxan yihiin inay noqdaan kooxdii ugu horreysay ee Koobka haysata oo ku hadha isreeb-reebka groups-ka.

Dhinaca horyaalka Ingiriiska, waxa ay afar dhibcood ka dambeeyaan kooxda koobka haysata ee Manchester City oo ay todobaadka soo socda ku kulmayaan ciyaar ka tirsan horyaalka, mana awoodaan guul-darro kale oo u raacda ceebtii uga soo hoyatay kulankii 2-1 ay kooxda West Bromwich ku garaacday.

Tabobare Di Matio oo Ku-xigeen u ahaa tabobarihii uu xilka kala wareegay ee Andre Villas Bos, ayaa lixdii bilood oo uu kooxdaas tabobare u ahaa Kula guulaystay FA cup-ka Ingiriiska iyo Champions League-ga Yurub.

Natiijooyinka Ciyaarihii u dambeeyey Chelsea

-October 23: Shakhtar Donetsk 2 Chelsea 1 (Champions League)

-October 28: Chelsea 2 Manchester United 3 (Premier League)

-October 31: Chelsea 5 Manchester United 4 (Capital One Cup)

-November 3: Swansea 1 Chelsea 1 (Premier League)

-November 7: Chelsea 3 Shakhtar Donetsk 2 (Champions League)

-November 11: Chelsea 1 Liverpool 1 (Premier League)

-November 17: West Bromwich 2 Chelsea 1 (Premier League)

-November 20: Juventus 3 Chelsea 0 (Champions League)

 

blank
Tabobareyaasha Soo Maray Koox Chelsea ee Abaramovich Eryay

Abaramovich vs Chelsea:  8 Tabobare, 10 kooban iyo Lacag 1 Bilyan ah

– Claudio Ranieri (September 2000 to May 2004 – Abaramovich waxa uu Iibsaday Kooxda Bishii June 2003)

– Jose Mourinho (June 2004 – September 2007)

– Avram Grant (September 2007 – May 2008)

– Felipe Scolari (July 2008 – February 2009)

– Guus Hiddink (February 2009 – May 2009)

– Carlo Ancelotti (June 2009 – May 2011)

– Andre Villas-Boas (June 2011 – March 2012)

– Roberto Di Matteo (March 2012 – November 2012)

 

SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories