HomeMujaahid Xasan Guure Jaamac oo Hargeysa ku Geeriyooday iyo Madaxweynaha Somaliland oo...

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo Hargeysa ku Geeriyooday iyo Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Alle Ha U Naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM, mudooyinkii dambena ka mid ahaa siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka oo uu guddoomiye ka ahaa.

blankAlle ha u naxariistee Xasan Guure ayaa ku geeriyooday Xalay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, waxaana Marxuumku uu u geeriyooday Xanuunka COVID-19.

Marxuumka ayaa muddadii uu noolaa lagu xusuustaa inuu hormood u ahaa, si weyna uu uga soo qaybqaatay Nabada, Madaxbanaanida, iyo Dimuqraadiyada Somaliland.

Marxuumka ayaa isla maanta lagu aasay Xabaalaha Toon ee duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa, waxaana aaska marxuumka ka qayb-galay siyaasiyiin, masuuliyiin dowladda ka tirsan, xildhibaano iyo guud ahaan labeenta bulsho-weynta Somaliland, kuwaas oo dhammaantood marxuunku ku sifeeyey shaqsi halgan u soo galay madax-bannaanida iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Dhinaca kale, waxa geeriyida marxuumka ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, tacsi u diray, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi halgamaa ah oo kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Sonmaliland, isagoo ka mid ahaa haldoorkii qaybta weyn ku lahaa halgankii iyo dib ula soo noqoshadii xornimadii 1960-kii inaga luntay ee aynu dib ula soo noqonay 1991-kii.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories