HomeMujaahid Shoombe Oo Tallooyin U Soo Jeediyey Madaxweynaha - “Waxa Jira Waxaad...

Mujaahid Shoombe Oo Tallooyin U Soo Jeediyey Madaxweynaha – “Waxa Jira Waxaad Shar U Arkayso Oo Kheyr Ku Jiro”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mujaahid ShoombeHargaysa (SLpost)- Mujaahid Shoombe Cumar Cismaan oo ka mid ahaa Geesiyaashii ugu cad cadaa Dagaal-yahanadii SNM, ayaa markii ugu horaysay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u soo jeediyey tallooyin wax ku ool ah, kuwaasoo uu shegay hadii uu qaato inay wax badan u tarayso.

Mujaahid Shoombe Cumar Cismaan waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu warbaahinta soo gaadhsiiyey, waxaanu u dhignaa sidan:- “Md Madaxweyne marka hore waan ku salaamayaa, bacda Salaan Illaahay kheyrkeeda ha ina siiyo bisha barakaysan ee Ramadaan oo aynu ku gudo-jirno tobankii dhexe ee Dambi dhaafka ahaa.

Md Madaxweyne waxaan kugula talinayaa Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ee maalmahan u dambeeyey arrintiisu taagnayd, inaad u aragto Niman Muwaadiniin ah oo Mujaahidiin ah oo Waayo-aragii Ummaddan ah, dalkana wax badan u soo qabtay Marxalado fara badana ka soo saaray, markaa waxaan kuu soo jeedinayaa inaad iyaga (Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka), aad u dirto Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo iyagu hala soo arrinsadaan iyagoo Somaliland ka socda,waayo waa Mujaahidiin la hubo oo jiritaanka Somaliland daacad ka ah.

2- Xubnaha wasiiradda iyo Goleyaasha ee arrintan wada-hadallada u matalaya Somaliland iyagu ha gutaan hawl maalmeedkii qaranka ee haka mashquulinin. Nimankaas Mujaahidiinta ahna hawshaas u dirso,waayo Soomaalida ayaa ku maahmaahda Nin gunti-xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa.

3- Madaxweyne adigoo hawlaha qaranka iska fudaydinaya iyaga adeegso oo u dir arrinta Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba meelihii kale ee u baahan Odaynimo, iyagaa u mudan oo Muwaadiniin ah oo Karam ah.

Md Madaxweyne taladaas qaado hadii aad kheyr doonayso oo Cudur haw arkin ee daawo u arag, waxaa jira waxaad Shar u arkayso oo kheyr ku jiro, waxaa jira waxaad kheyr u arkayso oo shar noqda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories