HomeMujaahid Maxamed Kaahin Axmed: Waa Halyey ummaddiisa ka mudan Milgo iyo Maamuus...

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed: Waa Halyey ummaddiisa ka mudan Milgo iyo Maamuus Qaran.

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Eng Hussein Adan EgehMarka hore waxaan jecelahay inaan qoraalkayga ku caddeeyo sida aanu aniga iyo inta fikir ila wadaagtaaba dhammaantayo uga xunnahay dhacdadii foosha xumayd iyo falkii dhagaraysnaa ee 09/11/2013 lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed taasoo ay naftiisu halis ku gashay. Waxay ahayd dhacdo foolxun oo dhaqanka, damiirka suuban iyo dadnimada ummadda reer Somalilandba ka fog. Waxay ahayd gef, meel ka dhac, gar-darro cad iyo fal-dhagareed bilaa ujeeddo ah oo lagula kacay Maxamed Kaahin Axmed. Mujaahidka qof ahaan, qoyskiisa iyo qaraabadiisa, asxaabtiisa, tol-weynaha uu ka dhasay iyo guud ahaanba ummadda JSL waxaanu jecelnahay inaanu si aan gabasho lahayn ugu caddayno inuu Maxamed Kaahin Axmed yahay Geesi iyo biri-ma-gayday ummaaddiisa baal-dahab ah kaga qoran oo dalka iyo dadkaba ku leh abaal aan la gudi-karin, isla markaana aanu sinaba u mutaysanin in fal-dhagareedkaa foosha xun lagula kaco.

Waxa kale oo anu halkan ku caddaynaynaa in dhacdadani aanay ahayn mid salka ku haysa, la xidhiidha amaba ay ka dambeeyaan koox, beel, reer iyo qabiil midniba. Sidoo kale dhacdadani ma khusayso kumana lug-laha Xisbi iyo Siyaasad dhinacyo ku loollamayaan. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda JSL C/casiis Maxamed Samaale midkoodna kama dambeeyo, shaqo kuma laha, kamana suurtowdo fal-dhagareedkaa lagula kacay Muj. Maxamed Kaahin. Waa arrin ku kooban kuna soo ururaysa shakhsi keliya iyo intii la socotay ee fal-dhagareedkaa la ogayd.

Xurmo iyo xaq-siin ayuu Muj. Maxamed Kaahin ka mudan yahay guud ahaan ummadda JSL ee samaha iyo wanaagga jecel, gaar ahaana bah-weynta Xisbiga Kulmiye Xaal, Milgo iyo Maamuus aan qiyaas lahayn ayaanu Muj. Maxamed Kaahinow kaa siinaynaa fal-dhagareedkaa foosha xun ee laguu geystay; waxaanannu ku leenahay nabar gardarro Rabbi ha kaaga dhigo. Waxaanu ognahay oo anu qiraynaa inaanad ahayn kii ay maanta arrintaa oo kale ku dhici lahayd, xaasha uma qalantid, balse way dhacday. Waxaad leedahay dadnimadii, damiirkii iyo dulqaadkii aad dhacdooyinka noocan oo kale ah kaga gudbi lahayd. Abaalka iyo wanaagga aad ummaddaada u gashayna ALLAH ayaad ka heli doontaa.

Ugu dambayntii waxaa Xukuumadda looga fadhiyaa inay arrinta gacan-bir ah ku qabato oo cid kasta oo falkaa ku lug lahaydba la soo qabto sharcigana la horkeeno.

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) [Hargeisa, Somaliland]

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories