HomeMujaahid Cali Guray oo Xaqiiqo Jirta oo aan la iska indho-tiri karin...

Mujaahid Cali Guray oo Xaqiiqo Jirta oo aan la iska indho-tiri karin ku tilmaamay Warbixinta uu Nicholas Kay u Gudbiyey Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Gurey), ayaa Xukuumadda ku Eedeeyey in ayaa xukuumadda Somaliland ku tilmaamay inay iska indho-tirayso jiritaanka dhaliilaha laga tilmaamo maamulkeeda,  isagoo Warbixintii Nicolas Key u gudbiyey qaramada midoobay ku tilmaamay xaqiiqo jirta oo rasmi ah.

cali-gurayWarbixin uu ku baahiyey Barta Facebooka ayuu ku sheegay inay ay bulshada Caalamku xogogaal u tahay ficilada ay kula dhaqmayso mucaaradka iyo Saxaafadda si kasta oo ay isaga dhagoolayso Eedaha loogu soo jeedinayo, waxaanu Cali Guray Warbixintiisa ku bilaabay:-
Muwaadiniinta Somaliland inta ugu badani may jeclaysanin ama waa bay ka xanaaqeen warbixintii uu Golaha Amaanka u gudbiyay Ergayga Khaaska ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland waayo waxay warbixintu xusaysay xaqiiqo ka jirta Somaliland laakiin dhegaheenu aanay jeclaysan. Xukuumaddu ka may hadal dabcan hadal na ugama furnayn ayaan odhan karaa anigu. Warbixintu waxay ka dayrisay dimuqraadiyaddii Somaliland oo beryahan ay soo food saareen haliso badan oo dhinaca xukuumadda laga wado ama sida saxa ah madaxtooyada lafteeda laga dhex wado. Waxaynu ognahay warbixinta lafteedu na ay xustay cabudinta ay xukuumaddu ku hayso xoriyadda hadalka saxaafadda madaxa banaan oo dagaal toos ah ay kula jirto. Waxa kale oo warbixintu ay xustay in madaxda mucaaridka mararka qaarkood loo diido socodka oo dhacday oo run ah. Guud ahaan warbixintu way ka dayrisay heerka hoose ee markii ugu horeysay dhinaca dimuqraadiyada ay Somaliland ka gaadhay.

Hadaba bulshada caalamku waxay xogogaal u tahay arimaha in badan oo muwaadiniin ihi ay had iyo goor ka hadasho laakiin Dhego Culus, waa xukuumadda Somaliland eh ay dhegaha ka daboolato iyadoo inta u nasteexa ah ee jecel wanaaga Sonaliland ku tilmaanta qaran dumis marka ay soo jeediyaan wada tashi ama ay si badheedh ah u tilmaamaan gol daloolooyinka dhinaca xukuumadda, iyadoo nuxurkoodu yahay keliya”WAAR WAX BAA INAGA QALDANE HA LA SAXO OO AYNU WADA SAXANO”.AHN eh abwaan gaariye ayaa maansadii ugu horeysay silsiladdii deelay ayaa wuxu yidhi:
NIN MURAAYAD DAAWADAY
FOOLXUMO IS DIIDSIIN
ISMA DOORIN KARAYEE
MA INUU DILAACAA
Hadaba hadii aynu Somaliland nahay waxaynu jecel nahay in indhaha bulshada caalamka la inoo arko wax wanaagsan oo qurux badan hadana xukuumaddani ama madaxtooyadeenu inoo ma ogola in aynu wanaag sanaano iyo in aynu qurux badano midna. Ma ogola in aynu wada tashano wixii dhexdeena ah na wadahadal iyo is qancin ku dhamaysano, wixii inaga qaldan wada saxano, danta guud ee qaranka na wada ilaashano meelna uga soo wada jeed sanno. Marka ay sidaa tahay waxa furan in la yidhaa Mudane Madaxwayne, waxad heshay kursi uun ee dalka maad helin taladiisa na keligaa ma lehid mana yeelan kartid ee waa lagula leeyahay mar kasta ba.

Ugu dambaystii waxan leeyahay Somaliland laba ha kala dayso. Aan xumaado eh waad wanaagsan tahay i dheha, ama aan fool xumaado eh waad qurux badan tahay i dheha. Wakiilka Xoghayaha Guud iyo bulshada caalamka midna kama qarsoona xaaladda Somaliland hadii ay ka dayriyeena way u qalantaa mid laga dayriyo ayaan qof ahaan anigu ba aaminsa nahay ee yaa igu haysta?
Hadii aynu Somaliland nahay xaalkeenu wuxu ka dhigan yahay adoon Ilaahay baryay oo yidh ” ILAAHOW GUURSAN MAAYO EH UBAD I SII”, wuu siin karaa ilaahay laakiin sunaha noloshu waa in uu guursado ubadna ilaahay waydiisto.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories