HomeMujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse oo Hadhi-sharafeed kulmisay Haldoorkii SNM qaarkood ku maamusay...

Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse oo Hadhi-sharafeed kulmisay Haldoorkii SNM qaarkood ku maamusay Duuliye Axmed Dheere

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse (Bakayle) oo ka mid ah halgamayaashii SNM ee naftooda u huray dib-u-xoreynta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadhimo sharafeed laysku arkay ku maamuusay duuliye sare Axmed Dheere oo ka dhiidhiyey duqeyntii iyo Xasuuqii ay dowladdii Siyaad Barre ku samaysay Shacabka Somaliland.

blankMunaasibadda hadhimo-sharafeedka ah oo si heer-sare ah loo agaasimay, ayaa ku qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay qaar ka mid ah Mujaahidiintii SNM, Aqoonyahan, Wax-garad iyo Marti-sharaf kale.

Waxa ugu horeyn munaasibadda ka hadlay qaar ka mid ah halgameyaashii SNM oo ku dheeraaday taariikhda baalka dahabka leh ee uu sameeyey duuliye Axmed-dheere iyo Abaalka uu gashaday shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa magaalada Hargeysa kaddib markii uu diiday inuu duqeeyo shacabka isagoo xilligaas ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradihii dagaalka ee ka soo kacayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, haddana duqeynayey isla caasimadda Hargeysa.

blank“Waxaan marka hore u mahad-naqayaa mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse oo xafladdan Qado-sharaf ah ee maamuuska leh ee uu halkan isugu keen yeedhay isagoo ku sharfaya duuliye sare Axmed Dheere,” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah marti-sharaftii ka qayb-gashay munaasibadda.

blank“Wax-qabad fiican buu sameeyey oo xabbadii loo soo buuxiyey ayuu ka badbaadiyey ummad dhan oo uu halaagi lahaa, isagoo u tudhay aayihiisa iyo aakhiradiisa,” sidaasna waxa ku markhaati furay Dr Aw-Koombe halkaas ka sheegay inay Isku-ciidan ahaayeen oo Aag kawada dagaalameen Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse oo hadhimo-sharafeedka bixiyey.

blankMujaahid Cismaan Awr-Liqe oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaynu isugu nimi casuumaddan inaynu ku soo dhawayno duuliyihii 1988-kii dagaaladii halkan ka socday bulshada reer Somaliland ninkii u hiiliyey isagoo fulinaya waajibka islaamnimada, waddaniyadda iyo masuuliyadiisa shaqsiga ah ku diiday amarkii la soo siiyey inuu ku xasuuqo dadka diyaaraddii dagaalka ee uu waday oo dadkan cashuurtoodii laga soo iibiyey, isaguna uu wax ku bartay cashuurtaas”.

blankMujaahid Ibraahim Dhegaweyne oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda qiimaha leh ee Duuliye Axmed Dheere ku leeyahay Somaliland iyo abaalka uu gashaday shacabkeeda.

Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse (Bakayle) oo fidiyey hadhimo-sharafeedka kulmiyey qaar ka mid ah haldoorka ka sii nool mujaahidiintii SNM ee lagu maamuusay Duuliye Cabdilaahi Dheere, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada munaasibadda loo qabtay.

blank“Ujeeddadu waxa weeyi inaanu Axmed u mahad celinno, oo aanu uga mahad-celinno wixii uu dadkiisa u qabtay oo ahayd tii ugu wanaagsanayd oo ahayd inuu dadkii ka badbaadiyey diyaaradii lagu yidhi dadka ku soo xasuuq, geesinimadaa uu sameeyey waa mid ilaa maanta u qoran,” Sidaas ayuu yidhi Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse.

Mujaahidka oo la hadlayey Duuliye Axmed-Dheere, waxa uu mid mid ugu sheegay mujaahidiinta ma qayb-galay xafladda lagu maamuusay, kuwaaas oo uu sheegay inay isugu jiraan xubno ka mid ah halgamayaashii ibo-furay halgankii SNM la gashay nidaamkii Siyaad Barre ee UFFO, Dhakhaatiirtii Dhayi jirtay dhaawacyada Mujaahidiinta iyo Aqoonyahankiii qoriga u qaatay inay shacabka iyo dalka ka xoreeyaan nidaamkii kaligii taliska ah ee Siyaad Barre oo Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse ka mid yahay.

blank“Anigu waxaan ka mid ahaa aqoonyahankaas iyagoon waxba ka garaynin qoriga qaatay ee dagaalaamay. Markaa Nimankaas oo dhan baa maanta halkan qadada kuugu sameeyey, si ay kuu yidhaahdaan aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay wax-qabadkaagii,” sidaas ayuu yidhi Mujaahid Cabdilaahi Cabdi Muuse (Bakayle).

Gebo-gabadii Munaasibadda waxa halkaas ka hadlay Duuliye sare Axmed-Dheere oo mujaahidiinta uga mahad-celiyey hadhimo-sharafeedka lagu maamuusay, isagoo ka mahad-sheegtay sida bulshada kala duwan ee Somaliland u qiimeeyeen muddadii uu dalka Joogay.

blank“Aad iyo aad baan idinka mahad-celinayaa kulankan aanu isugu nimi walaaladay iyo qado-sharafta uu noo sameeyey walaalkeyga Cabdilaahi. Waxa xusid mudan inaan halkan joogay muddo laba bilood ku siman, intaasna waxa lay samaynayey marti-qaadyo iyo soo-dhawayn sharaf badan aan kala kulmay.” Sidaas ayuu yidhi Duulliye Axmed Dheere oo halkaas ka sheegay in marka laga yimaaddo kala duwanaanshiyaha siyaasadda iyo dowladnimada ay shacabka Somaliland yihiin kuwo jecel Soomaalinimada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories