HomeMujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Si Adag Uga Hadlay Mudo Kordhinta La...

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Si Adag Uga Hadlay Mudo Kordhinta La Hadal Hayo Ee Madaxweynaha, Khilaafkii Golaha Wakiilada Iyo Doorashoyinka Wadanka Ku Soo Socda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost):wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ka hadlay arimo badan oo la xidhiidha xaalada uu wadanku haatan marayo.

boobe yuusuf

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay qodobo la xidhiidha khilaafkii cakirnaa ee soo kala dhex galay golaha wakiilada, doorashooyinka soo socda ee sanadka danbe ka dhici doono Somaliland iyo qodobo kale. Ugu horayn mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlaya khilaafkii soo kala dhex galay golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “In mudo ah oo dhawayd waxaynu ka soo baxnay xiisad ka dhex taagnayd golaha wakiilada, waxa gurmad ugu yimid golaha guurtida oo aan waxba ka fogayn, gudoomiye ku xigeenka koowaad, xaaji cabdiwaraabe iyo xer kale oo la socotay waxaynu hanbalyeynaynaa dedaalkaas ay galeen golaha guurtidu ee ay ku soo af jareen xiisadas.” Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlaya halka uu salka ku hayey khilaafkii ka dhex taagnaa golaha wakiilada Somaliland iyo sida loogu baahan yahay inaanay soo noq noqonin khilaafyada noocan ahi ayaa waxa uu yidhi “xiisadaasi waxay ahayd samays, waxay ahayd rimay bidaar, xiisadaas oo ahayd mid mar walba inagu soo noq noqota waxaana jirta waaya aragnimo hore oo tii Somaliland iyo tii SNM ah waynu anban naqaana oo waynu isa soo heli naqaanaa laakiin imika wixii ka danbeeya anbadka noocaas ah iyo isa soo helidaasiba waxay noqonayaan waxaan loo dul qaadan Karin oo aflagaado iyo ceeb ku noqonaya Somaliland, ilaahay ayaa ina badbadiyey intii dedaalka ka samaysay ee ka gurmatay ilaahay ha ka abaal mariyo, waxaanan u hanbalyeynayaa gudoomiyaha golaha wakiilada ee isaga oo afka gole weynaha ku hadlaya gudoomay talooyinkii la soo jeediyey iyo xildhibaanadii ku raacay talooyinkii ay ay soo jeediyeen golaha guurtiduna waxay ahayd intii iyagaba dhex taalay” Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo sii faah faahinaya khilaafkii ka dhex taagnaa golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Badanaa xiisadaha inta badan ka dhaca Somaliland ama SNM ka dhici jiray marka laba dhinac arin isku qabtaan ee arinkaasi dhamaan waayo dadka looga qaateenka ah ee arimaha u dhuun daloolaa waxay yidhaahdaan mid ka mid ah dhinacyada ayaan go,aankoodu meesha oolin oo uu meel kale yaalaa.” Sidoo kale Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu ka hadlay doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Somaliland isaga oo carabka ku adkeeyey inay shacabka Somaliland ka hayaan madaxweynahah balan ah inaan hal saacad loogu darin wakhtigii dastuuriga ahaa la doortay waxaanu yidhi ” inaga oo sugayna in sanadka soo socda ee 2015 ay wadanka ka dhacaan doorashooyinkii madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa hadana waxaynu maal mahan maqlaynaa iyada oo laga hadlayo mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha, wax rasmiya oo afkiisa laga qaaday ma hayno, laakiin waxa xaqiiqo ah oo aynu afkiisa ka haynaa in 30 Jenewery 2013 khudbad sanadedkii uu ka hor akhriyey golaha wakiilada mar uu ka hadlayey mudo kordhinta waxa uu yidhi sida aad ka war qabtaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo hor jeedsada kordhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka marka la gaadho dhamaadka mudo xileedkaygana waxaan idiin balan qaadayaa inaan hal maalin laygu dari doonin mudo xileedkayga dastuuriga ah, waxaanan is leeyahay wixii uu madaxweynuhu yidhi saacad laygu dari maayo.” Sidoo kale Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sheegay inaanay shacabka Somaliland ka sugayn madaxweynaha inuu dalbado wax mudo kordhin ah maadaama oo uu hore u balan qaaday inaanu mudo kordhin dalban doonin waxaanu yidhi “maadaama o madaxweynuhu sanadkii 2013 inagu yidhi sidaas wax danbe oo aanu afkiisa ka maqalnay ma jirto haddii aanuhaddii aanu nahay shacabka Somaliland waxaanu u haysanaa inaanay waxba iska badalin fikirkiisa oo ay tahay inay doorashooyinku dhacaan 2015, qodobka 83 aad ayaa badanaa loo adeegsadaa mudo kordhinta isaguna waxa uu odhanayaa haday jiraan duruufo nabad galyo ayuunbaa doorashooyinka dib loo dhigi karaaa, intii uu Rayaale kordhistayna duruufo nabad galyo daro ah oo jiray may jirin maantana ma jiraan.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale. Ugu danbayntiina mujaahide Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “”ayaan daraduna waxay tahay xukuumada aynu doorashada intaa leeg ee nabad galyada leh ee xeerarka leh ee maaliyada leh ka sugaynaa waa ta ku guulaysan wayday madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ,konton wasiiro ah silsilad ama tusbax aanad garanayn oo agaasimayaal ah inay qoraan toban bog oo wax qabadkooda ah oo ay geeyaan golaha wakiilada ee ka soo hor jeedaa.”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories