HomeMuj Xasan Ciise oo Lammaaneeyey Xukunkalagu Riday Masuuliyiinta Hubaal iyo Rasaastii lala...

Muj Xasan Ciise oo Lammaaneeyey Xukunkalagu Riday Masuuliyiinta Hubaal iyo Rasaastii lala Dhadhacay Taageerayaashii Xaqsoor

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xaqsoor-1Hargeysa (Slpost)- Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor ee Tartankii doorashada Goleyaasha Deegaanka ku hadhay Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukunka lagula kacay Hawl-wadeennada Wargeyska Hubaal ku tilmaamay feker la mid ah Dhacdadii Ciidamada Ammaanku rasaasta nool u adeegsadeen taageerasha ururka.

Xasan Ciise waxa uu ku dooday inaanay bannaaneyn isla markaana aanay meesha oolin in Arrimaha Siyaasadda iyo Saxaafadda xalkooda laga raadiyo Sharciga, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu Caawa Magaalada Hargeysa ka soo saaray.

Muj Xasan waxa uu war-saxaafadeedka ku yidhi sidan: “Waxaan halkan ku cambaaraynayaa xadhiga iyo ganaaxa la isugu daray maareeyihii iyo tifatirihii wargeeska Hubaal.

Waxay tani ka dambaysay weerarkii ay rag xukuumada loo tirinayaa ku qaadeen xafiiska Hubaal eey ku dhaawaceen mareeyaha Hubaal iyo xayiraadii lagu soo rogay wargeeska.

Waa fikirkii iyo aragtidii rasaasta nool ku furtay taageerayaasha Xaqsoor doorashada dabadeed ee qaarna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.

Talaabooyinkaasi waa kuwo sharciga iyo cadaaladaba ka baxsan . waxa weeye talaabooyin siyaasi ah oo saxaafada madaxa banaan lagu caabudhinaayo, shicibkana la iskaga horkeenayo.

Hore ayaan u idhi waa mamnuuc in sharciga la isku dayo in lagu xalilo arimaha siyaasada iyo saxaafada.

Waa dab iyo badrool  oo waa la kala ilaaliyaa. Labadii xukuumadood ee tan ka horeeyey waan fahamsiin kari weynay qodobadaas. Xukuumada imikuna mey garan. Iyada si ayuun bay ugu xuntahay siday kuwii ka horeeyeyba ugu xumayd. Saxaafada shaqadeedu waa laba arimood oo kaliya. Kaw,waa war  “fact”. Laba, waa rayi “opinion”. Labadaas ayuunbaa lagu qabsan karaa iyo mid saddexaad oo dhif ah.

Warka hadii saxaafadu qalado ama qaloociso, xalku waa inay saxdo marka ugu horeysa ee qaladkaas ogaato ama loo soo sheego.

Rayiga hadii la qoonsado,xalku waa in loo jawaabo,ooy jawaabta daabacdo.

Labadaas midna sharciga meeli uguma banaana. Ta sadexaad  ee iman karta waa wixii sameeya amniga dalka, khaasatan wakhti dagaal oo waa dhib waana gaar.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories