HomeMuj. Xasan Ciise oo Cambaareeyey Weerarkii lagu qaaday Wargeyska HUBAAL, Goleyaasha Sharcidejinta...

Muj. Xasan Ciise oo Cambaareeyey Weerarkii lagu qaaday Wargeyska HUBAAL, Goleyaasha Sharcidejinta ugu baaqay in Xukuumadda lagu halleyn Baadhitaanka Kiiska Dambiileyaasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Muj. Xasan Ciise Jamac oo ahaa Guddoomiyaha urur-siyasadeedkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashadii Goleyaasha Deegaanka, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Xarunta Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waxa uu weerarkaas ku tilmaamay mid loogu talo-galay cabbudhinta Saxaafadda Xorta ah ee dalka  iyo in lagu khaarajiyo Tifaftiraha iyo Hawl-wadeennada kale ee Wargeyska.

Xasan Ciise Jaamac waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan: “Waxaanu sifada u adag ku cambaaraynaynaa weerarkii habeenkii dhawaa lagu qaaday wargeyska madax banaan ee Hubaal. Weerarkaasi wuxuu ahaa mid dil loogu talogalay tifatiraha iyo madaxda kale ee wargeyska Hubaal.

Md Xasan ciise JaamacWaxa kale oo loogu talogalay in lagu cabudhiyo saxaafada madaxa banaan ee Somaliland. Waxa kale oo cad in fidno loogu talogalay la iskaga horkeenayo dadyawga walaalaha ah ee nabadda ku wada degan caasimada ,marka la eego araga loo adeegsaday in lagu fuliyo weerarka axmaqnimada ah.  Waa talaabo keliya oo loo qorsheeyay denbiyadii ugu darnaa ee 1) Dil 2) Cabudhin iyo 3) Fidno.

Ilaahay ayaanu ugu mahadnaqaynaa inuu fashiliyey weerarkan Tifatiraha iyo madaxda kale iyo shaqaalaha  Hubaal waxaanu  ku tahniyadaynaynaa sida geesinimada ah eey iskaga difaaceen weerarkan iyo sida ay hubkii uga dhigeen una qabteen mid ka mid ragii la soo diray inay weeraraan. Iyada oonu isla warkaas khasaaraha ka soo gaadhay weerarkan gardarada ah.

Waxa hubaal ah inaanay raggan la soo adeegsaday ayagu isa soo dirin. Sababta oo ah waxaan jirin wax ay ayaga iyo wargeyska Hubaal isku hayeen. Waxa kale oo hubaal ah in reerka uu ka soo jeedo ninka la qabtay iyo wargeyska Hubaal aanay ayaguna jirin wax ka dhexeeyay ooy isku hayeen. Waxa markaas hubaal ah in cida soo dirtay  ee soo maleegtay weerarkani ay tahay cida uu u shaqaynayay ninkani la qabtay oo ah xukuumada maanta ka jirta Somaliland. Sida uu sheegay faysal cali, amaan darada soo waajahday dalkani laga soo bilaabo doorashooyinkii sida xishoodarada ah loo boobay iyo dhalinyaradii aan hubaysnayn ee Ciidamada xukuumadani ku laayeen kuna dhaawaceen Hargeisa iyo Zeila , waxay kelifidoontaa in shicibku ayagu isu xilsaaraan ilaalinta amaankooda ooy qoryahooda la soo wada baxaan iskana ilaaliyaan Ciidamada xukuumada ee ayagii loo adeegsanayo.  Taasina , aakhirataan xukuumadan ayuunbay u xuntahay.

Mar hadii xukuumadani noqotay ta uu inanka weerarkan lagu qabtay u shaqaynayo, xukuumada ma noqonayso ta laga sugayo in ay arintani baadhitaan ku samayso. Iyadii ayaa ah ta la baadhayo. Sidaas awgeed waxaanu soo jeedinaynaa inay labada gole ee baarlamaanku,guurtida iyo wakiiladu baadhitaan rasmiya oo madax banaan u saaraan gudi heer qaran oo heer sare ah. Gudigaas baarlamaanka wada jirka ahi ha soo baadho dhacdadan Hubaal iyo dhacdooyinkii ka horeeyey ee amaan daro oo dhan.

Mudo kooban ha loo qabto inuu gudidu ku keento warbixintooda hordhaca ah. Hanna loogu talo galo cidii denbi ku yeelata in sharciga la horgeeyo. Ma jirto waxaan sidaa ahayn oo hanan kara taageerada shicibka ama soo celin kara kalsoonida dadweynaha.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories