HomeMuj. Dhego-weyne iyo Xildhibaan Qabille oo si isku mid ah u dhaliilay...

Muj. Dhego-weyne iyo Xildhibaan Qabille oo si isku mid ah u dhaliilay doorka Xukuumaddu ku leedahay Shirka Dubur

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, (SLpost)- Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Dhego-weyne iyo Xidhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mida Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland oo laga soo doortay Gobolka Saaxil ayaa xukuumadda ku dhaliilay doorkeeda iyo kaalinta ay ku qaabbishay shirka beesha Ciise Muuse uga Socday deegaanka Dubur isla markaana go’aanka qabsoomidda shirka ku sababeeyey dib-u-dhac ku yimi horumarka gobolka Saaxil ee ay ka soo jeedaan.

HOOS KA DAAWO KHUDBADIHII SHIRKA

blankLabadan xubnood oo miisaan weyn ku leh gobolka Saaxil kana qayb-galay shirka Dubur waxay xukuumadda ku eedeeyeen inay dhaqaale u adeegsatay burburinta iyo weliba baajinta shirka Dubur.

Xildhibaan Maxamed Faarax oo ka hadlaya xarunta uu shirku ka socdo ayaa tilmaamay doorka wax-soor saarka dhaqaale ee magaalada Berbera iyo sida ay uga qatan tahay, isaga oo tan ka hadlayana waxa uu yidhi, “2009-kii Saxaafada Caalamka ee qiimaysa Dhaqaalaha Bulshooyinka Caalamka ku nool Berbera waxay ku tilmaameen Maagalo Xeeb ku taala aduunka tii  ugu fiqiirsanayd Caalamka xataa marka lagu daro  Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo Dagaalku markaa ka socday, dib u dhaca intaasi leeg ayuu kulankani ku yimi, waynu ognahay dhalinyaradeenii inta Tahriibta kaga tagtay dalka, soddon jirkuna wali waa ku marti dalka. Waayo anigu markii aan 26 Jirka ahaa laba carruurana waan lahaa Jaamicina waan ahaa, waxaanan ahaa qof shaqaysanaya maanta qiimaynta intaasi le’eg ma laha, markaa dhibaatooyinka intaasi leeg ayay ka soo gurmadeen dadku, waxaanu ahaa mid kor loogu qaadayo deegaamada degto beeshu oo laysugu keenay naf iyo maal wixii la hayay.”

Xidhibaanku waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Markaanu aragnay shirka ka soo baahayay Warbaahinta Xukuumadda, ee ku baxayay Dhaqaalaha Xukuumadda ee ay ku hawlanaayeen hawl-wadeenadeedii hoose, annagu maanta anigoo ka tirsan Golayaasha Heer qaran ee wakiilka ka ahaa beelahan shiraya waxaan garwaaqsaday inuu gaf dhacay, maanta waxa halkan inaga go’aan ah Garnaqsi ceeb la’ oo adag oo aynu u marayno qawaaniinta iyo Xeerarka Somaliland, waxaanan leenahay cidina inama khasbi karto cidina shir inagama joojin karto.” ayuu yidhi Qabile

Sidoo kale, Muj. Ibraahim Cabdilahi (Dhego-weyne) oo ka hadlay Madasha shirka Dubur ka socdo ayaa si adag ula hadlay Madaxda Dawlada Somaliland, taasoo uu sheegay inay khal-khal gelinayaan shirka Beeshiisa uga  socda Dubur shaqaalaha dawladda ee gobolka ka soo jeeda.

Mujaahid Dhego-weyne waxa uu sidoo kale  Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire  oo Xukuumadda Shirkaasi uga qayb galay ugu baaqay inuu iska Casilo xilka uu hayo, maadaama la Ixtiraami waayay shirkan ay beeshiisu qabsanayso ee lagu Bur-burinayo Maaliyadii Dawlada, waxaanu yidhi “Dadka intaa leeg ee Madaxdhaqameedkii leh, ee Cuqaashii leh, ee Ganacsatadii leh, Culimadii leh Odayaashii leh oo Wasiirkiina dhex fadhiyo ayaa laga xishoon waayayoo, marba afar qof naloo soo dirayaayoo, shir uunbaa nalaga garab furayaa, Maaliyadii Dawladana waa nalugu garab gashanayaa, markaa saw dadkan lagu qasbi maayo inay dhanka kale u wareegaan, miyaanay Mucaarid noqda ahayn”.

Ibraahim Dhego-weyne waxa uu muujiyey dareenkiisa ku aaddan sida uu ula yaabban yahay masuuliyiinta xukuumadda ee ka soo hor-jeeda Shirka DUBUR, isagoo waliba Sacad Cali Shire, wasiirka Qorsheynta, ugu baaqay inuu iska casilo xilka uu xukuumadda ka hayo.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories