Home“Muhiimadu waxa weeye inay reer Somaliland ku midoobaan Somaliland” -Wasiir Xaglotoosiye

“Muhiimadu waxa weeye inay reer Somaliland ku midoobaan Somaliland” -Wasiir Xaglotoosiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost) -Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed “Xaglotoosiye”, ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan gobolada bari ee Somaliland iyo saamayntiisa siyaasadeed. Waxa uu sheegay in hadda bulshada gobolada bari ka baxayso duruuf keenaysay in siyaasiyiin aan bulshada metelini kuraastooda ku fadhiistaan, waxaanu ugu bushaareeyay in dad ay soo doorteen meteli doonaan. Waxa uu sidoo kale ka hadlay heshiiska isaga iyo Somaliland iyo xurgufta dhexmarta siyaasiyiinta gobolada Bari.

 

Wasiir Xaglotoosiye oo ka hadlaya aragtida ah in bulshada bariga kuraastooda ay ku fadhiistaan dad aan bulshada kalsoonideeda haysan oo aan matalin waxa uu yidhi “ Xaqiiqdii aragtidaasi way jirtaa, waxaana keenayay wacyigii jiray, oo maadaama aanay degaamadaas doorasho ka hirgali  Karin in sidii kale ee looga wareegi karo looga wareego ayay arrintaasi ku timid. Markaa duruufta ayaa keenaysay in qof uun kursiga la qoro. Waxaan aaminsanahay in maanta duruuftaasi laga baxay, waxaan rumaysnahay in doorasho ka dhici karto, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle. Waxaanu ku dedaalaynaa inay ka dhacdo doorasho. Waa nimaadka kaliya ee habkan lagaga bixi karo ee uu ku iman karo qof ay dadku soo doorteen oo dadku la xisaabtami karaan, isna dadkii ku warwari kara oo wax u qaban kara. Duruuftaas waa laga soo gudbay waxaana la soo gaadhay wakhtigii dadku codayn lahaa. Waanu soo maray dalka, Buuhoodle ilaa Jiidali waanu soo maray dadkuna waxay diyaar u yihiin inay codkooda dhiibtaan,” ayuu yidhi Wasiir Xaglotoosiye.

 

Wasiir Xaglotoosiye oo lagu waraystay barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee Universal ayaa wax laga waydiiyay xurguf marar badan siyaasiyiinta gobolada bari ku dhex marta habka doorashada oo qaarkood aanay ogolayn “ Siyaasiyiintu waa laba kooxood oo midna waa golaha baarlamaanka, midna waa golaha wasiirada. Wasiirada madaxweynaha ayaa magacaaba umana baahna inuu garaad kala tashado ama cid kale isagaa u madax banaan oo cida wax qaban karta xulanaya. Tan golaha baarlamaanka duruuftaas baa jirtay waxaanan filayaa in laga baxayo oo dalka doorasho ayaa ka dhacaysa. Arrinta is qabsiga kolay rag meel iskugu yimid laga waayi maayo is qabsi iyo is qardoof iyo kala fikir duwanaansho, una malayn maayo inay siyaasiyiinta gobolkaas uun tahaye siyaasiyiinta gobolada oo dhan xintan iyo is xaasidku waa mid siyaasadu leedahay oo waa jirtaa,” ayuu yidhi Xaglotoosiye.

 

Ugu dambeyntii Wasiir xaglotoosiye waxaa la waydiiyay su’aasha ah “Waxa la leeyahay wasiir Xaglotoosiye haddii xilka laga qaado dib buu u jabhadaynayaa, maxaad arintaas ka leedahay?” Waxaanu isagoo qoslaya ku jawaabay “Run ahaantii anigu waxaan ahaa hogaamiyihii SSC, madaxweynahana heshiis ayaanu galnay, heshiis baan ku joogaa, ku shaqeeyaa, Illaahay mahadii maalintii aanu heshiiska galayna xabad dambe iyo dhib dambe degaankii kamay dhicin. Horumar iyo nabad baa ka bilaabmatay. Xaggii dhaqanka iyo qabiiladii degaanka wada deganaa way heshiiyeen. Shirkii u dambeeyay waa kii Coodanle ka dhacay. Tii siyaasada hore ayaanu u dhammaynay. Haddii isku shaandhayni dhacdo oo la I bedelana horumarkii iyo nabadii ayaan sii wadayaaye xabadii dib ugu noqon maayo waanan ka soo horjeedaa in xabad dambe meeshaa ka dhacdo. Kolay arrintaas ku-tidhi ku-teenka ah hadday jirto waxba kama jiraan baan ku tilmaamayaa.

 

Aniga Madaxweynaha ayaa I magacaabay.isagaan wareegtadiisa ku magacaabanahay. Isagaa xaq u leh markuu ii arko inuu I bedelo inuu I bedelo laakiin, anigu heshiiska aan la galay Somaliland way iga go’an tahay, ninka ragga ahina inuu go’aan yeesho ayaa wanaagsan. Halkan heshiiska uguma galin inaan wasiir ahaado, waxaan u soo galay inaan Somaliland ka mid noqdo, degaanka aan ka soo jeedaana ka mid noqdo, inay helaan waxay xaqa u lahaayeen, inay horumar helaan iyo inay nabad helaan ayaan u imid, taas ayaanan hadaan wasiir ahay iyo haddaanan ahayn ba ku shaqaynayaa, anigoo filaya in heshiiskii aanu galay madaxweynuhu intii badnayd fuliyay inta dhimmanna uu fulinayo. Muhiimadu waxa weeye inay reer Somaliland ku midoobaan Somaliland. Illaahay ayaa Somaliland is baday, waana dad ehel ah oo walaalo ah oo aan kala maarmi Karin,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiir Xaglotoosiye waxa uu sheegay in tabashada gobolada Bari ee Somaliland khaladkeeda ay leeyihiin bulshada halkaasi degta iyo xukumadduba. Waxa uu sheegay in dadkaasi aanay Somaliland xuquuqdooda u soo doonan sidaasna aan loo odhan Karin in cid kale dulmiday.

 

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa la sheegayaa in uu u sharaxan yahay madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxa kale oo la sheegayaa in uu olole xoogle uga bilaabmi doono guud ahaan Somaliland ,iyadoo aad loo sugayo maalinta uu ku dhawaaqi doono oo ah marka uu ka soo laabta safarka uu ugu maqan yahay Dalka Ingriiska, siday muujinayaa xogo ay heshay shabakadda Toosh.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories