HomeMuhiimadda Qodobbo lagaga hadlay Shirweyne Caalami ah Somaliland oo lagu marti-qaaday iyo...

Muhiimadda Qodobbo lagaga hadlay Shirweyne Caalami ah Somaliland oo lagu marti-qaaday iyo Wasiirku kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo hadal ka jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Brussels (SLpost)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Libaan Yusuf Cismaan ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay shir  caalami ah oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Crans Montana Forum.

shriweyne (1)Shirkan oo ah kulankii 29aad ee ururkani isugu yimaaddo isla markaana sannad kasta lagu qabtay meelo kala duwan, ayaa 27-kii ilaa 30-kii June ku qabsoomay magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana lagaga hadlaa Arrimaha iskaashiga caalamiga ah gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga dalalka qaarada Africa, amniga bedeha iyo dekedaha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta laamaha socdaalka ee dalalka Afrika.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen wasiiro, raysal-wasaarayaal iyo madaxweynayaal hore ayaa waxa kamid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Sudan, wasiirka Madax- tooyada Gaboon, wasiirka Difaaca ee dalka Macedonia, Safiirada dalalka Ruushka, Maraykanka, Belgium, raysal-wasaareyaal hore iyo madaxwynayaal hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalka Mali

shriweyne (2)Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Liiban Yusuf cusmaan ayaa halkaa kasoo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa isadoo wasiirku si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda Somaliland iyo sida ay Somaliland door muhiima  ugu qaadatay amniga qaarada gaar ahaan dhincayada badaha (Maritime) ka iyo xuduudaha.

“Somaliland waxa ay muddo 27 sano ah ku naaloonaysay amni, kala dambayn iyo horumar ay kula noolayd waddamada jaarkeeda ah iyada oo waliba ay ku gaadaanaayeen duruufo amni darro ah oo ka jiray gobolka geeska Africa.”

shriweyne (5)Wasiir ku xigeenku waxa uu si qoto dheer uga hadlay geedi socodka horumarka Somaliland iyo hannaanka dimiquraadiyada Somaliland, waxaanu xasuusiyey beesha caalamaka iyo qaramada midoobey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in arrimeheeda la eego maadama ay Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo oo dhan iyo waliba dhinaca qaanuunka caalamiga ahba

Ka dib markii uu kalnku soo dhamaaday wasiir ku xigeenka wasaaradd arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah liiban Yusuf cisman waxa uu kulamo gaar gaara la yeeshay Wasiirka Arrimah Dibedda Abkhazia iyo mayorka Khusumi ee caasimadda Abkhazia waxaanay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo unki lahaa xidhiidh ay wada yeeshaan dawladaha Somaliland iyo Abkhazia iyadoo dawlada Abkhazia halkaa ay marti qaad iyo casuumad rasmi ah ugu fidisay in wafti ka socda Somaliland ay safar ugu kicitimaan wadanka Abkhazia bisha August ee soo socota

shriweyne (4)Sidoo kale waxa uu kulan gaara la yeeshay wasir ku xigeenku safiirka dalka Taiwan u fadhiya Belgium isagoo wasiirku xog waran balladhan ka siiyey horumarka Somaliland iyaga oo ila afgartay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyada beeraha, ka faaiidaysiga tamata qoraxda, waxbarashada iyo dhinca socdaalka iyo dal ku galka

shriweyne (3)Wasiir ku xigeenku waxa uu sidoo kale kulan balladhan la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub isaga oo wasiirku uga xog waramay xaalada dalka ee hadda waxaanay xubnahaasi ballan qaadeen inay sii wadi doonan taageeraadooda Somaliland ee dhinaca aqoonsiga iyo inay gaadhsiiyaan fariinta Somaliland barlamaanka Yurub

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories