HomeMuddo Intee le'eg ayay Qaadan kartaa Inaad Ka Bogsato Caabuqa Corona?

Muddo Intee le’eg ayay Qaadan kartaa Inaad Ka Bogsato Caabuqa Corona?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

In ka badan 1.1 milyan oo qof ayaa ka bogsaday feyriska Corona guud ahaan caalamka.

Balse waxaa lagu kala duwan yahay waqtiga ay qaadanayso in uu qofku cudurka ka soo kabsado ama uu ka bogsado

Inta badan dadka waxa uu cudurka ugu dhacaa qaab sahlan oo calaamadaha ka soo muuqda ayaa sahlan yihiin islamarkana uusan u baahan dhakhtar iyo isbataal.

blankWaxay qaadanaysaa in uu qofka noocaas ah kaga soo kabsado toddobaadyo, bilooyiin iyo xitaa Sanado.

Dadka uu qaabka sahlan ugu dhacay ayaa waxay qaadataa in ay ka soo kabsadaan toddobaad am ka badan.

Qofka uu sida daran u haleelo cudurka ayaa waxay qaadataa xitaa inuu ka soo kabto in ka badan 1 sano.

Dhakhaatiirta xarunta daryeelka ka so kabasada cudurada ayaa ku talinaysa in dadka balwadda leh ay tahay inay joojiyaan.

Qiijinta Sigaarka, cabbidda Khamriga, jimicsiga iyo in uu qofka miisaankiisu uu la socdo ayaa isbadal sameyn karta.

Dadka uu cudurka u haleelo qaabka sahlan ayaa waxaa ay iska joogi karaan guriyaha waxayna qaadan kartaa inay boqsadaan toddobaad iyo ka badan.

Balse toddobaad ka dib marka calaamadaha cudurka ay hoos u dhacaan waa iska caado in toddobaadyo uu qofka sii qufaco.

Waxaa sidoo kale jirta in dadka qaar marka ay cudurka ka soo kabsadaan ay wali dareemaan daal islmarkana xitaa in qofka uu dharka xirto iyo in uu howlaha yaryar qabsdo uu dareemo daal badan.

Dadka noocaas ah waxay u baahan yihiin in ay nastaan, ay cunaan cunto isu dheelitiran isalmarkana ay biyaha badsadan.

Dadka uu cudurka sida daran u haleelay ee isbataalada la dhigay islamarkana u baahdan in lagu xiro qalabka neefsashada waxaa marka ay cudurka ka soo kabsado ay wali dareemayaan dabardaro iyo neefsashada oo dhibta.

Dadka noocan ah waxay qaadan kartaa in ay cudurka ka soo kabsadaan 2 toddobaad iyo xitaa 8 toddobaad .

Saameynta dhanka Maskaxda
Marka laga soo tago saameynta dhanka jirka ee uu qofka ku yeesho cudurka Corona ayaa waxaa sidoo kale jira saameyn dhanka maskaxda oo uu qofka ku yeesho cudurka.

Qofka marka laga helo cudurka islamarkana isbataal la dhigo ayaa waxaa bukaanka la soo gudboonaadaa walwal iyo walbahaar badan gaar ahaan marka ay waayaa wax soo booqda.

Dadka uu Feyriska Corona ku dhaco ayaa waxay u baahan yahiin marka ay ka so kabsadaan in laga caawiyo sidii ay noolasha caadiga ah ula qabsan lahaayeen islamarkana ay maskax ahaan iyo bulsha ahaanba dadka ula qabsan lahaayeen.

Dadka lagu xiray qalabka neefsashada islamarkana la dhigay qeybta xaaladaha culus ayaa waxay qaadan kartaa in cudurka ay si toos ah uga soo kabsadaan 12 ilaa 18 bilood.

Dadka qeybtan la dhigay waxay sidoo kale u baahan yihiin in ay sameeyaan jimicsi iyo in la dhiirigaliyo.

Bukaanada la dhigo qeybta xaalada culus ee ICU loo yaqaan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaca jahwaeer islamarkana qaarkood waxay maskaxdooda dib u milicsataa xaaladii ay soo mareen.

 

XIGASHO: BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories