HomeMudaneyaal ka tirsan Baarlamanka Kenya oo Dalbaday in Beeritaanka iyo Ka-ganacsiga Qaadka...

Mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka Kenya oo Dalbaday in Beeritaanka iyo Ka-ganacsiga Qaadka Laga Madnuuco Dalkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta u soo jeediyey inay ku deyato talaabada Ingiriiska dalkeeda kaga mamnuuday Ka Ganacsiga Qaadka.

Xildhibaan Diriye Cabdilaahi Maxamedoo laga soo doorto degmada Wajeer iyo Maxamed Shidiye oo laga soo doorto degmada Lagdera ee gobolka Soomaalida Woqooyi-Bariga Kenya, ayaa ka codsaday xukuumadda Kenya inay mamnuucdo guud ahaan beeritaanka iyo ganacsiga Qaadka Mirooga.

Xildhibaanadan Soomaalida ah ayaa sheegay in Qaadku yahay mukhaadaraad, lagana mamnuuco dalka Kenya. “Miirooga waxay isku koox yihiin xashiishadda cocaine iyo heroine, waa mukhadaraad beeritaankiisa iyo ganacsigiisa in laga mamnuuco dalka Kenya loo baahan yahay,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Diiriye oo u warray jariiradda Daily Nation.

sawirXukuumada Ingiriiska ayaa laba todobaad ka hor dalkeeda ka mamnuucday Qaadka Mirooga ee looga dhoofin jiray waddanka Kenya, ka dib markii lagu tiriyey noocyada mukhaadaraadka caalamka, balse iskaashatada qaadka Miirooga, ayaa ka cadhooday talaabadaas, una soo jeediyey Kenya inay mamnuucdo tababarka ciidamada Ingiriisku ku qaataan dalkooda.

Labadan xildhibaan ayaa u soo jeediyey beeralayda qaadka Miirooga inay dalagyo kale ku baddashaan beeritaankiisa maadama aanay iyaga laftoodu daliil caafimaad u helayn beeritaanka Miirooga. “Miiroogu waxa uu keenaa dhibaatooyin badan sida daal, burburka qoysaska iyo walaf aan loo helayn sabab qiil u noqota,” sidaasna waxa yidhi Xildhibaane Shidiye .
Waxay ku doodeen in hay’adda la dagaalanka Khamriga iyo Xashiishada Kenya ay Qaadka ku dareen liiska mukhaadaraadka, wakhtigana xukuumada looga baahan yahay inay gebi ahaantiisa mamnuucdo isticmaalkiisa. “Waxa muhiim ah inaan xushmayno hay’adaha aynu samaysanay , isla markaana fulino talooyinkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyey Md Shidiye.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in gobolada Waqooyi-bari yihiin kuwa saamaynta ugu badan Qaadka Miiroogu ku leeyahay, inkastoo haddana gobolada uu ka baxaa ka fog yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories