HomeMudane Madaxweyne, Kala Dooro Qaranka iyo Guurtida

Mudane Madaxweyne, Kala Dooro Qaranka iyo Guurtida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

QALINMaanta waynu wada qirsanahay halka dalku marayo,waxaynu dhex muquuranay mawjado siyaasadeed oo murugsan.Halkaana waxa gaadhsiiyay go’aankii guurtida ee aan si qoto dheer oo cilmiyaysan looga fiirsan.

Guurtidu may tixgelin soo jeedintii komishanka doorashooyinka qaranka,manay eegin danta dalku halkay ku jirto balse waxay eegeen uun dantooda ayagoo ogg inay sharci darro ku fadhiyaan golaha.Muran kama taagna 24ka sanno ee ay guurtidu golaha fadhiyeen 6sanno inay sharci ku fadhiyeen balse 18kii sanno ee ugu danbeeyay ayaga uun baa shaanbada isugu dhufanayay,waana sharci darro.

Markaa gole sharci darro ma ka talin karaa dalka! Waa maya. Fursadaana waxa siiyay qaybinta shacabka la kala qaybiyay.

Mudane Madaxweyne,markaynu sidaa isla ognahay ee aad adiguna daadinfaysay sharciyada ay guurtidu ku fadhido golaha sannadkii 2009kii ma waxaad dann u aragtaa kordhinta guurtida oo dalka halis ku ah mise waxaad dann u aragtaa inaad sida dadka iyo dalka-ba u dann ah yeesho! Mudane Madaxweyne maah-maah Somalilander ah ayaa tidhaa (Talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola).

Xaalada dalku waxay maraysaa meel adag,arrinkuna waxa uu innaga galay goob jiqin-jiqis ah,waana bartii nin ragii kala soo bixi jiray,calool adayg iyo go’aan geesi-nimo leh qaadan jiray,waana ta lagaa sugayo mudane madaxweyne.

Hadaad eegto aragtiyaha kooxda kugu xeeran waxay kugu hogaaminaysaa calool jilayc iyo go’aan shacabka qas gelin doona.Taasi waa hubaal oo koox dadka iyo dalka midna aan u damqanayn una naxayn,tooda uuni la culus-tahay ayaa dhegaha kaaga xoonsan,taladoodana waa lagu jabayaa.Madaxweyne adigaa gogosha fidiyay balse xubnaha aad wadahadalada u soo dirtay marka laga reebo kuxigeen-kaagga maaha ragg wanaag ka talinaaya,waa niman ka indho la’ xaalada muran.Waxa haboon xubno dannta qaranka garan kara oo aan soo hor-marinayn tood inaad gogosha u dirtid.

Mar hadii laga guuray dastuurkii iyo sharuucdii dalka oo geedka isla tagnay madaxweyne adigaa gogosha fidiyay ee taladu yaanay kaa qaloocan waxaanan maqlay marxuum-kii ina-sanway-nana awoow ayuu kuu ahaaye.

Madaxweyne hadaynu eegno cimilada goorta doorasho dalka laga qaban karo ee ay shacabka ballaadhan ee xoolo dhaqatada ahi waxa ku haboon bisha August 2016.Taasaana lagaga baxayaa murugga siyaasadeed ee dalka ka oogan.Madaxweyne maanta waxa ku hor yaal inaad doorato qaranka iyo inaad doorato guurtida.

Xuseen Xasan Badmaax

4026100

Badmah100@hotmail.com

Hargeysa/JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories