HomeMudane Madaxweyne Axmedoow, weli ma qiratay qalooc aad gashay!

Mudane Madaxweyne Axmedoow, weli ma qiratay qalooc aad gashay!

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Madaxweyne Axmedoow dalku waa nabad,22sanno ayaa la soo adkay-nayay,shacabku isagaa dalka ugu lexo-jeclo badan,waana ilaahay mahadii,dawlada aad hogaamisaana haday halkii ka sii kordhisay waa waajib ay gudatay.

Arrinku maaha sida ay xukuumadaada dhukkan u dhigayso,mucaaridka iyo muwaadiniyiinta tilmaanta iyo toosinta ka hadashayna kamay hadlin nabadgelyo daraan dalka ka jirta balse waxay si caafimaad qabta farta ugu fiiqeen arrimaha saamaynta ku yeeshay Ethopian Airlines iyo Genel Energy hawlahay ka wadeen dalka oo ay joojiyeen ama hakiyeen.

Madaxweyne,muwaadinku xaq ayuu u leeyahay inuu dawlada talo iyo toosinba u soo jeediyo marka uu dareemo inay jiraan talaabooyin qaloocan oo ay dawladu ku leexinayso habsocodka fulinta adeegyada bulshada,sidaana distoorka ayaa xaq u siiyay.Shacabka iyo mucaaridkuba xaq ayay u leeyihiin inay dawlada la xisaabtamaan,hubiyaan mashaariicda iyo heshiisyada lala gelaayo sharkadaha shisheeye inay sharciyada iyo distoorka dalka ku salaysan-yihiin ama inay xubno dawlada ka tirsani mugdi wax ku saxeexeen.

Madaxweyne,hadii golahii wakiiladu ku milmeen fulinta oo ay indhaha ka daboosheen talaabooyinkaa musuqa ku salaysan,hadii golahii guurtidu ku dhacay jeebka fulinta,hadii xeer ilaaliyahii guud hoos tagay fulinta,hadii hanti-dhawrkii guud afka xabag laga saaray,ma waxaad jeceshahay shacabkuna inuu sacabka kula dabo galo!Maaha marka uu sameeyo wasiir dawladaada ka tirsani qalad qaran ama dhawr wasiir hantida qaranka ay si qaloocda u maamushaan, inaad madaxweyne garab gardaro ku raacdo oo shacabkan aad mar kasta ku celceliso way i doorteen aad ku tilmaanto inay mucaaridku marin habaabinayo.

Waxa laga hadlay ee shacabka iyo mucaaridkuba qaaq ka siiyay waa:

1.Dib u habaynta dhabaha madaarka hargeysa oo ka hooseeya heerkii laga rabay inuu noqdo.

2.Dhaqaalaha ku baxay ee uu wasiirka hawada iyo duulistu sheegay aanu ahayn mid xaqiiqada ku qotoma.

3.Nabadgelyada farsamo ee madaarka oo ka hooseeya heer kalsooni lagu qabi karo.

4.Xoolahii waxay ka soo galaan dhanka koonfurta, rakaabka,shaqaalaha,iyo madaxda madaarku, intuba diyaaradaha ayay hoosteeda tagaan.

Maaha inaynu iska indho tiro runta iyo xaqiiqada ka jirta dhibta ka timi dib u habaynta lagu sameeyay madaarka hargeysa.Waa inaad shacabka dhegaysataa oo aad toosisaa waxii qaldan.Waxaanay ahayd inay wasiirka duulista iyo wasiirka macdantuba xilka iska casilaan,waayo waxay sameeyeen fadeexad qaran.

Madaxweyne arrinku maaha nabadgelyada dalka ka jirta oo la beeniyay balse waa xaalada haatan uu madaarka hargeysa ku suganyahay,sharkadaha shisheeyuhuna sida aad u taqaan ma aamini karaan sida uu haatan yahay,rakaabkoodana xil ayaa ka saaran,markaa waxa lagaaga fadhiyay inaad saxitaan samayso ee lagaagama fadhiyin inaad mucaaridka ku eedaysid qaar nabadgelyadii dalka khalkhal gelinaaya oo inkiraaya nabadgelyada dalka ka jirta.

Madaxweyne,lagaagama fadhiyin inaad hadalkaagii ku soo koobto Genel Energy dalka kamay bixin ee shaqadii ayuun bay hakisay.Waxaa lagaaga fadhiyay inaad shacabka soo hordhigto sharciyada ay dalka ku joogeen,kuna baadhayeen shidaalka,inaad xaqiiqada taabato oo aad shacabka u bayaamiso heshiiska lala galay nooca uu yahay iyo sharciyada uu ku salaysanyahay.

Madaxweyne Axmedow masuuliyad ayaa mucaaridka,shacabka iyo dalkaba kaa saaran,wasiirada adigaa xilka u dhiibay,shacabku ma dooran ee weli ma qiratay qalooc aad samaysay ama qalad aad gashay mise maba qaldantid.Intaad xilka haysay waxqabadka aad samaysay maaha inay dawladaada dhukkan ku faanto,waxay ka mid tahay baahiyaha fulintoodu kugu waajibka tahay ee laguu doortay.Waxa la tabayaa sinaaanshaha mashaariicda ee gobolada dalku inay dhinac ka raranyihiin,waxa ku soo biiray sharkadaha shisheeye oo meel madaw heshiis lagula galo.Markaa ma waxa aad door biday inaad dalk mugdigaa

Ku hogaamiso,xisbiyada mucaaridkuna kuugu sacabo tumaan.

Madaxweyne,goormaad gar qaadan oo aad qaladkaaga qiran.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories