HomeMudane ka tirsan Aqalka Odayaasha Ingiriiska oo lagu eedeeyey inuu Abaalgud Lacageed...

Mudane ka tirsan Aqalka Odayaasha Ingiriiska oo lagu eedeeyey inuu Abaalgud Lacageed ugu yaboohay Ciddii Gacanta ku soo dhigta Madaxweynaha Maraykanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankLondon, 16 April, 2012 (SLpost)- Mudane Aqalka Odayaasha Ingiriiska ugu jira Xisbiga Labour-ka ayaa Mansabkii Xildhibaanimo si ku-meel gaadh ah loo laaley ka dib markii, sida lagu eedaynayo, uu ku yaboohay abaalgud lacageed oo £10 Milyan oo Gini tas oo uu siinayo Ciddii soo qabata Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Mudanahan oo la yidhaahdo [Lord] Ahmed lagana soo doortay deegaanka ayaa lacagtan ku yabobay ka dib markii uu Maraykanku shaaciyey in $10 Milyan oo Dollar la siinayo ciddii gacanta ku soo galisa Hafiz Muhammed Saeed oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey weerarradii argagixiso ee sannadkii 2008 ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

blank
Sheekha Maraykanku Abaal-gudka lacageed Dul-dhigay

Waxa laga sheegay inuu Mudanahani ku macneeyey abaal-gudka Marakanku ku bixinayo Mr. Saeed, oo la sheego inuu aasaasay urur Islaami ah la yidhaahdo Lashkar-e-Taiba (LeT), mid lagu caayayo Muslimiinta Adduunka.

Mudanahan oo u Dhashay dalka Pakistan isla markaana noqday qofkii ugu ee Muslim ah ee ka mid noqda Aqalka Odayaasha Ingiriiska, waxa uuu Mr Obama ku eedeeyey inuu meel kagaga dhacay sharafta Umadda Muslimiinta ah, isaga oo dhanka kale xusay in abaal-gudka uu ku yaboohay uu sidoo kale u dhigmo beddelkiisa haddii gacanta lagu soo dhigo Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush.

blank
Madaxweynaha Maraykanka

Jariiradda dalka Pakistan ka soo baxda ee Express Tribune ayaa sheegtay in Mudane Ahmed weedhahan uu ka yidhi Munaasibad lagu soo dhaweeyey oo ka qabsoontay magaalada Haripur.

Afhayeen u hadlay Xisbiga Labour-ka ayaa sheegay in laaleen xubinimada Axmed ilaa inta baadhitaan la sameynayo, “Haddii wararka la sheegayaa dhab noqdaan, si xun ayaanu u cambaareynaynaa weedhahan oo wax aan la aqbali Karin ah,” ayuu yidhi Patrick Mercer, afhayeenka xisbiga Labour.

“Waan u halgamayaa inaan arko dhiirri-gelinta madaxweynaha Maraykanka oo la soo xidho ay ugu habboontahay inay ka soo baxdo qof huwan sharafta xubinimada Aqalka Odayaasha oo ah mid ka mid ah tiirarka Baarlamaanka dalkan,” ayuu yidhi afhayeenku.

Si kastaba ha ahaatee, Mudane Ahmed waxa uu beeniyey inuu ku yaboohay abaal-gudka balse waxa uu sheegay inuu Munaasidda lagu soo dhaweeyey ka sheegay in dambi-dagaal oo bani’aadanimada ka dhan ah lagu soo oogo Mr. Bush iyo raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair.

Md. Ahmed oo isaga oo jooga Pakistan warbaahinta dalka Ingiriiska la xidhiidhay, waxa uu sheegay in Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Labour-ku aanay cidi kala soo hadal ka hor intii aan la shaacin Warka shakiga abuuray.

“Ma waxay laaleen xubinimadaydii? Taasi wax lala yaabo ayey ila tahay. Waligay kelmadahaas ma odhan, Abaal-gudna kumaan yaboohin,” ayuu yidhi Mudanahan la eedeeyey.

Isaga oo intaas ku daray, “Waxaan sheegay inay jireen dambiyo-dagaal oo laga galay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan iyo shakhsiyaadka si xooggan loo eedaynayo dambiyadaas oo ah George W. Bush iyo Tony Blair, lana hor geeyo cadaaladda.”

“Uma malaynayo inay jiraan wax intaas ku jaban. Haddii Xisbiga Labour uu rabo inuu xubinimadayda laalo, waxaan kala xisaabtamayaa iyaga. Waa inay caddayn buuxda isoo hordhigaan,” ayuu raaciyey.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories