HomeMudane Axmed Carwo Ayaan Weydiiyey Waxa Siilanyo Uu Xukuumadda Ugu Dari Waayey,...

Mudane Axmed Carwo Ayaan Weydiiyey Waxa Siilanyo Uu Xukuumadda Ugu Dari Waayey, Waxuu Igu Yidhi…

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Intiina la socota siyaasadda Soomaliland, waxa ka war qabtaan halgankii dheera ee Mudane Axmed Carwo u galay hanashada Madaxweyne Siilanyo inuu kursiga hoggaanka ku fadhiisto. WAxuu aqoonyahan Axmed ku lumiyey juhdi badan iyo waqti badan, isagoo si is dabo joog ah ugu bayaamin jiray bulshada baahida loo qabo isbedel siyaasi ah oo xukuumadda Riyaale lagu rido. Axmed muu leexleexan ee waxuu mustaqbalka dalka ku xidhay hoggaaminta Kulmiye iyo Axmed Siilanyo.

Waxa Axmed bilaabay oo uu dheera mucaaridka tabaha casriga ah ee bulshada loo abaabulo. Xiligaas oon ardayada ka aha fasalka kowaad ee Jaamacadda Hargeysa, waxuu iangala soo xidhiidhay Facebook oo uu ka furtay page uu ugu hawl galo xisbiga. Waxuuna sidoo kale noo soo diray link ku saabsan blogiisa SAMOTALIS.. http://samotalis.blogspot.co.uk/.. Aniga iyo asxaab aanu ku jirno dartiis ayaanu ugu biirnay KULMIYE oon siyaasadda ka bilownay.

Waxa dhacaday maalintuu yimd Hargeysa ee ololaha inaan la joogay habaryartay caafadda Sheekh Madar, deedna subaxii xigay aanu ku warhelnay kulan dhoolatus ah oo xisbigu ka abaabulaayo meel dhawaaqo noo baxaayo. Aniga iyo afar hablood ayaa dhankaas u dhaqaaqnay. Kolkaanu gaadhay wax yar dabadeed ayaa gaadhi soo galay Axmed Carwo wada..waxa ninkii maxfalkuu noo sheegay inaanu soo dhoweyno..aad ayaan ugu farxay bal inaan muuqaal ahaan la kulmo Axmed oo maqaaladiisu aad ii soo jiiteen.

Waxa furmay xafladdii waxa Axmed ag joogtay gabad aad u cad oo qurbojoog ah reer Burco oon bari dambe ogaaday inay tahay gabadha ganacsatada ahee la yidhaahdo QADAN…Waxa isna weheliyey Xildhibaan Nacnac iyo gabadha Samafalka Amina Maxamuud…..iyo sibiyahan kale. Waxay labadoodu ku tiiqtiiqsadeen oo waliba Axmed ku jeesteeyey sida xukuumaddana u galbatay waa tii Riyaale iyo Mustaqbalku inuu ku jiro KULMIYE.

Asxaabtay waxaan u sheegay in Axmed yahay madaxda mustaqbalka ayna waajib tahay inaanu u foodno kULMIYE oonu ka dhex arkeynay Axmed Carwo.

Waxba yaan hadalku ila durkin ee KUlmiye guuleysay Axmed Siilanyana kursigii uu u jeelana fadhiisay, waxa se muuqata inuu iloobay ciddii kursiga ku fadhiisisey oo uu noqday abaal laawe. Axmed waa aqoon yahan sida ku cad profilekiisa haysta shahaadada Master ee Jamacadda canka ah ee London School of Economics kana soo shaqeeyey Carabta iyo Yuruba. Waa aftahan dadka wax fahamsiin kara waana nin bulshada waxay rabto si hawl yar u faahma.

Anigoo muddo dheer la yabana waxa Axmed uga maqan yahay Xukuumadda, ayey igu dhalatay kolkuu dhowr jeer Siilanyo golahiisa kala shandheyn iyo isku hadin kiu waday een Axmed ka waayey, inaan weydiiyo sida xaal yahay.

 Axmed oon fursad u helay ayaan weydiiyey su’aashii igu raagtay.

Wsxuu si hawl yar iigu jawaabay….” Axmed Siilanyo waxba iima diidana, sideedna waxba ma bixiyo ee qalinka Alle cidduu ku dhaco ayuu isna magacaaba, sidii roona Alla og..oo waata Alle inagu yidhi waxa laga yaaba wax badan ood jeceshiin inay dhibi idiinku jirto, wax badan ood necebtihiina kheyr idiinku jiro…”  Waaban ilmeyn gaadhay iimaanka Axmed Carwo ee intaas leeg. Waxaan ka filayey inuu si kulul u jawaabo ugu yaraan iyo calaacal iyo cabasho, midna kama muuqan.

Waxaan aad u dhandhamiyey...”hadalka Alle laga yaaba wax badan ood jeceshiin in shar idiinkiu jiro””

Inteeba siyaasiinteena samirkaas iyo Alle-aaminnimadaas qabta. waa su’aal idiin taala.

Sabah Cali Cumar

sabahsaaxil@yahoo.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories