HomeMUDANE AAN KU CAAYO SI LA II OGAADO INAAN JAAMACADDA KA SOO...

MUDANE AAN KU CAAYO SI LA II OGAADO INAAN JAAMACADDA KA SOO BAXAY OO AAN SHAQO U HELO

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Waxaa ayaamahan danbe ku soo batay baraha dadwaynuhu ku kulmaan in dhalinyaro badan oo jamacadaha dalka iyo dibadiisaba ka soo qalan jabiyey ay barahaa lagu kulmo kusoo qoraaan maqaalo, Maqaaaladas oo ay ku dhaleeceeyan madaxda dalka heerku doono ha ahaadee ama haayadaha kala duwan ee dawliga ah iyagoo ku tibaaxaaya in ay haayadaa ama mudanahaa ay dhaliilaaan run iyo been ba xitaaaa marka ay qorayaan dhaliil dhab ah oo jirta waxa ay qoraan oo kaliya dhaliisha, lakiin waxaaa waajib ah in marka aad dhaliilo qorto inaaad xalkeedna raaciso adiga waxa ay kula tahay ee aanad bulshada maalin walba ugudbin uun dhibaato aanad xalkeedii raacin.

 

sidoo kale waxaa loo baahanyahay in aad baadhitaan badan ka samayso waxa aad wax ka qorayso si aad u hesho cadaymo badan oo bulshada aad wax ugudbinayso ugu cadayso dhaliisha jirta si hadii cida aad dhaliilaysaa ku tidhaaa nagu soo cadee waa inaaad hayso cadayn isla marka aaad dhibta jirta sheegto, isku day inaad raaciso sidii dhibtaaa looga bixi lahaaa .

 

Mida kale waxaa ceeb ah in aqoonta aad baratay aad bulshadaada uga faaiidan kari waydo ama ugu gudbin kari waydo wanaag eee aad miciinsato in lagu barto marka aaad dhaliilo ka qorto madaxda dalka dhaliil jirta iyo mid aan jirinba qofka aqoonta lihi wuxuu daweeyaa bulsho bugta ee ma xumeeyo bulsho wanaagsan ,qofka aqoonta lihi badanaa wuxuu wax ka eegaa dhanka wanaagasan ee kama eego dhanka xun ama rajo la,aanta, qofka aqoonta lihi wuxuu isu soo jiidaa bulshada iyo cida hogaaminaysa iyagoo labadaba dhan ba meelo kala duwan wax ka tusaaya ,qofka aqoonta lihi wuxuu bulshada u horseedaa horumar iyo isu tanaasul ee uma horseedo kicin ,caadifad galin isagoo ujeedadiisa ugu wayni tahay in la ogaado inuu maqlo qoro kadib marka la is waydiiyana la ogaado in uu jaamacad ka soo baxay.

 

Sidoo kale waxaa muhiim ah in la ogaado in qof walba wixii allah u qoray inuu helaayo isla markaana aan aanad si xun ku doonin wixii kaa maqan ugu danbayntii waxaaa la wada ogyahay qofka cilmi bartay ee aqoontiisu dhisan tahay in aaanu ubaahnayn inuu qabyaalad iyo umad walaalo ah isku kicin tooda wax ka helo ee aqoontiisa ayuu kalidii isku wadaa isagoon cidna xagxagan.

 

Guntii iyo gabogabadii , waxaaan soo jeedin lahaaa dhamaan dhalinta aqoonyahanada ah ee reer Somaliland gaar ahaan kuwa caasimada inay tijaabiyaaan dhanka wanaaga iskuna kalsoonaadaan qalbigoodana ka saaraan dabeecadan xun ee ah in uu shaqo ku helo cid uu wax ka sheego tan oo kaliya ma aha ee dhanka kalana waxaa jira qaaar iyaguna ku mashquulsan siday kuwaaa ugu jawaabi lahayeen iyagoo taageeraya masuulka wax laga sheegay ama haayada wax laga sheegay sifo kasta ha ku raacaane sida qabiil ama si uu ugu shaxado masuulkaa ama shaqo ba ugaga helo tani ma noqon karto xalka lugu sixi karo qalad ama lagu difaaci karo cid qaldan waxaaan ku talin lahaaa in wixii qaldana si wada jir ah loo wada saxo wixii saxsana la isku dhiiri galiyo iyadoon loo eegayn qabiil iyo dan shaqsi waxaana lagama maar maaan ah in dhalinyaradu ogaato inay yihiin kuwa laga sugaayo inay wax ka badalaaan qabyaalada aafaysay dalkeena ee aanay ku milmin kuwii ka horeeyey ee qabyaalada ku qadayn jiray dawlada na waxaan usoo jeedin lahaaa inay joojiso qabiilka badheedhka ah ee ay u xusho masuuliyiinta ay xilka u magacaabayaan ama ugu yaraaan masuulka ay qabiil ku keenen marka uu shaqadiisa ka soo bixi kari waayo aanay ku badalin masuul kale oo reer kooda ah waayo taasi waaa ta keenaysa in aqoon yahanadeenii maalin walba u dhaliilaaan run iyo beenba masuulka ay isleyihiin waaad qaban kartaaa booskiisa marka loo eego reer ahaan dawladu iyadaaa dhiiri galin sii sa ficilada sidaas ah ,masuuliyiintana waxaan usoo jeedin lahaaa heerkay doonaan ha ahaadaane in marka dhaliil loo soo jeediyo ay isku dayaan inay cid u diraaan ujaawabta cidaaa oo isaga amaanta waayo hadii aanay wax ka jirin dhaliishaaa ma taalo sabab aaad uga gilgilataaa xitaaa hadii ay jirto waxaaa ceeb ah inaaad istidhaaa dhaliishaada difaaac ee waxaa ka wanaagsan inaaad qirato isla markaana talo soo jeedinta qaadato oo aaad isku daydo inaad qalad kaaga dib usaxdo waayo ilaahay ayuunbaaa ma qaldame ah.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ…..

Xildhiban Maxamed Cabdi Yoon

Golaha Deegaanka Hargeisa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories