HomeMudaharaadyo lagu diiddan yahay Xasuuqa Qaxoontiga oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Mudaharaadyo lagu diiddan yahay Xasuuqa Qaxoontiga oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Johannesburg (SLP)-  Kumanaan reer Koonfur Afrika ah ayaa isugu soo baxay dariiqyada magaalada magaalada Johannesburg ee caasimadda dalkaas, kuwaas sitay ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan dadka ajaanibka ah ee muddooyinkii u dambeeyay  isir-nacaybka loogu laynaya dalkaas, waxaanay si boodhadh ay ku xardhan yihiin sida ay uga xun yihiin falkaas.

Dadkana isu soo baxa sameeyay ayaa socod ku maray waddooyinka magaalada in ka badan 5 kiiloo mitir.

S. AFR“Waxaanu doonaynaa inaanu tusno Afrika iyo Koonfur Afrikaba inaanu kasoo horjeedno kacdoonka isir-nacaybka, taasoo aanu isu soo xil-qaanay inaanu muujino dareenkayaga, kuna taageerno dadka ajaanibka ah, isla markaana aanu ilaalino caddaalada iyo karaamada dadkaas.” Sidaa waxa yidhi Mark Heywood, oo ka mid ah dadkii isu-soo baxaas soo abaabulay.

“Waxaan halkan u joogaa oo aan uga qayb qaadanayaan banana-baxan, waxaan ahay Koonfur Afrikaan, waxaanan la noolahay Malawian, Zimbabwean iyo Mozambicans, waana walaalahay oo aan jeclahay. Waxaanu nahay isku dhiig ”  sidaa waxa tidhi Salma Mazibuko oo ka mid ahayd dadkii ka qayb qaadanayay banaana-baxaas..

S. AfrikaSalaasadii ayaa ciidanka xooga dalka Koonfur Afrika laga hawl-galiyay goobaha rabshadaha isir-nacaybka ahi ka socdaan, si ay wax uga qabtaan dhibaatada loo gaysanayo ajaanibka ku nool dalkaas. Dad badan oo reer Koonfur Afrika ah ayaa cambaareeyay talaabada ciidanka milateriga lagu hawl-galiyay, iyagoo ku doodday in taasi ay sumcad xumo u keenayso dalkooda. Halka qaar kalena ay soo dhaweeyeen hawl-galka milateriga.

“Maanta waxa aanu muujinay isku duubni, barina iyo saa’dambena hawl taas kasii fiican ayaanu qaban doonaa, anaga sii wadi doona bilo si aanu uga hortagno inay tanoo kale dib u dhacdo.” Heywood  oo ah abaabuleyaasha banana-baxaas.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories