HomeMudan U Gaar Ah Dugsiyada QUULLE AADAN Maankuna Suntay - W/Q: Saeed...

Mudan U Gaar Ah Dugsiyada QUULLE AADAN Maankuna Suntay – W/Q: Saeed Mohamoud Gahayr

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

quulle aadanHaa.. had iyo jeer xusuus gaar ah ayay garaadka ku leeyihiin Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee Loogu magac-daray halgamaagii weynaa Cismaan Aadan Dool (Quulle) oo ku yaalla caasimadda Hargeysa (Ex Axmed-Gurey).. Waa iskuullo ku astaysan noolaynta taariikhda Somaliland, xuska dharaaraha qiimaha leh iyo waddaniyad qoto-dheer..

Marka aad irridka ka gasho waxa ku soo jiidanaya magacyada loo bixiyay fasallada oo ah goobo ku suntan halgankii dib u xoreynta qaran ee SNM hormoodka ka ahayd, waa Habuura, Burco-duurray, Balligubadle, Madaweyn iyo Durya.. Xafiiskana waxa ku suntan Kaam Liibaan.. Dhammaantoodna waa goobo halbawle u ahaa dhaqdhaqaaqii dalku gobanimadiisa ku helay. Malaha haddii aan galo faahfaahinta magacyadaas laga gayoon maayo ee aan ka gudbo.

Had iyo jeer waxa ardayda u yimaadda wax-garad ku carbiya sooyaalka, dhaqanka iyo dal-jirka. Si gooni ah waxa maskaxda raad ugu reebay xuskii ay u sameeyeen hawlgalkii Badbaado ee ay naf-hurayaashii SNM ee uu hormoodka u ahaa Mujaahid Ibraahin Koodbuur 12/April/1983-kii ku furteen Mujaahid C/Laahi Askar Barkhad oo ku xidhnaa miiska saraakiisha, iyada oo loo geystay jidh-dil damacuna ahaa in fagaareyaal nacabku buuxaan la geeyo, si cadawgu ugu wiirsadaan.. Mujaahid C/Salaan Turki iyo Mujaahid Aadan Maal ayaa ka mid ahaa waayo-araggii ayaantaas ardayda uga xog-warramay dhacdadan lama hilmaamaanka ah. Alle ha u naxariisto intii dhimatay ee ka qayb-gashay biimahan qaranka lagu badbaadiyay.

Mar kale waxa ay Dugsiyada Quulle Aadan wacdaro ka dhigeen xuskii 18/Mey ee sannadkan, iyaga oo ahaa dugsiga kale ee socdaal ugu kicitimay magaalo ka baxsan Hargeysa oo ah Balli-gubadle: Magaalo-madaxda Gobolka Hawd iyo Xaruntii SNM.. Safarkan oo loogu magac-daray SAMO-TALIS (Buugga Xaaji Cabdi-Waraabe) waxa ay himiladiisu ahayd in ardayda lagu barbaariyo ilaalinta nabadda aynu hadhsanno, la tuso raadadkii iyo rafaadkii loo maray helista xornimada Somaliland, dal-barasho iyo inay farxadda dabaal-degga qarannimada Somaliland kala qayb galaan walaalahooda ku nool mid ka mid ah Gobollada Somaliland..

Geeddigan waxa ardayda ku weheliyay maamulka dugsiga C/Laahi Ibraahin Xaaji Xasan iyo Shiine Cabdi Hayaan, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada C/Najax Siyaad Aw Cabdi, macallimiin, suxufiyiin iyo dad kale oo wacdaro ka dhigay xuskii lagu qabtay Balli-gubadle.

Marka aad eegto muddada kooban ee uu jiray dugsigani, gaar ahaan dugsiga sare oo aan la aasaasay muddo laga joogo in ka yar laba sanno iyo waxqabadka uu muujiyay waxa aad arkaysaa inuu sameeyay tallaabooyin iyo waxqabad ay daw tahay in lagu hambalyeeyo, lagu garab-galo, lagaga daydayda, lagu dhiirrigeliyo iyo in lala xoojiyo ambaqaadka higsiga hufan ee ay haabka ku hayaan.

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories