HomeMucaarid-xumaha Maantu Waa Muxaafid-Xumihii Shalay - W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Mucaarid-xumaha Maantu Waa Muxaafid-Xumihii Shalay – W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankInta badan ma dhacdo umaddu sida ay u dhantay in ay isku aragti ka noqoto ama si u wada aragto arrimaha siyaasadda iyo sida ugu habboon ee dalka lagu maamuli karo; nidaamka iyo waddada loo marayo kobcinta dhaqaalaha, dhismaha kaabeyaasha, hagaajinta adeegyada bulshada, maamul wanaagga, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo nooca xidhiidhka lala yeelanayo dawladaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Waddannada dimuqraadiga ah aragtiyaha dadweynaha ee iska soo horjeeda waxa ku metela xisbiyo siyaasadeed oo mid kastaaba u taaggan yahay mabaa’di iyo barmaamijyo u gaar ah oo uu dalka ku hoggaamin doono haddii uu doorashada ku guulaysto.

Xisbigu haddii se uu guuldarraysto saaxadda kama baxo ee wuxuu qaata doorkiisa mucaaradnimo si uu xukunka ugu ilaaliyo xukumadda ka dhalatay xisbigii guulaystay iyo in uu isu habeeyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashooyinka dambe.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland wasiirrada iyo madaxda kale ee Qaranka waxa laga soo xulaa taageerayaasha xisbiga laakiin, mararka qaarkood waxa lagu soo daraa rag si uun malaha loo tixgeliyay.

Haddaba inkasta oo masuuliyiinta Qaranka ee la magacaabayo looga baahan yahay in ay buuxiyaan shuruudo aan la dhaafi Karin sida: waxbarasho heer jaamacadeed, waayo aragnimo, karti, daacadnimo iwm, haddana madaxweyneyaashii JSL ee kala dambeeyay waxay xilal muhiim ah u magacaabeen rag aan u qalmin oo aqoontooda waxbarasho aad u hoosayso, maamulka dawladnimadana aan wax badan kala socon.

Masuulkan oo kale aqoontiisa gaaban wuxuu ku kabaa guulwadayn iyo raalli gelinta madaxweynaha si uu kalsoonidiisa u kasbado, waxa lagu gartaa muxaafidnimo dheeraad ah iyo ka badbadin, marka uu hadlayo wuxuu aad u buunbuuniya waxqabadka xukuumadda wuxuuna ku celceliya ammaanta iyo magaca madaxweynaha, inta uu xafiiskiisa joogu waxa ka badan inta uu ku maqan yahay madaxtooyada si uu u soo dhego-dhegeeyo bal in uu madaxweynuhu soo wado wax isku shaandhayn ah ama in uu maqlo hadal haynta cid la damacsan yahay in shaqada laga eryo.

Dadka wuxuu ugu neceb yahay kuwa dawladda dhalliila ama madaxweynaha wax ka sheega, wuxuu la yaaba dadweynaha ka cabanaya tayada adeegyada bulshada, caddaaladda, shaqo la’aanta IWM.

Doodaha golaha Wasiirrada waxba kuma soo kordhiyo wuxuu se taageera hadba dhinaca madaxweynuhu u janjeedho.

Bal haddaba u fiirso sida uu u dhaqmo marka xilka laga qaado:- hore ayaynu u soo sheegnay oo ma laha aqoon ama xirfad uu ku shaqo tago, kuma jiri jirin hawlo ganacsi oo uu dib ugu laabto, noloshiisii hore ee caadiga ahaydna lama qabsan karo, sidaa daraadeed maalmo yar kadib waxa la arkaa isaga oo dhalliilo tiro badan ka sheegaya xukuumaddii uu ka tirsanaa ee uu sida indho la’aanta ah u difaaci jiray.

Waa muxaafid xumihii shalay oo maantana mucaarid ah. Idho adayga iyo sida uu dhalliilaha xukumadda u tilmaamayo waxa u dheer hanjabaado, goolaaftan iyo hadallo aflagaaddo ah oo uu ku weerarayo maamulka iyo saaxiibadiisii ay wada shaqayn jireen. Wuxuu isu caleemo saara in uu yahay afhayeenka beesha uu ka soo jeedo isaga oo kicinaya dareenka  reerka wuxuu tilmaama in ay dulman yihiin oo aanay maamulka dawladda ka helin saamigii ay xaqa ugu lahaayeen.

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories