HomeMucaaradnimo eed ma aha

Mucaaradnimo eed ma aha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

(Xaggee bay ka timid fikradda Aadan-Carab ee ah:

Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo?)

Dhulkeenna la ga ma aqoon hab-dawladeedkan cusub ee maanta dunida ka jira. Badhtamihii Dagaalweynihii Labaad ee Dunida ayay gayiga si dhab ah u ga curatay waddaniyad badhax la oo soomaalidu ku doonayso dawladnimo iyo midow. Waxaa qunyar qunyar u xoogaysatay jibbo waddaniyadeed oo meel walba is qabsatay. Haddaba waxaa soo baxay dad soomaaliyeed oo dawladnimada diiddan doonayana in shisheeyuhu dalka sii joogo. Dadkaas oo Muqdisho ku sii badnaa waxaa loo bixiyay ”mucaarad”. Erayga mucaarad qudhiisu wuu cusbaa oo markaa ka hor la ma aqoon, sidaa darteed in dadkaa gobannimo-diidka ah la gu tilmaamay erayga wax ay u yeeshay dhadhan aad u foolxun. Sidaas bay cay iyo ceeb ku noqotay ”hebel waa mucaarad”.

Iyada oo sidaas ah baa la dawladoobay, dawladnimaduna dabcan goor walba wax ay ka kooban tahay muxaafid iyo mucaarad. Haddaba sannadkii 1963 Aadan-Carab Yuusuf isaga oo tix gabay ah oo aad qaayo weyn ku dhaliilaya musuqmaasuqii iyo maamulxumadii xukuumaddii Aadan-Cadde, wax uu ka afeefanayaa in aanu mucaarad ahayn ee xaqiiqada jirta uun sheegayo; garo oo mucaaradnimada ayuu weli ceeb moodayaa.

Maanta Soomaalilaand xaalad tii u eg baa taalla. Dawladnimo silic iyo saxariir la gu soo dhisay, dagaallo sokeeye oo xanuun iyo baqdin la ga soo qaaday, aqoonsi la’aan jirta, soomaalida kale oo loo arko nacab duleedka soo taagan oo Soomaalilaand fursad ka eeganaya, arrimahaas oo dhami nafsiyadda qofka muwaaddinka ah ayay aad iyo aad u nugleeyeen. Qofku si uu khilaaf siyaasadeed u ga fogaado, dalkiisana u ga fogeeyo, badanaa wuu is moogaysiiyaa foolxumo kasta oo dawladdiisa ku jirta. Mucaaradnimadii xaqa iyo wanaagga ahayd ayaa dhadhantay fidno iyo xumaan. Waa nasiib darro aad u weyn, waayo mucaaradnimadu waa miisaanka wanaagsan ee muxaafidka, sidaas ayayna dawladnimadu ku hagaagtaa oo ku dheelli tirantaa.

Xaaladda caynkaas ah ee muwaaddinku khilaafka ka baqayo ayay kooxda maanta Soomaalilaand haysataa sida u gu xun u ga faa’iidaysatay. Waxa ay doonto ayay kooxdani samaysaa iyada oo hubta in aanu jirin dadweyne si firfircoon u ga hor imanayaa. Xitaa dadweynaha waxaa la oggolaysiiyay in aan la bannaanbixi karin, waayo waa mucaaradnimo, mucaaradnimaduna waa qarandumisnimo, weeye macnuhu. Waa tubtii qodxaha badnayd ee kelitalisnimada la gu yaqaannay.

Hoos waxaa ku qoran tixdaa Aadan-Carab meerisyo ka mid ah oo la xidhiidha waxa uu ku keenay meeriskaa caanka ah. Wax uu soo odhanayaa:

Afkoo malab ah shicibkii haddii la gu mashaysiiyo

Oo aan muraadba u qumayn mooyi say noqone

Waa na la madaaraynayaa taniyo maantiiye

Manqaa la gu sabaa had iyo jeer muuqa dhalanteede

Hadba waxan maqlaa boqol malyuun waa mucaawino e

Maalkii arlada loo qabtiyo meeday lacagtiina

Sow riigna noo ga ma mudaan madashan Buuhoodle

Bal intee muddo ahaan sugaa maaxda iman doonta

Mukhlis iyo haddaan la gu shaqayn orod maleegnaan ah

Ma xiniinyahay moodayaan muunad na la saaray

Ma naftiinna maaro u qabtaa nimanka loo miidhay

Maashiyo haddaan mililka saro mallow miyay fuuli

Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo

Erayqeex:

Manqo: wax aan garaad lahayn; maato.

Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories