HomeMucaaradka Suuriya oo ku Baaqay in la Sameeyo Maamul Cusub oo Dimuqraadi...

Mucaaradka Suuriya oo ku Baaqay in la Sameeyo Maamul Cusub oo Dimuqraadi ah oo Asad iyo Inta Taabacsani aannay ku Jirin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

SLpost- Ururada mucaaradka ku ah dowladda Suuriya ayaa shir ay dalka Sacuudi Carabiya ku yeesheen kasoo saaray qodobo ay doonayaan in la fuliyo ka hor inta aanay wadahadalka nabadeed la yeelan maamulka Bashar Al-Assad. War qoraal ah oo ay soo saareen ayaa waxa ay ku baaqeen in dalka laga sameeyo maamul cusub oo sal ballaadhan isla markaana dimuqraadi ah.

 

Waxaa ay intaa ku dareen in madaxweyne Bashar Al-Assad iyo ragga ku xeeran aannay fursad uga bannaaneyn maamulkaasi cusub. Balse kala qeybsanaan ayaa ka jirtay shirka ay mucaaradka dawladda Suuriya ku yeesheen dalka Sacuudi Carabiya.

 

Mid ka mid ah ururada ugu weyn mucaaradka oo lagu magacaabo Axrar al-Shaam ayaa sheegay inuu isaga baxayo shirka. Ururka ayaa sababta ku sheegay in qaar ka mid ah ragga hogaanka u hayay shirka ay xidhiidh la leeyihiin maamulka Assad.

 

Dhanka kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay in Muwaffaq Mustafa Mohammed al-Karmoush oo sidoo kale loo yaqaano Abu Salah iyo laba sarkaal oo ka tirsan ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka, lagu dilay duqeyn cirka ah oo lagula beegsaday gudaha Ciraaq.

 

Abu Salah ayaa ururkaasi u qaabilsanaa dhanka maaliyadda iyo bixinta kharashaadka dagaalyahannada ururkaasi ku xidhan ee jooga daafaha caalamka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories