HomeMucaarad iyo Muxaafadba Waa Wakhtigii La Wada Tashan Lahaa, Xukumaduna Waa Inay...

Mucaarad iyo Muxaafadba Waa Wakhtigii La Wada Tashan Lahaa, Xukumaduna Waa Inay Hogaamisaa Dood Qaran‏

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Waxa lagu jiraa wakhtiiga loo  midoobi lahaa Danaha Qaranka sababta oo ah Somaliland waxa ku socda qorshayaal Cadaawadeed oo lagu rabo in lagu  burburiyo jiritaanka iyo isku duubnaanta shacabka Somaliland, Qorshayaashan oo intiisa ugu badan ay wadaan Maamulka ka arrimiya Somalia iyo Dawlado kale oo aan dantooda ka dhex arkayn Somaliland inay noqoto Wadan ka mid ah Qaramada Caalamka balse dhinaca kale waxa jira wadamo badan oo ka dhur sugaya inay Somaliland arrimaheeda isku lugo duwato oo ay midayso shacabkeeda, sugtana xuduudaheeda, iskana dhaafaan kala qayb-sanaanta xaga fikirka si ay u kasbato taageero bulshada Caalamku siiso, iyo inay Xukumadu  muujiso maamul wanaag iyo daah-furnaan dhinaca maaliyada ah iyo inay la dagaalanto musuq-maasuqa muujisana waxa loo yaqaan Zero-tolerance for Corruption.
Maanta ma aha wakhtigii Xukumadu la ficiltami lahayd mucaaradka, mana aha wakhtigii Mucaaradku bilaabi lahaayeen ololeyaal ka dhan ah Xukumada, waxa haboon in la iska dhaafo shaqsi weerarka iyo inay Dumarkeena sharafta leh karaamada laga qaado oo mindi la iskugu dhiibo, caadana inooma ahayn inay dumarkeenu siyaasada isku weeraraan kuna ficiltamaan wax aan qiimo lahayn. arrinkaas yaanay dhegaha shacabku dib u maqlin.  qofna kama qarsoona in la gaadhay wakhtigii si qaran loo tashan lahaa ee la isla eegi lahaa sidii looga midho dhalin lahaa caqabadaha horyaala Qaranka Somaliland, kuwaasi oo intooda badani ah kuwo aanay xukumadu keligeed maarayn karayn aanay hayna kartidii lagaga gudbi lahaa balse ay haboon tahay in wax la iska waydiiyo sidii xukumada talo loogu kaabi lahaa. hadii xukumadu hormood ka noqoto dood qaran oo si daaha furan la iskula jeexjeexo mucaafad iyo mucaaradba ka dibna qorshayaal qaran oo qarankan geyaysiin kara horumar buuxa laga soo saaro, taasi waxay noqonaysaa inay xukumadu qaado talaabooyin wax ku oola, kuwaasi oo la isku raacsanyahay mucaarad iyo muxaafadba. tani waxay xukumada ka yaraynaysaa mucaarada inta badan kaga timaada dhinac Xisbiyada mucaaradka, kuwaasi oo dhalliilo u soo jeediya xukumada balse hadii ay xukumadu garato bal in wax laga siiyo talooyinka qaarkood ay keeni lahayd in wax badan xukumadu ku guulaysan lahayd.  Carqaladaha baahsan ee jira ee ay tahay in Xukumadu la tashi kala samayso Xisbiyada Mucaaradka waxa ka mid ah:
1. In Qorshe tafaq-tiran laga yeesho Doorashooyinka is barkan ee kaabiga inagu soo haya, kuwaasi intooda badan u baahan yihiin in dib u kaabis iyo samayn lagu sameeyo shuruucdooda, waxana ka mid ah doorashooyinkaas, Doorashada Gollaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo  Gollaha Guurtida, diwaan-gelinta muwaadiniinta iyo sharcigii lagu diwaan gelin lahaa.
2. Sugida Xuduudaha Bariga Somaliland iyo in la sii wado dib u heshiisiinta iyo maamul daadejinta siiba Degmooyinka Buhoodle, Taleex, Xudun iyo bariga Sanaag.
3. Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia iyo sidii  qorshayaal la isku raacsan yahay looga yeelan lahaa. sidaas oo kale inay xukumada wax meel uga yaalaan wada hadal kasta oo ay  la gelayso Somalia  iyo dadka Somaliland  u metali doonaa kuwa ay noqonayaan iyo in laga siiyo yeesho qorshayaal kala danbeeya (A, B, C PLAN)
4. Shaqo la’aanta saamaysay dhallinyarada iyo sidii loo abuuri lahaa qorshe qaran oo dheeli tiran oo shaqo loogu abuurayo Dhallinyarada Somaliland.
Waxa haboon inay xukumadu hogaamiso Dooda qaran oo lagu lafo gurayo siyaasda guud ee dalka iyada oo aan cidna la faquuqin loona eegin kala fikir duwanaanshaha balse loo eego oo qudha danaha qaranka. waxan ognahay inaanu jirin Qof ka mid xisbiyada mucaaradka oo leh ha la qabto dood qaran oo lagugu burburinay Somaliland balse waxay rabaan in la saxo xukumada oo la siiyo talooyin ay wax ku qaban karto halka sartu ka qudhun santahayna loo tilmaamo, taasina ceeb maaha, ee yaanay Xukumadu ceeb ka dhigin.
EEBE IIMAANKA HA INAGU SUGO.
Yuusuf S. Wacays
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories