HomeMucaarad iyo Muxaafad, Somaliland waa Gob ee Ilaashada! – W/Q: Dr. Ibrahim...

Mucaarad iyo Muxaafad, Somaliland waa Gob ee Ilaashada! – W/Q: Dr. Ibrahim J Abdi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Somaliland waa dal iyo dad dun gob ah leh, sooyaalka hore ee Soomaaliduna ka marag kacay.

Mucaarid iyo muxaafidba dalkaa la yidhaahdo Somaliland ayaynu wadaagnaa. Mucaarad iyo muxaafid dalkaa Somaliland ayay tahay inaynu wada dhisno, wada ilaashanno, karaamadiisa dhawrno, kala-dambayntiisa dhiirrigelinno, dastuurkiisa fulino, garsoorkiisa korino, hannaankiisa dawladnimo hareeraha isla qabanno, oo horumarkiisa habeen iyo maalinba ku hammino.

Waxa ka mid ah sunaha dawladnimo in, sida Ilaahay iyo Rasuulkiisu inna fareen, inaynu cidda hadba hoggaanka haysa ixtiraamno, ku daba tukanno, toosinno marka loo baahdo, ku taageerno talo-qaadashada, oo aynaan si toos ah uga hor iman wixii Ilaahay iyo Rasuulkiisu sida tooska ah innoo fareen.

Waxa kale oo ka mid ah sunnaha dawladnimo in madaxdeedu ilaaliso karaamada qaranka ay hoggaamiyaan – haddii ay yihiin mucaarad iyo haddii ay yihiin muxaafadba.

Waxa aan ku jirin sunnaha dawladnimo in wixii dastuurka lagu heshiiyey dhigayo si qaawan oo badheedh ah looga hor iman, sida u-xuslinta degganaanshaha iyo wada-noolaanshaha, ku-baaqidda fawdo iyo kala-faquuqa bulshada, burinta iyo ka-been-abuurka madaxda iyo go’aamadeeda, isu-cumaamadka xil aan bulshadu kuu idman, hakinta horumarka iyo dacaayaddiisa, hoos-u-dhigidda wadajirka bulshadaada iyo iskaashigeeda, kala-qoqobidda mujtamaca iyo qabyaalad-ku-abuuridiisa, iwm.

Dhinaca kale, hadalka san, sama-ka-talinta, waayeel-hadalka, aqoon-maalka iyo isu-hojinta isu soo dhowaansho ayaa ku yimaadda. Isu-hanjabka badan, aflagaadada, masabidka iyo ku-jiqsiida u badan oosha mucaaradka. Sidoo kaleo dagnaanta, aamusnaanta, afyaheen la’aanta, qancin yaraanta dhinaca mas’uuliyiinta hoggaanka qaarkood waxa ka iman kara isfaham darro la kala dhex dhigo bulshada iyo hoggaankeeda.

Waxyaabaha bulshadu hoosta ka xarriqday inay kala fogeeyaan aragtiyaha, himilada dalka, dadka iyo qarannimadeedana mugdi geliyaan waxa ka mid ah marka saxaafadda la isu mariyo qodobbada kor aynu ku soo qaadnay, saxaafadduna dab sii qabadsiiso oo erayadii lahjadda adkaa, kuwa ka sii daran ku sii tarjunto. Tusaale ahaan, iyada oo la werinayo qof mucaarad ahi erayada uu ka yidhi dhacdo ama talo, waxa aynu badiba isticmaalnaa “eedeeyey”, “cambaareeyey”, “ku hanjabey”, “kabaha la dul maray”, iwm. Waxa, taa dhiggeeda, la adeegsan kari lahaa iyada oo aan farriinta iyo macnaha midna la lumin “soo jeediyey”, “ku talaiyey”, “tilmaamay”, iwm.

Cadow Somaliland leedahay inuu hareeraheeda, horteeda iyo goonyaheeda oo dhan ku xeeran yahay cidina shaki kagama jiro. In cadawgaasi sallaan u soo dhigtay gudaha, oo dad ka samaystay luqaddiisa iyo danihiisa ugaga wakiil noqdana shaki kuma jiro. Taana waxa sahlay, sida fudud ee cid waliba u sheegatay siyaasad, siday doontona u hadashay. Waxa taa saglay in la wiiqo sharciyadda oo raggii u waaweynaa ee ilaalin lahaa ku tilmaamaan garsoorka ‘meel balloodhada ka gar naqda’, iyaga oo isu muujinaya inaan sharci qabtaaba jirin. Waxa taa sahlay markii tallaabo kasta oo ummaddani hore u qaaddayba tuur loo yeelay.

Waxa aan ku soo ururin lahaa mawduucan:

Waxay murugtoo majare lumay

Markii sharcigii maslaxad galay

Markii dulmigii mudnaan yeeshoo

Malkada loo banneeyey qaradlii!

Waxay murugtoo majare lumay

Markii madaxdii minjii weydoo

Mid dhexe uu been muquursiiyoo

Mankii baxayaba mindidu leeftoo

Mucaarad u muuqday cadawgiiyoo

Midhkuu odhan laaba loo yidhi!

Waxay murugtoo majare lumay

Markii suxufiga milgada ku lahaa

Ka baxay meeshoo mid kale yimi

Wuxuu melmelaaba boog kicisoo

Mililku wada gaadhey Ooshii!

Mawlaha Weyn baa Badbaado hayee

Allow Maanlaawe Naga Ood oo

Allow Midigtaada noo Dhiib!

Dr. Ibrahim J Abdi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories