HomeMo Farah iyo Mirqaanka Qaadka

Mo Farah iyo Mirqaanka Qaadka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London(SLpost)- Orodyahanka reer Somaliland  ee u ciyaara Britain haystana Horyaalka Orodka Adduunka, Mo Faarax oo Warbaahinta Britain la hadlay ayaa sheegay inuu hal mar cunay Qaad ama Jaad, isagoo Somalia ku sugan, xilligaasna uu ahaa intii aan UK laga mamnuucin Jaadka.

Mo Faarax oo dhawaan ku Guulaystay billadda Orodka Olympikada Adduunka ayaa mar wax laga weydiiyay eedda la xadhiidha inuu daroogo isticmaalay ayaa sheegay inuu Daroogo ugu dhawaaday Jaad/Qaad, markaasoo uu sheegay inuu si tijaabo ah u cunay.

Sidoo kale, Mo waxaa uu intaas ku daray in Caleemaha jaadka ruugay bishii August  ee Sannadkii 2003-kii, ka hor inta aan jaadka Britain looga Aqoonsan inuu qayb ka yahay Daroogada.

“Ujeedku wuxuu ahaa inaan tijaabiyo oo keliya; inuu la mid yahay Caleemaha geedaha oo kale… dhawr laamood ayaan ruugay… balse waxaan dareemay inuu ka duwan yahay… waxay ila noqotay sidii inaan cabay 10-koob oo Shaah ah,” ayuu sheegay  Mo Farah oo intaas raaciyay inuu aaminay in dadku ay jaadka u cunaan waqti lumis.

Orodyahankan Soomaaliyeed ee u orda dalka Britain ayaa sheegay in xilligaas aanu ku jirin wax tartan ah iyo sidoo kale tababar. Isagoo sheegay inaanay jirin wax daroogo ah oo uu Isticmaalay, balse wararkan la faafiyay ay yihiin kuwo la doonayo in Sumcaddiisa lagu Waxyeelleeyo.

Dhanka kale, Mo Farah ayaa sheegay inaanu wax khalad ah sameyn, isagoo ku sheegay wareysi uu siinayay Warbaahinta Britain in awoodda qofka ay ku xidhan tahay tababarka uu qaato iyo sidoo kale awooddiisa orod.

Waddanka Britain ayaa si rasmi ah looga mamnuucay Jaadka Sannadkii 2014-kii, kaddib markii hay’adda la socota Maandooriyaha UK ay qaadka u Aqoonsaday in uu yahay heerka Saddexaad ee Daroogada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories