HomeMM Kastan: Mid ka mid ah Udub-dhexaadka iyo Ruug-caddaaga Bahda Saxaafadda Somaliland...

MM Kastan: Mid ka mid ah Udub-dhexaadka iyo Ruug-caddaaga Bahda Saxaafadda Somaliland oo maanta Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargysa (SLpost)- Allah naxariistii Janno haka waraabiyo Maxamed Maxamuud Kastam oo ahaa Qoraa ruug-caddaa ah oo muddo badan ku soo dhe-jiray bah-weynta Saxaafadda Somaliland oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii rukunnada u taagay, isla markaana Buugaag kala duwan qoray,  ayaa maanta ku geeriyooday gurigiisii uu ka degganaa magaalada Hargeysa.
kastanMarxuum Maxamed Maxamuud Kastam oo dad badani u yaqaaneen MM.Kastam oo uu caan ku ahaa, waxa geeridiisa la ogaaday maanta gelinkii dambe, isagoo shalayto caafimaad-qabay kuna hoyday gurigiisa oo uu wakhtigan keligii degganaa, maaddaama oo Qoyskiisa ku dhaqan yihiin dalka dibeddiisa , balse waxa uu lahaa Xanuunnada Macaanka iyo Dhiig-karka.

Allaah ha u naxariistee MM. Kastam, waa Rukun iyo tiir-dhexaad ka baxay bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Saxaafadda Somaliland, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland, waxaanu ka soo shaqeeyey Wargeysyada Xorriyo, Jamhuuriya.

Waxa uu La-taliye dhinaca Saxaafadda iyo Wax-soo-saarka ah iyo tayeynta Barnaamijyada ah ka noqday Horn Cable TV iyo Telefeshinka Qaranka Somaliland, waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Warbaahin badan oo Somaliland hadda ka jirta oo uu fikirkeeda iyo hirgelinteedaba ka qayb-qaatay.

Waxa uu qoray Buugaag badan oo kala duwan, waa ruux kaalintiisu ku bannaanaatay caawa Warbaahinta Somaliland iyo guud ahaanba Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha iyo qoraayada Soomaaliyeed-ba.

Haddaannu nahay Bahda SOMALILANDPOST.NET waxaannu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Axaabta iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ta Somaliland oo aannu leenahay Illaahay Samir iyo Iimaan Saadiq ah ha innaga siiyo Maxamed Maxamuud Kastam, Marxuumkana Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo oo qabriga ha u nuuriyo. Inkasta oo aan weli rasmi loo muddaynin wakhtiga la aasi doono, balse waxa suuragal ah in maalinta Berri ah haddii Illaahay yidhaahdo Marxuumka si weyn loogu aaso magaalada Hargeysa ee uu caawa ku geeriyooday.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories