HomeMiyaa tacabkii horeetiyo xasuustii laga tagaa?! – W/Q: Ridwaan Mubaarig

Miyaa tacabkii horeetiyo xasuustii laga tagaa?! – W/Q: Ridwaan Mubaarig

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

RIDWAANUbaxii xusuusteen ifka ugu jeclaayey

Tii aan habloo idil iyada uun ka doortee

Axdigaan lagalayiyo oofinaysay wacadkaay,

Weligay ismaan odhan uurkaygana

kumay jirin xumee ooridaadee

amarkaa qornayee isa seega nagu dhacay waa amuur inaga weyne,

Inkastoo daba iyo olol Aqalkeenii lagu shiday

Inkastoo dhexdeenii Buur adagi ku xidhan tahay

Misna anigu sidii baan kugu uur fayoobahay

Indhahaygu sidii bay ilmada kugu qubayaan,

Alle way u fududahay mar in aanu kulane

 Sidii baan ayaankiyo calafka  u sawiraayaa

Rabigaya ma eexdee sidaan amaanada eebbe ugu kalsoonaha…..<lafoole>

Yaab! Waxaan marnaba iga guuri doonin qalbigayagana ka go’ayn, heerka aad naftayda ka gaadhsiisan tahay iyo gashiga aad igu leedahay oo hubaashi noqday kuwo aan markasta oo aad iga fog tahay midhahooda ku tamariyo.

Waa qoraal duculdiisu tahay in aan ku cabiro fikirkayga ku aadan’ dareenka jacaylka oo aan hubaashi odhan karno waa raadka keliya ee maanta hadii in badan oo dadka mucaashiqiinta ah  la weydiina lahaa ay ku wadh-wadhan lahayeen aragtidooda ku eeg dareenkoodan.

Waase amar illaah in jiritaanka dareenkani noqdo mid ka mid ah caadifadaha bani’aadamka iyo weliba raadadaka uu katago oo noqda kuwo ku laxaadsada qalbiyada aadamaha isla mar ahaantana nolosha la’aantiii aanay lahayn wax dhadhan ah.

Waxaan marnaba dhicin in aad qalbigaaga ka qolof rido jidhfihii jacaylkaaga ee waayo’ kugu sidkanaa ha ahaato mid kula nool, ka fogba ama waayuhu idin kala meeray. Waase arrin layaab mudan in aad markasta aad ahaato qof ku nool ama u nool shaqsiyaad niyadiisu raacday.

Waxa xasuusta da’yar badan oo maanta la nool daareenkan marnaba ka sal guurin inay nafahooda ku maweeliyaan xasuusta dareenkooda iyo qofkuu u galay oo run ahaantii la odhan karo waa jidka keliya ee rajo nololeed ku abuuri karaan iyo si waarida dareenkooda nafsi ahaaneed ee ku waajahan inay unkaan nolol ku salaysan haadafkooda himileed ee ku aadan’ hiigsigooda mustaqbaleed.

Waxanu ognahay in waxkasta oo dareen ahaan kugu weyni uu wax ka bedel ku abuuri karo hab-dhaqankaaga guud iyo weliba nooca shaqsiyadeedka aad tahay, waxa laga yabaa in si waarida dareenkani u ugu danbeynta wax weyn ka bedeli kara hab-dhiska shaqo ahaneed ee xubnahaaga qaarkooda.

Isbedelkaaga guud ee ku dhaca dareenkaga ayaa waxa uu raad kaga tagaa qaligaaga isagoo markasta kuu nugleeya isla waqtigaa waxa kugu weyn ee aad tebayso, waa hubaal in markasta aad tahay qof wuxuun ay ka dhiman yihiin sida ku cad aragtiyahay dadka qaar ay ka qabaan daareenkan.

Waxa inbadan da’yarta qaar ka muuqata in sii sugnaanshiyaha jacaylkooda ay u arkaan mid ay kaga reeyaan dhib kasta oo lasoo gudboonaata maxayeellay waa gaboodka keliya ee ku weheliya noloshooda, waana sahayda keliya ee ay kaga gudbaan hayaanka dib u xoreynte ruuxa ku weyn laabtooda.

Yaab! Waxaan marnaba lama huraan igu noqotay in aad xasuustayda ka guurtid, adigoo og sidan markasta kugu uur samahay, marnaba lagama yaabo in aan kaa jiidh go’o adigoo ifka nool.

Waa dareen qotadiisu ku lib-dhan tahay laaxad qof dareenkani saameeyey, waa raad hubaashii aan marnaba dadka mucashaqiinta ah ka maydhmin laakinse waqtigu macalinkooda yahay siduu doonan kayeelo waayo qoraalada alle waa kuwo aan marnaba ka baaqan dhicidooda iyagoo ujeedadoodu tahay mid alle uun og yahay.

Ma dhaba in jacaylka kowaad uu yahay mid aan la hilmaami Karin?

Haa laakinse waxa badanaa ay sidani u dhacaysaa waa dareen qotada ku haya dhawr arrimood oo aan filayo in dad badan oo mucaashaqiin ahi ay ila qabaan waxaana ka mid ah;

  • In qofkaasi yahay mid markiisii horeba hilow kugu hayey dabadeedna nasiibku isku kiin keenay, taasina ay xusuus kaga tegi karto.
  • In qofkani yahay qof noloshaad gacan ka geystay  waqtina u huray sidii aad isku hanan lahaydeen laakinse waayuhu idin kala irdheeyey, tanina ay xasuus kaga tagto.
  • In qofkani uu yahay qof aad nolosha wada qaadateen ahaana tiir ka keliya ee aad u arkaysey in ay noloshaadu ku dhisan tahay hasa-yeeshee waqtigu idin kala qaaday xasuusteeduse ayhuri weyday

Iyo qaar kaloo badan oo kugu kelifi kara inaad kaba go’I weydo qofka keliya ee noloshada jacayl ahaan kugu horeeyey , dareen dhab ahaan kuugu qaalisana, nolol ahaan kugu wanaagsanaa iyo in aad ooridiisa ama saygiisa noqotana aad u arkaysay waddad keliya ee aad nolol farxad, rayrayn, riyaaq, ku dhisan ka heli karto. Taasina ay tahay qofkaas oo qudha inuu ku siinkaro nolosha waxaad uga baahneyd.

Waa yaabe! Waxaan ku hibeeyey naftayda sidii aan ogaa in aad weligaa macayga ahaan doono, waxaan kugu sidkay niyadaydii sidii aad ii ahaan doonto gabood ay dugsan doonto weligeed, waxaan ku huray qalbigaygii sidii aad wehelkiisa ahaan doonto intaanu waqtigu inoo iman amase layna oofsan, ku hiloobaye maxaan tallow kaga go’I waayey?

Waxaad uga go’I weyday waxay tahay;

Waxaad aamintay in noloshaaduba ay tahay qofkaas oo keliya, miirkaaguna yahay mudankaas/mudantaas oo qudha, anfac iyo muud la mirtana ay tahay midhahaa kuu muuqda ee kuu saran qalbigaaga.

Yaabane wuxuu inta ku sii daray! Waxaan kugu aaminay noloshaydii si aan mar uun u helo jacaylkaan kula damcay in aan wada abuurno si wadaag ahna hoobaantiisa u wada dheefsano, wadadaan dooranayna uwada marno inagoo ka mideysan hayaankeeda iyo hamuunteeda labadaba.

Waa arrin layaab mudan in aad aragto qof niyadiisuba ay tahay qof kale, qof farxadiisa iyo murugadiisuba ay tahay mid ku xidhan ruux kale, iyo inaad ahaato qof markasta ku nool xasuus ay kugu reebtay qofkay niyadaadu raacday.

Waa dareen runtii ayna mudnayn in lagu dheel-dheela waayo qof niyadiisiiba kuu huray muxuu kala hadhay oo maanta baqi u noqon kara maadama aad adna kula dhib yaraatay isna/iyadna ay dhab ka tahay.

Waxaan filayaa in hadii aad isaluugto ama aad yaraysato qoraalkaygan in dhacdooyinkan oo muuqaal ah aad ka dheehan karto dhalinyarada kugu gadaaman ee ku nool nolosha kugu xeeran iyadoo dhacaysa waqtiyo isla waqacaas ay ku sugan yihiin ka turjumaysa.

Waxaan qoraalkaygan gaaban ku soo afmeerayaa;

Yaabaye ma ila yaabteen!!! Waxaan ahay qof markasta laabtiisa aanad ka madhneyn kugu xusayna qaybo kamid ah waaxyihiisa qaaliga ah, waxa lama huraan igu noqotay in aan kugu hamiyana igu dhalisay waa daareenkan kuu qabo ee muuqaalkaygii qayiray, maankaygiina murgiyey, miyirkaygiina miray, musoodkaygiina midigtaada ka yeelay hodaney.

 

Allaa Mahad Leh…

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Email: ridwaan_99@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories