Home"Milyan iyo badh baa Hargeysa ku nool ee waa inoo nadaafad iyo...

“Milyan iyo badh baa Hargeysa ku nool ee waa inoo nadaafad iyo qof walba” – Madaxweyne Muuse Biixi oo Shacabka kala Qayb-galay Ololaha Nadaafadda (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka Hargeysa kala qaybgalay Olole ballaadhan oo dhinaca nafaafadda ah, kaas oo laga hirgeliyey degmooyinka kala duwan ee caasimadda.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta dawlada Hoose oo uu ugu horreeyo maayarka caasimaddu iyo  xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa  boqollaal katirsan shacabka degmooyinka kala duwan ee caasimadda kala qaybgalay ururinta qashinka  iyo dedaallada  ay ku nadiifinayaan jidadka, togagga iyo shaaracyada magaalada oo saaka hiirtii hore bilaabmay.

blankMadaxweynaha iyo xubnaha wehelinayaa waxa iyaga oo ku qalabaysan agabka kala duwan ee qashinka lagu guro ay gacmaha ula tageen xashiishkii yaallay degmooyinkii ay saaka gaadheen ee ololaha nadaafaddu ka socday, waxana ay bulshadii ay halkaas kula kulmeen ee shaqaynayey ku dhiirrigeliyeen inay dedaalkooda nadaafadeed libinlaabaan, magaaladana ka dhigaan mid nadiif ah.

Ugu horrayn maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo qayb ka ahaa ololaha saaka oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha  iyo masuuliyiinta dawladda ee la socotay uga mahadnaqay sida ay ugala qaybgaleen ololaha nadaafadeed ee ay shaaciyeen, waxana uu tilmaamay in imaatinka madaxweynuhu sharaf iyo dhiirrigelin u tahay shaqaalaha dawladda Hoose iyo guud ahaanba shacabka caasimadda ku dhaqan, waxana uu yidhi,“Madaxweyne haddaanu nahay dawladda Hoose ee Hargeysa waxa noo sharaf ah in adiga iyo golahaagii wasiirradu aad nala joogtaan oo aad qashinka gacmaha ula tagtaan, tanina waa dhiirrgelin weyn, waxaana ay dhiirrigelin u tahay shaqaalahayaga iyo dadweynaha reer Hargeysa ee usoo diyaar-garoobay inay magaalada nadiifiyaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kadib markii uu shacabka kala qaybgalay gurista qashinka halkaas ka hadlay,  ayaa bulshada usoo jeediyey inay xil weyn iska saaraan nadiifinta magaalada, gacmahana isu qabsadaan sidii ay caasimadda Hargeysa ugu dhigi lahaayeen mid magaalooyinka dhiggeeda ah la tartanta, kana faa’iidaystaan xooggooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “17 wiil oo aynu dooranay wax badan qaban kari maayaan oo way ordi doonaan, wayna daali doonaan, Milyan iyo badh baana Hargeysa ku nool, dadkaana ka hurda inay ololaha nadaafadda ee waa inoo nadaafad iyo qof walba.”

Madaxweynuhu waxa uu hogo-tusaaleeyey sida loogu baahan yahay in qorshe cad oo qaran laga yeesho qashinka, si loo yareeyo dhibaatada nololeed iyo midda biliceed ee uu bulshada ku hayo,“Dawladda Hoose iyo ta dhexeba waxa ku waajib ah inay diyaariyaan habkii qashinka loo ururin lahaa ee loo maarayn lahaa oo ah in marka hore in la qabto oo meelo yaryar lagu ururiyo, kabacdi la isu geeyo iyo sidii loo tirtiri lahaa iyo marka xataa la baabi’inayo inaanu dhibaato inoo keenin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories