HomeMilitary-ga Sudan oo La Wareegay gacanta ku haynta Xarunta warbaahinta Dowladda

Military-ga Sudan oo La Wareegay gacanta ku haynta Xarunta warbaahinta Dowladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Khardoum (SLpost)- Ciidanka Sudan ayaa sheegay in ay la wareegeen xarunta warbaahinta dawladda ee Magaalada Omdurman oo ay gacanta ku hayeen xoogagga mucaaradka ee RSF, taas oo muujinaysa horumar la taaban karo oo xoogagga dowladdu ka gaadheen dagaalka.

Magaalada Omdurman oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan waddanka Sudan, kana tirsan gobolka gobolka Caasimadda Khardoum, ayaa ku taalla dacalka Galbeed ee Webiga Nile-ka.

Qabsashada dhismaha Warbaahinta Dowladda ee Omdurman, ayaa timid ka dib dagaallo culus oo bilo ka socday agagaarka xarumaha ciidamada, buundooyinka, iyo waddooyinka saadku maro ee gobolka caasimadda Khardoum.

Inkastoo dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku baaqay in la joojiyo dagaalka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddana waxa wali socda dagaallada labada dhinac, iyadoo kooxda RSF soo dhaweysay xabbad joojinta balse waxa ku gacan-saydhay Taliyaha Militariga Suudaan ku gacan-saydhay.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanku waxa ay ku guulaysteen in ay waxoogaa guulo ah ka gaadhaan Magaalada Omdurman, iyaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda Ciidamada Cirka iyo madaafiicda culus ee ay u adeegsanayaa ciidamada lugta ee Kooxda RSF.

Gacan ku haynta ciidanka ee dhismaha warbaahinta dawladda, waxay kor u qaadday awood ay kor ugu sii socon karaan gudaha qaybta qadiimiga ah ee Magaalada Omdurman, inkasta oo RSF ay wali gacanta ku hayso koonfurta iyo galbeedka magaalada.

Goob-joogayaal ayaa ku waramaya in ciidamadu ay diyaarado Drones ah geeyeen Magaalada Omdurman si ay dib ugu soo ceshadaan goobihii laga saaray, inkastoo aanay jirin weerar celin ka timi dhinaca kooxda RSF-ta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories