HomeMilitariga Masar oo dalxiisayaal dilay

Militariga Masar oo dalxiisayaal dilay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Masar(SLpost)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa sheegeysa in 12 qof oo ay ku jiraan dalxiisayaal u dhashay dalka Mexico si khalad ah loogu dilay hawlgal ka dhan ah mintidiinta oo milatariga iyo booliska dalkaasi ay ka fuliyeen lama degaanka ku yaal galbeedka dalkaasi.

150914020226_cn_egypt_army_512x288_reuters_nocredit

Bayaan ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalxiisa-yaashu ay ku sugnaayeen dhul ka cagagan in la galo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay sheegtay in dalxiisayaasha u dhashay dalka Mexico ay ku safrayeen kolonyo baabuur ah.Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban boolis iyo milateri ayaa xilligaasi waxa ay goobta uu shilka ka dhacay ku baacsanayeen kooxo mintidiin ah.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ciidamadu ay si kama ah u bartilmaameedsadeen dalxiisayaashani oo ku sugnaa aag ka caaggan in la galo, waxaana la billaabay baaritaan ku aadan arrintaasi.

Lamadegaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi ayaa caan ku ah dalxiisayaasha balse sidoo kale waa meel aad u soo jiidata kooxaha mintidka ah.Waana halka laga galo xudduudda dheer ee dalkaasi uu la wadaago dalka Liibiya, halkaas oo hubka uu aad ugu badan yahay.

Shalay oo Axad ahayd ayaa kooda Dowladda Islaamiga ah ee dalka Masar waxa ay sheegtay in ay iska caabisay hawlgal milateri oo ka dhacay dhulkaasi saxaraha ahi.Sidoo kale koox sheegatay in ay xiriir la leedahay kooxdaasi Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay in ay ku sugun tahay aagaasi oo u dhow xudduuda dalka Liibiya.Inkastoo kooxaha kacdoon wadayaasha ahi ay inta badan weerarro ku bartilmaameedsanayeen booliska iyo milateriga ku sugan gacanka Siinaay, haddana waxaa u suurtagashay in ay weerarro culus ka geystaan lama degaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi Masar.

Ugu yaraan 21 askari ayaa halkaasi lagu dilay bishii Luulyo ee sanadkii tegay kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ciidamadu u tiilay jid-gooyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories