HomeMilicsiga Weedho Ay Madaxweyne Cigaal, Siilaanyo, Cirro iyo Hal-doorku Ku Gorfeeyeen Xaaji...

Milicsiga Weedho Ay Madaxweyne Cigaal, Siilaanyo, Cirro iyo Hal-doorku Ku Gorfeeyeen Xaaji Cabdi Xuseen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Akdamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ERA oo soo saaray diiwaanka SAMO-TALIS: Taariikhda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf waxa uu bogaadin u dirayaa guddida guurtida, golaha wakiillada, xukuumadda iyo shacbi-weynaha Somaliland ee ku faraxsan xallinta khilaafkii ka oognaa Golaha Wakiillada oo maanta si rasmi ah loo soo af-jaray.

Bogaadin gaar ah waxa aan u jeedinayaa Odayga Somaliland ee Xaaji Cabdi Xuseen oo kaalin weyn ka qaatay xallinta maandhaafkii ka aloosmay wakiillada oo mar kale taariikhda geli doona… Waxa aannu soo tebinaynnaa weedh-maamuuseedka ay qaar ka mid ah hal-doorka Somaliland ka yidhaahdeen shakhsiyadda Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida: Xaaji Cabdi

“Somaliland waxa ay Soomaaliya dheer tahay Xaaji Cabdi”. Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Xaaji Cabdi waa shaqsiyad qaran”  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Xaajigu waa odayga qarankan” MarxuumAxmed Maxamed Qaybe

“Waxaan ku arkay Xaaji C/Kariin Xuseen nin af-tahamo ah, hal-adag, xaqana aan ka waaban, ku caddeeya dadka oo runta ka sheega” Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax

“Kaalinta uu Xaaji Cabdi Somaliland ugu jiraa, waa kaalin aad iyo aad u qiimo badan. Waana nin wax-garad ah, waa nin af-tahan ah, waana nin muddakar ah, oo waayo-arag ah”.Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Xaaji Cabdi waa nin guurti ah oo nabadda ka shaqeeya, waxaanan u aqaannaa “mucjiso”, waxaanan idhaahdaa Xaaji Cabdi dhiman maayo illaa inta Somaliland la aqoonsanayo”, Axmed Yuusuf Yaasiin

“Runtii Xaajigu waayo-aragnimo badan ayuu leeyahay, in badan ayuu soo jiray, ma filayo in ay jirto cid ka waayo-aragsan oo Somaliland joogta ama dhanka nabbada ha noqoto, ama dhanka dhaqanka ha noqoto”, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

“Xaaji Cabdi waa nin aad u maskax badan, inkasta oo aanu iskuul dhigan, haddana siduu wax u dareemo iyo sida wax uga bixiyo aragtidiisa waa mid qurux badan oo waayo-aragnimo badan ku salaysan”, Aqoonyahan Maxamed Siciid Gees.

“Xaajiga dhawr shay oo aanu Ilaahay dadka wada siinnin ayuu siiyay, sida caafimaad iyo cimri dheer, xusuus qayru caadiya, af-tahamo qayru caadiya, dadka in isla heshaaba way yar tahay”, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

“Xaaji Cabdi  waxa uu ku caan-baxay nin nabadeed, illaa markuu yaraa ee uu iska diidday in u dilo ninkii lagu tuhunsaana in uu aabbihii dilay”  Faysal Cali-Waraabe

“Wuxuu caan ku yahay nabadda. Sooyaalkiisa iyo taariikhdiisa nololeed wuxuu ka bilaabmay wakhti adag, sida la ii sheegay markii aabbihii la dilay halkii colaad ka qaadan lahaa wuxuu ka qaatay nabad, illaa imakana wuxuu ku sifoobay inuu Somaliland oday nabadda ku suntan uu yahay” Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

“Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe) waa odayga odayada reer Somaliland. Wuxuu taariikhda ku gelayaa doorkii uu nabadda ka soo ciyaaray ee ay Somaliland ku samaysantay. Waa af-tahan iyo tiir ay Somaliland xusi doonto weligii”. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories