HomeMilicsiga Weedhihii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhaliilay Safarkii Rayaale Ee Maraykanka Iyo...

Milicsiga Weedhihii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhaliilay Safarkii Rayaale Ee Maraykanka Iyo Is Barbardhiga Labadii Wefti Ee Ay USA U Kala Kaxaysteen 2008 & 2013

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Slpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu inta badan u baxaa safaro dibadda ah, waxaana safaradiisa ku weheliya wasiiro ka kooban xukuumadiisa, kuwaas oo mararka qaarkood dhan keliya ka raran, marka loo eego saami-qaybsiga beelaha Somaliland.

1

Wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee uu talada hayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo madaxweynahaas hore ku dhaliili jiray inuu safarada dibadda u kaxaysto wasiiradiisa oo keliya.

Waraysi uu 22 January 2008 siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu Axmed Siilaanyo oo mucaarad ahaa madaxweynihii hore ku dhaliilay in safar uu ku tagay dalka Maraykanka uu kaxaystay wasiiradiisa oo keliya,  waxaanu kula taliyay in mar haddii uu u baxayo qaddiyadda madaxbanaanida Somalilnd uu kaxaysto wefti sal balaadhan oo aan ku koobnayn xukuumadda oo keliya.  “Afrika waxa lagu wada yaqaanaa wax iska soo wada horjeeda, may ahayn inuu saddex afar qof oo wasiiiradiisa ah kaxaysto ee waxay ahayd inuu asxaabta mucaaradka ah kaxaysto, inuu guurtida wax ka kaxaysto, waxay ahayd inuu Baarlamaanka ka kaxaysto oo uu sawir qaran oo wada jir ah muujiyo.” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas.

Yaa wakhtigaas Rayaale Raacay?

Weftiga uu Axmed Siilaanyo wakhtigaas dhaliilayay ee la socday Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waxay ka koobnaayeen shan wasiir oo xukuumadiisa ka tirsanaa, ka sokow wasiiradiisa, waxay xubnaha weftigu bixinayeen sawir muujinaya gobalada Somaliland oo dhan, waxaanu weftiga uu Rayaale hoggaaminayay ahaayeen

1. Wasiirkii arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale

2. Wasiirkii Cadaaladda Axmed Xasan Casoowe

3. Wasiirkii caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed

4. Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed Xaashi Cabdi

5. Wakiilkii Somaliland Dr. Sacad Sheekh Cismaan oo Washington kaga biiray

6. iyo xaaska madaxweynaha Huda Barkhad Aadan.

Shan sannadood ka dib wakhtigaas uu Axmed Siilaanyo weftigaas Rayaale dhaliisha u jeediyay, wuxuu isagoo madaxweyne ah  bishii April 2013 safar ku tagay isla dalka Maraykanka ee uu Rayaale 2008 tagay.

Yaa Maraykanka u raacay Axmed Siilaanyo?

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, safarkiisii uu 2013 ku tagay dalka Maraykanka, waxa raacay wasiiradiisa xubno ka mid ah, oo dhammaantood ka soo jeeday Beelaha Isaaq ee uu madaxweynuhu ka soo jeedo, waxaanay weftigii madaxweyne Siilaanyo ahaayeen

1. Wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar

2. Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Wasiirul dawlihii maaliyadda Cismaan Saxardiid (Cadaani)

4. Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale

5. Wakiilka Somaliland Rashiid Gaaruuf oo isna kaga biiray Washignton

6. iyo xaaska Madaxweynaha Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde

Bal akhriste, isu eeg labadaas wefti ee ay dalka Maraykanka u kala hoggaamiyeen Madaxweynihii hore iyo madaxweynaha maanta talada hayaa.

Haddaba, miyaanay ahayn in Madaxweyne Siilaanyo u fikiro sidii uu maalintaas u fikirayay oo uu xisbiyada mucaaradka iyo labeenta kale ee Somaliland ka qayb geliyo safaradiisa uu dibadda ugu baxayo si safaradiisu u noqdaan kuwo leh muuqaal qaran oo u qanciyo dunida uu la soo kulmayo.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories