HomeMilatariyaynta Ciidanka Booliska: Halis kale oo hor leh

Milatariyaynta Ciidanka Booliska: Halis kale oo hor leh

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blank28-kii Maarij, 2019-kii ayuu madaxweyne Biixi taliyaha guud ee ciidanka Asluubta u magacaabay Axmed-Libaax oo hore u ahaa abaanduullaha koowaad ee Ciidanka Millatariga.

Qiyaastii sagaal dharaarood ka hor geeridii Taliye Fadal ayuu madaxweyne Biixi u magacaabay Faarax Mire taliye ku-xigeenka koowaad ee ciidanka booliska. Taliye Faarax wuxuu hore uga tirsanaan jiray ciidanka Millatariga, markii u dambaysayna wuxuu ahaa hoggaanka hawl-gelinta Milatariga. Waraysiga uu TV-ga Bulsho la yeeshay taliye ku-xigeenkan shalay xilka laga qaaday wuxuu si toos ah taliyahaasi u sheegay inay ciidanka Millatariga iyo kuwa boolisku kala duwan yihiin, balse uu dedaalkiisa isugu geyn doono sidii uu ula qabsan lahaa xirfaddan aanu aqoonta u lahayn ee boolisnimada.

Shan iyo toban cisho kama ay soo wareegin kolkii shalay taliyaha guud ee ciidanka Booliska loo magacaabay Maxamed-Dabagale oo isaguna ka tirsanaa ciidanka Millatariga. Maxaa ka dhalan kara in la Millatariyeeyo ciidanka booliska?

Inta badan xukuumadaha kalitaliska ah boolis kama jiro, ama wuu jiraa ee wax awood ah ma laha, waxa qudha ee la yaqaannaana waa ciidanka Millatariga. Siyaad Barre kalitalisnimadiisa wuxuu ka bilaabay inuu tirtiro awoodda ciidanka booliska oo ah ciidan u tobabaran dhawridda bulshada iyo ilaalinta xuquuda muwaadinka iyo madaxbannaanidiisa, kaliya boolisku waxay u jireen uun magac ahaan. Afweyne wuxuu awooddii isugu soo ururiyay Millatari isu baxay oo qudha, kuwaasi oo ahaa qalabkii uu u adeegsaday cabbudhintii muwaadiniinta iyo inuu sida ugu xun ugu takrifalo xuquuqdooda.

Ciidanka boolisku maadaama oo ay u tobabaran yihiin inay ixtiraamaan xorriyada muwaadinka iyo xuquuqdiisaba, way adag tahay in loo adeegsado cabudhinta bulshada, si ay suuragal u noqoto cabbudhintaasi waa in la tirtiraa awoodda ciidanka booliska iyada oo magaca booliskana loo isticmaalayo waraabe-u-taag ahaan, dalkana la isugu soo reebaa ciidan Millatari oo aan waxba kala socon xaqa muwaadinka iyo dhawridda madaxbannaanidiisa midnaba, kuwaasi oo suuragal ka dhigi kara inuu abuurmo jawiga is cabbudhinta iyo isku tumashadu.

Madaxweyne Biixi wuxuu si aan gabbasho ku jirin u bilaabay tallaabooyin uu ciidanka ugu qaabaynayo hab uu ku cabbudhin karo muwaadiniinta, xuquuqdoonana ugu tuman karo. Waa tallaabooyin uu ku hiigsanayo inuu abuuro ciidan magac ahaan boolis ah, balse run ahaan Millatari ah. Booliska waxa loo tobabaraa inay maxkamado iyo sharci mariyaan cidda ka hor timaadda, halka Millatariga looga tobabaro inay gacantooda ku toogtaan cidda ka hortimaadda. Waa tan sababta runta ah ee uu Biixi u millatariyaynayo ciidanka booliska.

Si uu madaxweyne Biixi u marinhabaabiyo bartilmaameedkiisa ah in ciidanka booliska uu Millatariyaynayo, wuxuu iyagana qas ka dhex abuuray ciidamadii kale ee qaranka. Tusaale ahaan, taliye Fooxle oo ahaa taliye ku-xigeenkii hore ee booliska wuxuu u beddalay taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta. Sida oo kale qaar ka mid ah hoggaankii hore ee ciidanka Asluubtana wuxuu beddalay ciidanka Badda.

Ixtiraam badan ayaan u hayaa idil ahaan ciidamada kala duwan ee qaranka oo duruufo adag inoogu shaqeeya, balse waynu wada og nahay in aynaan shaandhada baastada  u adeegsan karin inay shaaha inoo kala miirto. Labadooduba waa shaandho, balse mid waliba meel buu ku habboon yahay.

Qore: Maxamed Sharma’arke
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories