HomeMilatariga Ethiopia oo Boqolaal Qof u xidh-xidhay Isku-dhacyo sababtay Barakaca Malaayin Shacab...

Milatariga Ethiopia oo Boqolaal Qof u xidh-xidhay Isku-dhacyo sababtay Barakaca Malaayin Shacab ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis Ababa (SLpost)- Ciidammada Itoobiya ayaa dejiyey Iska hor-imaadyo dhex maray Qoomiyaha Axmaarada iyo Benishangul Gumuz ee dalka Itoobiya, ka dib markii halkaa la geeyay.

 

Iska hor-imaadyada labada Qoomiyadood ayaa la rumaysan yahay inay ku naf waayeen Dad gaadhaya laba Boqol Qof, sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ah.

blank

Laakiin, Hawl-gallo ay sameeyeen Ciidammada Millateriga Dalka Itoobiya ayaa xal u noqday in xaaladdu degto, iyadoo dedaallada noocan ay ka qayb-qaadanayeen Masuuliyiinta Gobollada Amxaarrada iyo Benishangul Gumuz, kuwaasi oo isku dayey sida la sheegay in Iska hor-imaadyadan dhimashada sababayaa aanay sii fidin.

 

Toddobaadyadan, Amxaarrada oo ah ta ugu badan ee tiro ahaan ku xigta Oromada, ayaa weerarraysay Qoomiyadah ay ka mid tahay the Benishangul.

 

Dhan kale, Guddi uu Baarlamaanka Itoobiya Magacaabay ayaa caddeeyay in Dad gaadhaya lix boqol oo Qof loo xidhay inay ka qayb-qaadanayeen Iska hor-imaadyada Qoomiyadaha Dalka Itoobiya ku wada nool, iska hor-imaadyadaa oo sababay inay sanadkii u dambeeyay baro-kacaan Malaayiin Qof oo Itoobiyaan ahi.

 

Muferiat Kamil oo ah Wasiirka Nabadda ee Itoobiya oo soo bandhigtay Deraasad ay sameeyeen Guddiga Baarlamaanku u Magacaabay inay baadhaan arrintan, ayaa sheegtay in 400 Qof oo Lixda boqol ka mid ah oo looga shakisan inay door ka qaateen hurinta iska hor-imaadyada Qoomiyaha ay Maxkamaddu kiiskooda dhegaysanayso.

 

Wasiiraddu waxa kale oo ay xustay in Masuuliyiinta Gobollada Itoobiyaqaarkood ka cago-jiidayaan inay soo qabtaan Dadka looga shakisan yahay inay ka qayb-qaateen rabshadaha Qoomiyaha, iska hor-imaadyadaasi oo sababay in Dad badan Gudaha Dalkooda Itoobiya ku dhex barakacaan.

 

Tiro ku dhow 2.5 Milyan Qof ayaa ku baracay iska hor-imaadyada Qoomiyadaha Itoobiya, waxaana Guddiga Baarlamaaniga ahi booqday 27 Xeryo ku meel-gaadh ah, waxayna deraasad ka sameeyeen Gobollada Tigrey, Amhara, Oromia iyo Gobollada Koonfurta ku yaalla.

 

Dadka Colaaduhu baro-kiciyeen 1,477,720 ka mid ah waxay ka baro-kaceen Gobolka Oromada, halka 873,272 kalena ay ka baro-kaceen Gobollada Koonfurta,sida Telefiishanka HCTV uu ka soo xigtay Warbaahinta Itoobiya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories