HomeMilatariga Dalka Nigeria oo Laayey Maxaabiis tira-badan iyo Sababta ay dileen

Milatariga Dalka Nigeria oo Laayey Maxaabiis tira-badan iyo Sababta ay dileen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Abuja (SLpost)- Dad Shacab ah oo ay Ciidammada Millateriga dawladda Nigeria qabqabteen, isla markaana markii ugu dambaysay u qaadeen meel Xabsi loo malaynayey, ayaa Meydadkooda laga helay magaalo ku taalla Waqooyiga Bari ee dalkaas.

Ugu yaraan 18 qof oo ay xidheen Ciidammada dawladda Nigeria, ayaa la helay Meydadkoodii saacado ka dib markii loo qaaday Xabsi ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalkaas, sida ay caddeeyeen qaar ka tirsan dadka ku nool magaalo lagu magacaabo Potiskum.

MAXAABIISTA LAGU LAAYEY NIGERIA“Dhammaam Meydadka waxaa ku yaallay jidhkooda Rasaas lagu dhuftay iyo dhaawacyo Middiyo la gelgeliyey,” sidaa ayey yidhaahdeen qaar ka tirsan dadweynaha ku dhaqan magaaladaas oo Warbaahinta la hadlay ka dib markii ay is-dul-taageen Meydadka 18-kaas qof ee Maxaabiis ahaanta Ciidammada dawladda Nigeria u qaadeen. Ragga la laayay ayaa lagu eedeeyay inay xubno ka yihiin Kooxda Islaamiga ah ee Boko Xaraam oo dagaal hubaysan kula jirta dawladda Nigeria.

Millateriga dalka Nigeria ayaa diiday oo iska fogeeyay ku lug-lahaanshaha dilka 18-kaas Ruux, waxaanay ku doodeen inay siiddaayeen in ka badan 40 qof oo looga shakiyay inay xag-jiriinta ka mid yihiin. Hase-yeeshee, Laba qof oo dadka deegaanka ka mid ah ayaa BBC-da u sheegay inay xaqiijiyeen 18 ka qof ee la dilay oo ay Meydadkooda is-dul-taageen.

Dadka Deegaanku waxay intaas ku dareen in Ragga oo dhan la xidhay maalintii Arbacada, xilli ay Millaterigu halkaas ka sameeyeen hawlgallo Ciidan oo dadkaas ay ku qab-qabteen. Kalkaaliye Caafimaad oo arkay Meydadka 18-ka qof, ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP ay ka soo xigatay in Meydadka ay halkaasi geeyeen Ciidammada Millateriga dawladda Nigeria.

Wakaaladda AFP, ayaa sidoo kale tilmaamtay in dadka halkaasi deggan ay aammisan yihiin in sababta dadka loo dilay ay tahay inay ka soo jeedaan Qowmiyadda Kanuri oo ah dadka ugu badan ee Kooxda Boko Xaraam ku jira ama ka tirsan. Waxaana lagu macneeyey dilkan Millaterigu u geysteen dadkaasi inuu yahay mid Aar-goosi ah oo lagu xanuunjinayo dadka u badan Kooxda dawladda dagaalka kula jirta ee Boko Xaaraam.

Dawladda Nigeria, ayaa bishii hore sheegtay inay heshiis xabbad-joojin iyo siiddeynta Maxaabiis la kala haysto ah la gashay Kooxda Boko Xaaraam, isla markaana ay dawladdu saxeexday heshiis dhigaya inay Kooxdu siiddeyso 219 Hablo Ciyaala-iskuul ah oo ay Boko Xaaraam lix bilood ka hor ka afduubeen Dugsi Boodhin ah oo ay Gabdhahaasi wax ka baran jireen oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka Nigeria.

Hase-yeeshee, Kooxda Boko Xaaraam, ayaa beenisay warkaas, isla markaana sheegtay inaanu jirin haba-yaraadee wax heshiis ah oo ay dawladda Nigeria la galeen, sidoo kalena aanay siiddeynaynin Gabdhaha 219-ka Tiradoodu tahay ee ay Afduubka ku haysteen muddada lixda bilood ka badan, iyaga oo sheegay inay Muslimiyiin Hablahaas oo ay DIinta Islaamka barteen, wakhtiganna yihiin Xaasaska Mujaahidiinta Boko Haram.

Somalilandpost.net

somalilandpost[at]live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories