HomeMilatariga Al-Qasam oo Gacanka ku dhigay Sarkaalkii labaad ee Ciidamada Israel, Laba...

Milatariga Al-Qasam oo Gacanka ku dhigay Sarkaalkii labaad ee Ciidamada Israel, Laba Kalena ka Dilay iyo Khasaaraha Soo Gaadhay Shacabka Falastiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Cairo (SLpost)- Ciidamada Israa’iil ayaa shalay gelinkii dambe dib u bilaabay duqeynta magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta, ka dib markii askari ka tirsan ciidamada la afduubay, wakhti lagu gudo-jiro 72 saacadood oo xabbad-joojin labada dhinac ku heshiiyeen.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeynta ay shalay ka geysteen magaalada Gaza, waxa ku dhintay 100 qof oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza, wax yar ka dib markii la afduubay Askariga ka tirsan milatariga Israel oo baadi-goob ugu jira Askarin oo looga shakisan yahay inay afduubeen dagaal-yahannada Ururka Hamaas.

Askarigan oo lagu magacaabo Hadar Goldin, ayaa la sheegay in lagu waayey hawl-gal ciidamada Israel ku burburinayeen godad dhulka hoostiisa mara oo dagaalyahannada Xamaas ka weeraraan ciidamada Yuhuudda, waxaana halkaas kaga dhintay laba Askari oo kale. Haseyeeshee, ururka Xamaas kama hadal eedaynta Israel ugu jeedisay afduubka Askariga.

Sannadkii 2006-dii ayay kooxda Xamaas sidan oo kale u afduubeen Askari ka tirsan ciidamada Askari oo lagu magacaabo Gilad Shalit, kaas oo gacantooda ku jiray muddo shan shanno ah, balse waxa ay sii daayeen sannadkii 2011-kii ka dib markii ay ogolaadeen inay dhaafsadaan 1,000 ka tirsanaa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada Israel.

Duullaanka Milatari ee ciidamada Israel ku hayaan Gaza, waxa ilaa hadda ku geeriyooday 1,603 falastiiniyiin ah, halka 8,400 oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Dhinaca Israel, tirada Askarta dagaalka kaga geeriyooday ayaa wakhtigan gaadhay 61 askari iyo saddex qof oo shacab ah.

Duqeynta Israel shalay ka fulisay Gaza, ayaa ku soo beegmay xilli lagu gudo-jiray 72 saacadood oo xabbaad-joojin ah, wakhti ay dadka badan oo reer Gaza ahi ku laabanayeen magaalada si ay u hubiyaan in guryahoodu ku burbureen duqeynta Israel.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay inay duqeynta Ciidamada Yuhuudda ee shalay ku geeriyoodeen 53 qof halka 200 kale dhaawacyo ka soo gaadheen, ka dib markii duqeyn loo geystay magaalada Rafah ee oo ku taala Koonfurta Marinka Gaza.

Isra’iil iyo Xamaas, ayaa midba dhinaca kale ku eedeeyey inuu jabiyey xabbad-joojintii lagu heshiiyey.

Afhayeen u hadlay ururka Xamaas, ayaa sheegay in shaacinta warka Askari laga afduubay Ciidamada Israel uu ahaa qorshe Israel ku doonaysay inay ku burburiso heshiiska xabbad-joojinta oo ay ka soo shaqeeyeen Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories