HomeMiisanka Madbacada Qaranka (State Printing Agency) iyo Moogananta Maamulka ka Jira

Miisanka Madbacada Qaranka (State Printing Agency) iyo Moogananta Maamulka ka Jira

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

gadhleMadbacada qaranku waa hayad kamida hayadaha madaxa banaan ee dawlada (Independent agency) waxa lagu aasaasay 1997kii wareegto madaxweyne (Presidential Degree No: 02/97) iyadoo waajibaadkeedu (Mandate) yahay daabacaada dhamaan dhokomentiyada kala duwan ee waaxaha qaranka si loo xafido loona kaydiyo tixraaca dhamaan adeega daabacaadeed ee xaasaasiga ah (Security of Sensitive Printing) ee hayadaha kala duwan ee qaranka taasoo muhiim u ah maamul wanaaga (Good governance), isla xisaabtanka (Accountability) iyo hufnaanta shaqada dawlada (Transparency of Public Works).

Tan iyo markii la aasaasay waxa soo maray 7 maareeye kuwaasoo inta badan shaqadooda ku waayi jiray kacdoono kaga yimaada shaqaalahooda.

Qaab-dhismeedka madbacada qaranku waxa uu u yaalaa sidan:-

MAAREEYE

                                                                                XOGHAYN

MAAREEYEY KU-XIGEEN

AGAASIMAHA MAAMULKA & LACAGTA                        AGAASIMAHA FARSAMADA & WAX-SOOSAARKA
Maareeyaha iyo ku xigeenkiisa waxa magacaaba madaxweynaha, intaa wixii ka danbeeyana maareeyaha ayaa awood u leh magacaabista agaasime waaxeedada iyo cidii kale ee gudaha madbacada xil ka qabanaysaba iyadoo ay ka sii farcamaan sadex madax-qaybeed oo kala ah madaxa shaqaalaha, madaxa bakhaarada iyo madaxa baydhinka (Binding), intaa wixii ka soo hadhaana waa shaqaale caadiya iyadoo guud ahaan shaqaalaha madbacada qaranku tiro ahaan gaadhaan inta u dhaxays 50 ilaa 60 shaqaale ah.

Hadaba qormooyinkan oo aynu si taxane ah ugu soo bandhigi doono macluumaad iyo warbixino ku saabsan madbacada qaranka oo sida aynu tilmaami doono ka hadhay horumarka ay ku faanto dawlada maanta jirtaa ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne siiraanyo runtiina aad moodo haayad xukuumadu si wayn u ilduuftay kuwii madaxda looga dhigayna ay tahli kari waayeen inay sameeyaan nidaam maamul oo leh qorshayaal horumarineed oo lataaban karo isla markaana aan samayn horumar muuqda mudadii afarta sano ahayd ee xukuumadani jirtay, marka laga eego dhinacyada mushahar kordhin la’aanta shaqaalaha, tirakoob la’aanta baahida daabacaadeed ee hayadaha qaranka , curin la’aanta sharcigii madbacadu ku shaqayn lahayd oo aan ilaa imika jirin, horumar la’aanta ka muuqata mashiinada daabacaada oo black and white ah isla markaana aan daabici karayn colour-ka , iskadaa inay hiigsato daabacaadaha casirga ah ee loo yaqaano (digital printing), xafiisyadii gobolada oo aan furnayn.
Sidaa darteed akhristayaal waxa maqaaladeenani si tafatiran u qaadaa dhigi doonaan arimo doora oo kala ah:-
1. Caqabadaha iyo fursadaha (Challenges & Opportunities)
1.1 Caqabadaha (Challenges)
1.1.1 Sharciga
1.1.2 Daryeel la’aanta Shaqaalaha
1.1.3 Farsamada
1.1.4 Maamulka , nidaamka Maaliyada iyo Xisaabaadka
1.1.5 In loo soo celiyo waaxyaha ka maqan ee loogu tagrifalay sida gaarka ah, si loo ilaaliyo sirta daabacaadda ee qaranku leeyahay kuwaasoo ay ka mid yihiin:-
 Liisamada (Driver License)
 Manaahijta waxbarashada (Educational Curriculum)
 Waraaqaha Codaynta (Voters’ Cards)

2. Fursadaha (Opportunities)
2.1 in madbacada qaranku ka faaidaysato baahida daabacaadeed ee dawliga ah (Public) iyo kuwa gaarka ah (Private)
2.2 in madbacada qaranku horumariso qalabka farsamada
2.3 In madbacadu hayso diwaanka baahida daabacaadeed ee hayadaha qaranka
2.4 In madbacada qaranku samayso dib u habayn maamul (Administration Reform) sida:-
 Qaab dhismeedka iyo xil qeexida masuuliyiinta
 Sahaminta baahida daabacaadeed ee hayadaha qaranka
2.5 in madbacadu dajiso siyaasada shaqaalaha taasoo laf dhabar u ah horumarinta wax soosaarka iyo wax qabadka shaqaalaha tusaale ahaan waxa kamida meelaha u baahan in culayska la saaro:-
 Kordhinta mushaharka shaqaalaha si uu u kordho wax soosaarka shaqaaluhu
 Kor u qaadida aqoonta shaqaalaha iyadoo la siinayo tababaro farsamo iyo kuwo maamulba
 Qorida xayn daabka shaqo ee Shaqaalaha si looga fogaado khilaaf ka dhasha xil qeexid la’aanta (Ambiguity)
 Samaynta xeerka anshaxa si loo helo wax u noqda xakame hab dhaqanada aan fiicnayn ee curyaaminaya dhaqaalaha madbacada
2.6 In madbacadu samayso hanti dhawre gudaha ah (Internal Auditor) si loo helo nidaam maaliyadeed oo ilaaliya hantida iyo sida loo kharash garaynayaba

La Soco
W/Q;’ Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories