HomeMiisaaniyadii 2012ka iyo Ta 2013ka: Farqi intee Leeg Baa Jira?

Miisaaniyadii 2012ka iyo Ta 2013ka: Farqi intee Leeg Baa Jira?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Marka  hore Mahad oo dhan aan u celiyo Eebe weyne, Allaha Mohamed Samo ku uumay.

Akhristayaal qalinka waxa aan u qaatay in aan si kooban kelmad uga yidhaa miisaaniyada 2013 ee wasiir C/casiis Maxamed Samaale hor geeyay golaha wasiirada maalintii sabtidii iyada oo inta aanan u gelin miisanayadan 2013 ku noqon doona tii 2012 ee Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

Aniga oo aan ku dheeraanayn waxa aan is barbar-dhigi doonaa miisaaniyada 2013 ee wasiir C/casiis Maxamed Samale   soo bandhigay iyo tii kal hore uu wasiirkii hore Eng. Maxamed Xaashi Cilmi soo gudbiyay, waxyaabaha xukuumadu balanqaaday in ay miisaaniyada ka muuqan doonto ee hadana ka madhan, meelaha ay ku haboonayd in loo kordhiyo kharashaadka iyo meelaha ay ahayd in loo yareeyo.

Wasiirka Maaliyada ayaa tan iyo maalintii uu xilka kala wareegay wasiirkii uu bedelay waxa uu halgan dheer u galay sidii uu miisaniyada u dhaafin lahaa halkii wasiirka hore gaadhsiiyay, iyada oo maqaalkeygani ku koobnaan doono miisaaniyadii Maxamed Xaashi gudbiyay sanadkii hore 2012kii.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ku guulaystay in miisaaniyada Somaliland oo dhaafi jirin $ 70million in uu kor u qaaday isla markaana ka dhigay $106million.

Maxamed Xaashi waxa uu yimid wasaarada oo haawanaysa , wax aduuna ama lacaga oo u yaalina aanu jirin kayd hadalkiiba daa oo dayn baa lagu leeyahay wasaarada, meel aad wax ka bilowdo iyo si aad tidhaa la garan maayo oo xaalku waa Allow sahal dalkuna maraxalad kala guur ayuu galay oo laba dowladood is bedeleen. bal adba.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu markiiba ku guulaystay in uu bixiyo dayntii lagu lahaa shaqo wacana waa uu ka qabtay oo Alle wuu u suurto galiyay waxqabad muuqda oo laga markhaati kacayo.

Inta aanan u gudbin shaxda wasiir samaale aan idiin soo gudbiyo meelaha wasiirkii hore wax ka qabtay:

Eng. Maxamed Xaashi Somaliland Budget 2012

1.       Waxbarashada(Education):

–          Waxa uu free ka dhigay dhamaan dugsiyada hoose/Dhexe ee magaalooyinka Somaliland.

–          Kordhinta iyo tayaynta macalimiin Wasaarada waxbarashada.

–    kordhinta mushaaharooyinka macaliminta (salary)

–          Kabista dakhliga jaamacadaha.

2.       Caafimaadka(Health):

–          Waxa uu markii u horaysay dalka keenay mishiinka kalyaha sifeeya oo ay ku baxday lacag dhan $42000.

–          Waxa uu dakhli kabis u sameeyay shaqaalaha dowlada ee xanuunsada, salaadiinta, cuqaasha iyo dadka bulshada hormuudka u ah.

–          Waxa uu hubin dheeraada (checking) ku sameeyay kharashaadka caafimaad ee madaxda ku baxa, iyada oo tusale aynu u soo qaadanayno in markii uu isagu xanuunsaday (Maxamed Xaashi) uu madaxweyne siilaanyo u diray lacag dhan $10,000 iyada oo Maxamed Xaashi lacagtaasi ka isticamaalay wax ka yar $2000 intii kalena dalka u soo celiyay.

3.       Ciidamada(Army):

–          Ciidamada Qaranka ayuu markuu u horaysay taariikhda u kordhiyay mushaharooyinkii iyada oo uu 100% uga dhigay.

–          Tusaale ahaan, halkii ay ciidamadu ka qaadan jireen SL 300,0000 wax uu gaadhsiiyay SL 600,000 iyada oo korodhsiimadana uu sii wadi lahaa.

–          Gunada ciidamada oo kordhiyay.

–          Dakhli kabis adeega gaadiidka iyo shidaalka ciidamada ah.

4.       Ciyaaraha(sports):

–          Bixinta kharashkii lagu qabtay ciyaarahii gobolada dalka Somaliland.

–          Daryeel  dheeraada oo ciyaartoyda gobolada ah.

–          Bixinta kharashka binaynta garoomo cusub.

–          Daboolida kharashaadka saa’idka ah ee ciyaaraha.

5.       Beeraha (Agriculture):

–          Budget ay leeyihiin beeruhu ayaa  la la dajiyay.

–          Wax soosaarka beeraha, iyada oo markii u horeysayna dalka bariis laga beeray oo uu soo go’ay.

6.       Hay’adaha Madaxa Banaan

–          Markii u horaysay ayuu dajiyay Miisaaniyad (Buget )hay’adaha Madaxa banan loogu talo galay. Hay’adahasi oo kala ahaa;

–           Hay’ada la dagalaanka musuqmaasuqa (Anti- Corruption )

–          Hay’ada tayada cuntada ( Quality Control)

–          Wakaalada Biyaha (Hargeisa Water Agency)

–          Hay’ada wadooyinka ( S/land Road Authority)

Meelaha Kale: (Other Areas)

–           Qaadka oo lagu cashuuri jiray xiligii wasiir Cawil Cali Ducaale Sl 6000 waxa uu ka dhigay Eng Xaashi Sl 9000 si loo yareeyo dakhliga badan ee dalka dibada uga baxaya (Out of Revenue).

–          Waxa uu Eng. Xaashi keenay waxa loo yaqaan Transfer of Export ama Check-and Balance oo hirgashay markii la is waydaarsaday in Ethiopia qaadka inoo keento inaguna (S/land) aynu u dhoofino Milixda iyo Kalluunka.

–          Gaadiidka yaryar oo cashuurta uu ka fudaydiyay.

Development Program Budget: Horumarinta Mashaariicda

–          Waxsoosaarka iyo beeraha

–          Biyo-xidheenada

–          Caafimaadka

–          Waxbarashada

–          Biyaha

–          Wadooyinka

–          Ganacsiga

–          Tamarta iyo shidaalka

Waa meelaha uu wax ka qabtay Wasiirkii hore ee maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Intaas ayaan ku soo afmeerayaa miisaaniyadii 2012 ee Eng.Maxamed  Xaashi , waa inoo maqaalka xiga iyo Miisaaniyada 2013 ee wasiir C/casiis Maxamed Samaale Hadii Eebe idmo.

Qalinkii: Hamse Haji Mohamed (Rantiisi)

BA in Economics

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories