HomeMihiimadda Ay Nidaam Siyaasadeedka Lacagtu U Leedahay Horumarinta Dhaqaalaha!

Mihiimadda Ay Nidaam Siyaasadeedka Lacagtu U Leedahay Horumarinta Dhaqaalaha!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waddamada ku jira aafooyinka kacaa-kufka dhaqaalaha waxa ugu wacan baaxadagga iyo muquurashada mawjadaha dhaqaale xumada, inkasta oo ay tiro badan yihiin hadda na waxa door weyn ku leh hanaankooga ay u dajisan tahay siyaasadda lacagta, taas oo uu maamulkeeda leeyahay inta badan baanka dhexe. Inta badan marka siyaasadda lacagta laga hadlayo ahmiyaddeeda iyo hanaankeega ba way baaxad badan tahay, balse qormadeenan waxaynu ka soo qaadanaynaa dhawrka qodob ee ugu mihiimsan.

Waddamada uu dishooday dib u dhaca dhaqaalaha inay ka soo kabtaan oo uu dhaqaalahoogu sameeyo is beddal waxa lagama maarmaan u ah inay daweeyaan saxaan oo ay dajiyaan siyaasaddadooda lacagta, hadda ba aynu eegno dariiqyada ay tahay inay maraan.

1. Abuuridda iyo ballaadhinta haay’adaha maaliyadda (Creation and Expansion of Financial Institutions) qodobkani waa mid ka mid ah ujeeddooyinka siyaasadda lacagta laga leeyahay, waxaanu mihiim u yahay in la horumariyo dhaqaalaha waddanka. Wuxuu qodobkani koobsanayaa in la tayeeyo hay’adaha maaliyadda ee jira, kuwo cusub na la abuuro, sida oo kale waxa mihiim ah in la helo hanaan deymeed lagu taageero bulshada ku jirta suuqa si uu kobac iyo tadawur (horumar) u sameeyo ganacsigu, waxa iyaduna qodobkani leeyahay dhulka miyiga ah waa in laga yegleellaa adeeg daymeedka si loogu ilaaliyo noloshooda. Waxa isna bud-dhig u ah qodobkan in la isku dheeli tiro maalgalinta iyo keydinta lacagaha, iyada oo la ilaalinayo bangiyada ganacsiga ah hanaankooga shaqo.

2. Isku dheelitirka lacagta loo baahan yahay iyo sii deynteeda ( Proper Adjustment between Demand for Supply of Money) siyaasadda lacagta, qodobkani wuxuu ugu jiraa halka bukaanka dawadu ugu jirto, marka horumarka dhaqaalaha laga hadlayna waxa mihiim ah in qodobkan si aad ah loo eeggo oo la isku dheelitiro lacagta suuqa galaysa iyo baahida. Haddii lacag bilaa dheelitir ah lagu sii daayo suuqa waxay keensanaysaa inuu abuurmo sicir barar, sida oo kale haddii la dhimo lacagta suuqa looga baahan yahay na waxay keensanaysaa in dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo maaligalintu ba uu galo Hakad, si hadda ba labada dhinac ba looga fogaado waa in la isku dheelitiro.

3. Maareynta Deynta (Debt Management) tiirarka ahmiyadda u leh kobaca dhaqaalaha waxa ka mid ah qodobkan saddexaad, si loo sameeyo horumar lagaga baxo dhaqaalo darrada waa in la habeeyo wakhtiga deymaha loo baahan yahay, joogtayntooda, ahmiyadaha ay hawluhu kala leeyihiin iyo sida loo diyaarinaya ba.

4. Xasilooni ku haynta qiimaha (Price Stability) ilaalinta iyo dhawrista qiimaha gudaha iyo isu beddelka lacaguhu waa u mihiim kobaca dhaqaalaha, sidaas oo ay tahay haddii aan laga taxadirin khal-khal ku yimaadda dhinacyadaasi waxay saamaynaysaa horu-socodka looga baahan yahay dhaqaalaha la kobcinayo.

Marka aynnu soo gunaanadno waxa aynnu dul istaagnay dhawr qodob oo aynnu aragnay inaanay suurogal ahayn kobac dhaqaale la’aantood. Sidaa darteed iyada oo ay jiraan habab kale , balse talaabooyinkan aynnu soo taabanay haddii la sii faaqido oo lagu sii gunda-dago oo ahmiyad gaar ah la siiyo wax badan ayay ka qaadan karaan dalkeena, innaga oo og in baankeena dhexe qaban ka wax baxsan daabacaadda lacagta aan loo miidaan dayin, sida oo kale innaga oo maanka ku hayna inaan hab-maamulkeena dhaqaale iyo kaabayasheena kale ee qaranku leeyahay ba aanay wali taabo qaad noqon, sidaasi oo ay tahay waxa innagu waajib ah inaan u fikirno si togan oo cilmiyaysan oo leh siyaasad cad oo aynnu tubta horumarka ku tiigsano.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories