HomeMidowga Yurub oo War-murtiyeed Digniin, Dar-dargelin iyo Dar-daaran ah ka soo saaray...

Midowga Yurub oo War-murtiyeed Digniin, Dar-dargelin iyo Dar-daaran ah ka soo saaray Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada + faahfaahinta Kulan ay la qaateen Qaybaha Siyaasadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Wefti sare oo ka socda Saaxiibada beesha caalamka ee Somaliland kala shaqeeya dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, ayaa maanta socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, waxaanay kulamo la yeesheen madaxweyne Siilaanyo, Axsaabta siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka.

Weftiga oo ka koobnaa Safiirrada Dawladaha Denmark, Midowga Yurub iyo wakiillada dalalka Ingiriiska, Finland, Faransiiska iyo Holland, waxa kulamo la qaateen Madaxweynaha, saddexda murashax iyo guddiga doorashooyinka, waxaanay kala hadleen sidii loo ilaalin lahaa geeddi-socodka diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd nidaam xor iyo xalaal ah oo dhinac waliba aqbalo natiijada ka soo baxda.

EU_somHadda, war-murtiyeed Midowga Yurub ka soo saaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo nuqul ka mid ah oo luuqadda English ku qoran soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa lagu sheegay in midowga Yurub u caddeeyey dhinacyda ay la kulmeen taageerada ay u hayaan doorasho xor ah loona dhan yahay oo 13ka bisha November ka qabsoonta dalka isla markaana ay ku boorriyeen murashaxiinta inay aqbalaan natiijada ka soo baxda nidaam doorasho oo caqli-gal ah.

War-murtiyeedka waxa lagu yidhi, “Beesha Caalamku waxa ay tilmaantay in geeddi-socodka diyaar-garow ee doorashada ay gacanta ku hayaan guddiga doorashooyinku ay wanaagsan u socoto.

Diyaarinta  diiwaangelinta codbixiyaha iyo qaybinta kaadhka codbixiyaha, anshixinta ama aqoonsiga murashaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenka iyo digreetada madaxweynuhu ku badhi-taageeray adkeyta iyo cadaaladda ololaha doorashada, waa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday. U hoggaansanaanta digreetooyinkan iyo xeerarka anshaxa ee xisbiyadu gaadheen waa muhiim, marka lagu daro in axsaabta siyaasaddu u sinnaadaan warbaahinta. Iyadoo ah Shan todobaad ka hor xilliga doorashada, weftigu waxay ku dhiirrigeliyeen axsaabta siyaasadda, Guddiga doorashooyinka, Ururrada bulshada rayidka inay si wada-jir ah uga wada shaqeeyaan qabsoomidda doorasho madaxweyne oo loo dhan yahay si nabad ahna ku dhacda.”

“Maanta, waxaanu ugu baaqnay saaxibbadayada Somaliand inay ixtiraamaan nidaamka sharci iyo hannaanka u dejisan, la garab-istaago go’aamada ay dejiyeen hay’adaha sharcigu u jideeyey, laguna dhagsanaado ballamaha la jideeyey.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in ururrada Bulshada Rayidka ahi ay maamuli doonaan hawl-galinna doonaan 620 goob-joogayaal maxalli ah oo ay weheliyaan 60 goob-joogayaal madax-bannaan oo caalamka ka kala socda.

“Beesha Caalamka ee wada-shaqaynta la leh Somaliland, waxay hoosta ka xarriiqday in qasoomidda doorasho si nabad ah, macquul ah isla markaana xor iyo xalaal ah ku dhacda 13-ka November, axsaabta siyaadduna si furan uga qayb-qaataan natiijadeedana u hoggaansamaan, isla markaana lagu xigsiiyo qabsoomidda doorashooyinka Baarlamaanka iyo dawladaha Hoose, in ay tallaabooyinkaas oo dhami ay beesha caalamka tusayso qaan-gaadhnimada geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka.

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay. “Waxaas oo dhami waxay seeska u taagayaan sii socoshada horumarka dhaqan-dhaqaale oo ay ka faa’idaystaan shacabka Somaliland.

Beesha Caalamka ee danaysa Somaliland waxay sii wadi-doontaa inay taageerto si dhawna ula socoto diyaar-garowga iyo qabsoomidda doorashooyinka madaxweynaha.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories